Ra’iisul wasaaraha XFS oo Mucaaradka kala hadlaya Arrimaha Doorashooyinka.

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu ka dhaadhiciyo guddiyada iyo waxyaabaha loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku imaaday heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray.

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay markasto sidii aan u fahamsii lahaa,si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa lasoo magacaabay inay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhaliilsan habka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo tilmaamay in ay ku jiraan shaqaale dowle iyo xubno ka tirsan ciidanka amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...