Home Blog Page 776

Wasiirrada Shaqada Iyo Gargaarka XFS Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Dhowr Ah+Sawirro

0

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta dadaallada ay xukuumadda Soomaaliya ku gaareyso muwaadiniinta kuwooda nugul iyo dagaalka loogu jiro ka hortagga fayriska Covid-19.

 

Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Saraakiisha Amisom Ee Gobalka Hiiraan

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee qeybta 4aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo ciidamada AMISOM.

Dhanka kale Madaxweyne Waare oo ay  wehlinayay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Madaxtooyada Abdullahi Mohamed Addow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Jama Hashi wasiirka dekadaha Faarax Maxamed wasiirka ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray xarunta loogu talagalay latacaalida dadka uu so rito Covid-19.

Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta.

Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Oo Kulmay Siyaasiyiinta Waqooyi Galbeed

0

Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah kula yeesheen Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxa ay ka dhageysteen Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

kulankooda ayeey diirrada ku saareen qabyo-tirka mid kamid ah Nuqullada Afarta xeer ee guddiga loo igmaday guddiga.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ah Mudane . Xil. Ibraahim Isaaq Yarow.

Dowladda Oo Gargaar Degdeg Ah Gaarsiineysa Deegaannada Ay Ka Jiraan Xaaladaha Daran

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka guddiga Qaran ee xakameynta Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta Covid-19.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo deegaannada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay kamid tahay.

Wasaaradda Amniga Galmudug Oo La Wareegtay Koontaroolada Magaalada Gaalkacyo

0

Wasaaradda amniga Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa ciidamada Booliska dowladda federaalka ku wareejisay koontaroolada magaalada Gaalkacyo oo markii hore ay joogeen maleeshiyo beeleed.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaano ka wada tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay kormeeray koontaroolada lagu wareejiyay ciidamada Booliska iyagoo kula dardaarmay in ay bulshada si wanaagsan ula dhaqmaan si nabad gelyo buuxda loo helo.

Koontarooladaan ayaa waxaa hore u maamuli jiray maleeshiyo beeleedyo waxa ayna bulshadu kala kulmi jireen dhibaatooyin badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ku Baxay Shaqaaqo Ka Dhacday Degmada Deyniile

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ku dhaxmartay maamulka degmada Deyniile iyo ciidama hubeysan oo ay maamulka degmada ku sheegeen in ay dhulboob sameynayaan.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka isagoo sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkasta oo ku xad gudubta sharciga.

Wasiirka Shaqada XFS Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka

0

Sadiiq Xirsi Warfaa, oo ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Dr. Aamina Saciid.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda, wuxuuna ballanqaaday wasiirku in hay’adda ay si dhow ay uga taageeri doonaan in shaqo abuur loo helo dadka barakacayaasha ah iyo sidii lagu heli lahaa taageero joogto ah oo ay dowladda ka helaan Qaxootiga dibadda ka soo laabanaya iyo kuwa gudaha ku barakaca.

Kulanka labada Mas’uul oo ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Qorsheynta.

 

Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose Oo Laga Dhagax Dhigay Marko+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo kan degmada Marko.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa warbixin ka dhageystay maamulka gobolka xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada,sida dhinacyada Amniga, Caafimaadka iyo waxbarshada.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Marko laga dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeyn doono Maamulka gobolka shabeellah Hoose taasi oo in muddo ah laga soo shaqeynayay in heerkaan dhagax dhiga ay soo gaarto, waxaana sidoo kale qeyb-ka ahaa Senotar Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare lagana soo doortay gobolka shabeella hoose.

Xaruntaan waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay guddoomiyaha Degmada Marka Cabdulaahi Cali Maxamed Waafoow, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax , Senator Xuseen Cali Xaaji iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

Dhismaha xaruntaan uu ku shaqeyn doono maamulka gobolka shabeellaha hoos ee magaalada marko ayaa noqoneyso mid loogu talagalay in lagu fududeeyo adeegyada bulshada.

Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Xerada Gaaska 11-Aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Cabuudwaaq Ku sugan ayaa kormeer Ku tagay Xerada Gaaska 11-aad ee Guutada 35-aad  ee ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah Xeryihii Ilaalinta Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado si markale ay kaga mid noqoto xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Kormeerkaan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee ciidanka xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Xeradan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayuu Taliyaha Xoogga Ku amaaney saraakiisha Qaybta 21-aad iyo dadka reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeynteeda oo taliyuhu ku tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska Ciidanka Xoogga.

“Waxaan ku bogaadinayaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21 iyo guud ahaan shacab weynaha cabud-waaq sida ay isugu xilqaameen dib udhiskaan xaruntaan oo ah mid ahmiyad balaaran ugu fadhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay ku taallo xadka dalkeynu uu la wadaago wadanka itoobiya “Ayuu yiri taliyaha xoogga Generaal Odowaa yuusuf Raage.

 

 

Guterres: “Hoos U dhac Horumar Darteed, Afrika Taageero Ayay Dunida Uga Baahanyahay” “Sawirro”

0

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaana ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha iyo howlaha hay’adaha caafimaadka, Sahayda Gargaarka, Tahortagga mashaakilaadka lacag la’aanta, Taageero Waxbarashada, Shaqo Abuurista, Wax kaqabashada ganacsiga sii sabeeynaya iyo in la dejiyo hoos u dhaca xaaladaha dhakhliga ka soo xaroon jiray waxyaabaha dibadaha loo dhoofiyo oo hoos u sii dhacay.”

Mr. Guterres ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay u baahan tahay in ay ka hadasho burburka ku yimid dhaqaalaha iyo cawaaqibyada ay wajahayso bulshada kaasi oo ka yimid kadib markii uu shaac baxay coronavirus.

Hadaba, si waxyaabahaasi loo suurrogeliyo waxaa loo baahan yahay in ka badan $200 bilyan oo doolar, in lagaga gudbo amaahda lacageed ee lagu leeyahay wadamada Afrikaanka ah taasi oo ah arin weli taagan.

Dhaqaalaha Qaaradda Afrika ayaa sanadihii dhowaa ahaa mid si xoog leh u sii kordhaysay iyadoo uu jiray heshiis laga gaaray ganacsiga xorta ah ee qaaradda, waxaa sidoo kale Meesha ka baxay dalabaadka badeecadaha Afrika ee loo iibgeyn jiray dalalka dunida, Sidoo kale Dalxiiskii iyo xawaaladihii ganacsiga ayaa gebi ahaanba istaagay.

Qaaradda Afrika ayaa wajahaysa xaalado halis ah oo laga cabsi qabo in cudurka halista ah ee Covid-19 uu gebi ahaanba baabi’iyo dhaqaalaha iyo horumarka tiro dad lagu qiyaasay malaayiin ruux  ee ku kala nool dalalka saboolka ah ee Afrika islamarkaana malaayiin  qof ay wajahaan saboolnimo xad dhaaf ah.

Cudurka Caronavirus ayaa gaaray 89,000 xaaladood iyo 2,848 dhimasho, sida laga soo xigtay xarumaha xakameynta iyo la socodka cudurka ee loo soo gaabiyo (CDC).

Haddii aanan la qaadan tallaabooyin ku filan kahortagga iyo xakameynta coronavirus waxaa suurtagal ah in 190,000 oo qof ay u dhintaan cudurka sanadka ugu horeeya ee uu cudurkan uu ku dhaco 26% iyadoo in lagu qiyaasay 1 bilyan oo Afrikaan ihi uu ku dhacayo cudurkan COVID-19, sida ay sheegtay hay’adda C/fimaadka Adduunka ee WHO.

Dadyowga Qaaradda Afrika ayaa bilowgiiba dareemay xanuunka iyo jahawareerka uu cudurkan sababta uu unoqday sida shaqo la’aanta, cunno yarida iyo iyadoo caruur badan aysan helin talaalka iyo cunnadii ay ka heli jireen iskuulada maadaama gebi ahaanba la xiray.