Home Blog Page 776

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xarunta gobalka Tigray ee Mekelle.

0

Saraakiisha Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaaladda warar Itoobiya u sheegay in ciidanka gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle . Dhanka kale  in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka  Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhinaca Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.

Xafiiska Midowga Yurub Soomaaliya oo Cambaareyay Qaraxii Xalay Dadka Shacabka ay ku laayeen Aragagixsada.

0

Xafiiska midowga Yurub ee soomaaliya ayaa canbaareeyay weerarkii wuxuushnimada ahaa oo ay xalay argagaxisada ku qarxiyeen dad shacab oo ku sugnaa maqaad.

Qoraal uu soo saaray wakiilka midowga Yurub ee soomaaliya Nicolas Berlanga ayuu ugu tacsiyeey ehelada iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa argagaxisadu salfatay.

Dhamaan dadkeena ka shaqeynaya soomaaliya oo xasiloon oo burwaaqo ah waxaan saakay ka murugeysanahay dadka aan weynay ayuu yiri Nicholas.

Rajadeena waa ay ka xoog badan tahay darbi madax la dhacooda ama caradooda ayuu yiri wakiilka midowga yurub.

Dowlada Itoobiyo oo Dhaqaatiir Caafimaad u dirtay Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi.

0

Maamulka magaalada Adis Ababa ee xarunta itoobiya ayaa koox caafimaad oo isugu jira dhaqaatiir iyo shaqaale kale u diray gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya halkaas oo colaad ay ka jirto.

Kooxdan oo ah 60 xubnood ayaa ka shaqeyn doona saldhigyada ciidanka ee waqooyiga itoobiya halkaas oo daryeel caafimaad ku siin doonaan ciidanka shacabka.

Madaxa caafimaadka magaalada Adis Ababa Dr. Yohannes Chala ayaa sagootiyay shaqaaaha caafimaadka.

Waa koowdii labaad oo caafimaad taas oo maamulka Adis Ababa u diro waqooyiga iyoobiya.

16 bishaan ayeey ahayd markii 48 shaqaale caafimaad ah loo anbabixiyay gobalka tigray.

(DAAWO) BARNAAMIJKA XASUUSTA KEYDKA ©SNTV // 28.11.2020.

Halkan ka Daawo Barnaamijka Xasuusta Keydka SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA MUQAALKA BULSHADA ©SNTV // 28.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Muuqaalka Bulshada SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA HAWEENKA IYO QOYSKA ©SNTV // 28.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska SNTV.

TPLF oo markale gantaalo ku riday Dalka Eritrea.

0

Qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Asmara Dekemehari, Gemehalo Nefasit ee dalka Eritrea.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay u muuqdeen weerar gantaalo ah oo dhanka TPLF ka yimid

Ma jiraan wax qasaaro ah oo ilaa iminka la sheegay .

Safaarada Mareykanka ee Asmara ayaa muwaadiniinta u sheegtay in aanay guryaha ka bixin

Sidoo kale safaarada ayaa bogeeda internetka ku qortay in qarax laga maqlay Asmara.

Dowlada Eritrea wali wax war arintan kuma soo saarin.

Labo isbuuc ayaa iminka laga joogaa markii TPLF ay sheegteen 3 gantaal lagu riday Asmara.

Ciidanka itoobiya oo sheegay in 50km ay u jiraan Mekelle xarunta gobalka Tigray.

0

Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaalada warar itoobiya u sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle .

Waxa uu sheegay in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka  Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhanka Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tacsiyeeyay geerida dadkii argagaxisada ku dileen qarax ka dhacay muqdisho.

0

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka Tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii caawa ka Dhacay Muqdisho.

0

Guddoomiyha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka Tacsiyadeeyay qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa yiri.

“Inaa Lillaahi Wa Inaa-ILeehi Raajicuun.

Waxaan Murugada iyo Tacsida la wadaagayaa Dhamaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday dhacdadii waxuushnimada aheyd oo ay arxan laawayasha Argagixisada ah ka geesatay Maqaaxida Gelato Divino ee Degmada Wadajir.

Si umadeena ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar waxaa dhamaanteena waajib nagu ah inaan u midowno la dagaalanka Argagixisada oo Had iyo Jeerba caadeestay daadinta dhiiga dad Muslim ah oo aan waxba galabsan.