Home Blog Page 808

Bulshada Galmudug oo taageeray doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Shacabka Magaalada Galkacyo ayaa taageeray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalintii shalay ka dhacday magaalada dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Bulshada oo Maanta isku soo bax ay ku tageerayaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug    ka sameeyey Magaalada   Galkacyo ayaa tilmaanay in ay tageerayaan dadaalada Dowladda Soomaaliya      iyo hannaanka loo maray dhismaha Dowlad Goboleedkaasi.

Maalintii shalayna waxaa   magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo ku xigeennadiisa.

Dhinaca kale qaybaha     Bulshada deegaannada Galmudug ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhusamareb ee lagu doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Bulshada ayaa Xildhibaannada  Galmudug ugu baaqay inay Doortaan Madaxwayne Samatabixin kara Galmudug  maadaama dhowaan la filaayo  doorashada Madaxwaynaha Galmudug iyo ku-xigeenka.

Dr; Gacal oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0

Waxaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay tartanka doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka maamul Goboleedka Galmudug oo uu ku guuleystay Dr; Maxamed Nuur Gacal

Dr; Maxamed Nuur Gacal ayaa murashixii kula loollamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka kaga adkaaday 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cusmaan uu isna helay 34-cod.

Dhowaan ayaa la filayaa in la doorto xilalka Guddoomiye ku xigeennada Afhayeenka golaha wakiillada Galmudug.

Ciidamada Xoogga Dalka oo muujiyay kaalinta kaga aadan baajinta dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Galgaduud

0

Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee XDS kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ku guuleystay baajinta dagaallo kale oo ka dhaca galbeedka gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ku dagaallameen maleeshiyo beeleedyo walaalo ah oo isku deegaan ah.

Ciidamadaasi oo dhowaan gaaray halkaas ayaa haatan ku kala dhexjira maleeshiyo beeleedyadaasi oo maalmo ka hor ku dagaallamay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Galgaduud.

C/kariin Axmed Bulxan oo warbaahinta Qaranka uga soo warama degmada Cabuudwaaq ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay ku guuleeysteen baajinta dagaal kale oo dhexmara malleeshiyaadkaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamadu ay kala dhexgaleen islamarkaana kala durjiyeen labadii dhinac ee colaaddu dhexmartay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada ay colaaddu ka dhacday ayaa ciidamada XDS ka dalbaday in ay xaqiijiyaan dhameynta colaaddaasi, iyagoo ammaanay kala dhexgalka labadaasi dhinac.

Ciidamada XDS ayaa hore u kala dhexgalay una baajiyay colaad hore u dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega bariga magaalada Gaalkacyo, taasoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Dagaallada noocan ah ayaa dhibaatada ugu badani waxey inta badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan iyagu qeybta ka aheyn colaaddaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee K/Afrika oo gaaray Johannseburg

0

Safiirka ay Dowladda Soomaaliya dhawaan u magacaabday Dalka South Africa Maxamed Cali Mire ( Nabadoon ) ayaa galabta waxaa uu gaaray Magaaladda Johannseburg.

Danjire Maxamed Cali Mire Nabadoon waxa uu badalay Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Koofur Afrika Jamal Maxamed Barrow oo loo magacaabay wadanka Nagaria .

Garoonka magaalada Johannesburg waxaa safiirka ku soo dhaweeyay madax ka socotay safaaradda qaar ka mid ah waxgaradka iyo culimada Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan Jaaliyadda Johanesburg.

     

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Kaxda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc Degmada Kaxda oo lagu dhisayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo goob waxbarasho oo carruurta si lacag la’aan ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mashaariicda uu maamulka Gobolka Banaadir ka hirgelinayo Degmada ay soo dhaweynayaan, maadaama ay yihiin baahiyaha gaarka ah ee ka jirta degmada Kaxda.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada ku nool caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhagay xarunta caafimaadka ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska Caasimadda.

                   

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo soo bandhigay shaqaale iyo gaari kuwa gurmadka deg dega ah

0

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa dadaallo xooggan ku bixiyay sidii Gaalkacyo ay u heli lahayd Gaadiidka dab damiska oo ay baahi weyn u qabeen dadka magaaladaasi.

Maanta ayay soo bandhigeen Gaari Dab damis ah iyo shaqaale loo carbiyay Gurmadka Deg Dega ah, kuwaas oo maamulku uu diyaariyay.

Marar badan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka kacay dab khasaare hantiyadeed gaarsiiyay Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh magaalada.

    

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo bogaadiyay waxqabadka Taliska ciidanka Asluubta

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyab galay xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-la malmood ee Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno kirsan Labada Gole ee Dowladda, Wasiiro, Taliyeyaasha Maxkamadaha ciidamada qalabka sida, Maamulka Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka iyo xubno kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo fanaaniinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay madasha ku soo bandhigeen sugaan ka turjumeysa waxqabadka taliyaha.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka taliyaha oo ay ka midtahay dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay xafiisayda saraakiisha, kaasi oo lagu hirgeliyay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta Guud ee dalka, horumarinta maxaabiista iyo daryeelkooda.

Xildhibaan Ibraahim Isxaaq Yarrow iyo Xildhibaan Cabdicasiis dhagaqool oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si wada jir u bogaadiyay waxqabadka muuqda ee Taliyaha ciidanka Asluubta, loona baahanyahay in mas’uul kasta uu kaalintiisa ka qaato dib u dhiska dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in howshan maanta la soo bandhigay ay gacan ku siiyeen saraakiisha ciidanka Asluubta oo farsamooyin badan yaqaano, ayna sii xoojin doonaan dadaallada lagu horumarinayo ciidanka Asluubta.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xarumo kale oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta lagu dhisi doono barnaamijka Isxilqaan, isagoo Taliyaha Asluubta ku booriyay in uu sii labo jibaaro dadaalka uu ugu jiro dib u dhiska xarumihii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

            

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madax ka socotay Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay arrimo badan

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowladda hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arrimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca Amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula oo sheegay in maamulka ay ka caawin doono wax u qabashada barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay madaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo dhanka iskaashiga ah.

               

Shirka Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed oo lagu qabtay Masar.

0

Shirka ay yeesheen maamulada Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed ,loogana hadlaayey Waxqabadka Mac-hadka ee sanadkii Tagay iyo qorshaha kutalagal ee 2020-2025-ka ayaa lagu qabtay Magaalada Sharm Al-Sheikh ee dalka Masar.

Shirkaasi oo sidoo kale looga hadlay miisaaniyadda,waxaa ka qeybgalay  Wafdi ka socday Soomaaliya oo ay Hoggaamineysay Wasiir ku  Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hon. Fahma Ahmed Nuur.

Wasiir ku xigeenka ayaa qudbad ka jeedisay Shirka waxa ay uga hadashay horumarka Soomaaliya iyo Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo hirgalintiisa sanadka bilaawday, Sidoo kale waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dowladda ay si wanaagsan ay uga faa”iideysteen Tababbarada.

Fahma Axmed Nuur waxay shirar gaar gaar ah la yeelatay Madaxa Mac-hadka iyo Madaxda ka kala socotay Dowladaha Carabta oo ay ka wada hadleen sidii Loo joogteyn lahaa loona kordhin lahaa Tababarada ay Soomaaliya u baahan tahay maadaama ay kasoo kabaneyso watigii adkaa ee ay soo martay.

Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed  wuxuu Soomaaliya ka taageeraa tababarro dhinaca Tayeynta Shaqaalaha Dowladda.

horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose.

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada AL-Shabaab uqaabilsanaa waxyaabaha qarxa ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabo Maxmed Cismaan Xuseen Buluush.

horjoogahani ayaa markii uu arkay Ciidamadda lasoobaxay qori AK47  islamarkaasna dagaalamay kadib Ciidamadda kumaandooska ee howlgalka sameeynayay ayaa toogtay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa qabashadaa horjoogahaani , balse dagaalamay sidaasina ay kutoogteen Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka.

horgahaani ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28-ka December 2019 lagu dilay duqeeyn ka dhacday Tuulada Caliyoow Baroow sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik.

horjoogahaani howlgalka lagu dilay ayaa horay ulaayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo umaleegay.