Home Blog Page 771

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhow gaaray Xerada Bali-doogle.

0

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray xerada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’uiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Bali-doogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Bakool.

0

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka  sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka  Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka  DANAB ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyaan degano iyo degmooyin ka tirsan GobolLada dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab,iyadoona Howgaladaasi lagu qaarajiyo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

 

Ra’isulwasaaraha JFS oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada shaqaalaha dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye oo argagaxisadu qarxisay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee argagixisadu maanta qaraxa la beegsadeen

Ra’isulwasaaraha ayaa wareystay dhaawacyada oo uu mid kasta ku booqday sariirtiisa wuxuuna ilaah uga baryay caafimaad.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ay ka go,antahay horumarinta dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali & Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee ka socday Garoowe ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed loo baahanyahay in la howlgeliyo oo la siiyo fursado hogaamineed, si dalka uu u gaaro horumar dhinac kasta leh.

“Sida aad la socotaan shacabka Soomaaliyeed 70% waa dad da’doodu ay ka yartahay 30 sano, haddii aan rabno in wadankan uu hormaro, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo amni ahaanba waa in dhallinyarada Soomaaliyeed ilgaar ah lagu fiiryaa, lana howlgeliyaa”.  Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu xusay in Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada looga fadhiyo inay dalkan ka hirgeliyaan Nidaam doorasho.

“Qodobka doorashada, labada Xukuumadood, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadaha dowlad goboleedyada shacabka Soomaaliyeed waxa ay idinka sugayaan doorasho shafaafiyad leh” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Madaxweynaha Puntland oo soo jeediyey inay shir isugu yimaadaan Madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada.

0

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlayey gaba-gabada madasha Aragti Wadaagga Heritage oo Garoowe lagu soo afmeeray ayaa soo jeediyey in ay mar kale shir isugu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo hanaanka doorashada loogana jawaabo tabashooyinka ka taagan hanaanka doorashada.

Deni ayaa xusay in heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada bishii September 17-dii,  Baarlamaankuna ansixiyey 27-dii isla bishaas uu yahay sharciga kali ah ee haatan lagu gali karo doorashada, balse ay tahay in laga wada hadlo dhaliilaha iyo tabashooyinka ka taagan dhaqan galintiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in mudada shirka madasha loo fadhiyey garoowe ay socdeen shirar gaar gaar ah oo isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay wadeen si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyada doorashada ku lugta leh ama danaynaya, waxaana uu xusay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgalyada guud ee dalka xilliga doorashada, waxaana uu ka digay in la kiciyo fitno iyo colaad, isagoo yiri “Waxaan codsanayaa inaan fitno colaadeed la kicin, doorashaduna waa waxa la isku hayaa, waa doorasho, waana wax sanduuq lagu rido, ololuhuna waa hadal, qori boos uma banaana”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in dawladda soo socota ay tahay inay ahmiyad siiso dhamaystirka Dastuurka, Federaalaynta dalka, sugidda ammaanka iyo u diyaar garowga doorasho dadweyne, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay falkii argagixiso ee waddada Muqdisho iyo Afgooye.

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali iyo Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho  iyo Afgooye.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Macallimuu ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay sii wadista dhismaha jidkan muhiimka ah, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada nabadda iyo horumarka u diiddan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed “In doorashadu nabad inoogu dhacdo faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed”.

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayey gaba gabada madasha aragti wadaagga machadka Heritage oo Garoowe sanadkan lagu qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay ahmiyad wayn siinayso sidii doorashada soo socota ay dalka uga dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xasiloon.

Waxa uu sheegay in geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya uu soo socday 20-kii sano ee ugu dambeeyey, soona maray marxalado kala duwan oo horu socod leh, haatana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii dawladnimadu horu ugu soco lahayd.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso, arrimaha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.

“Fawdo ayaanu ka nimid, meel dheer baanu ka nimid, fawdana doooni mayno, in doorashadaasi nabad inoogu dhacdo, si nabad ahna loogu dareero faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Mudane Mahdi ayaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan sidii la isugu soo dhawaan lahaa, hannanka doorashaduna uu u noqon lahaa mid lagu wada kalsoonyahay, iyadoo la xalinayo tabashooyinka dhinacyada doorashada danaynaya qaarkood ay qabaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladaha uu dalka soo maray.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Cilmi baarista Heritage ayaa ka sheekeeyay taariikhdii loo soo maray dowladnimada Soomaaliya.

“2006-dii dowladdii Soomaaliya waxa ay joogtay Baydhabo, Xamarna waxaa joogay maxkamadihii, waxaana ka soo dhaqaaqnay Baydhabo oo aan Xamar ku imaanaynay, Nabadda taalay dalkan cid qiyaasi karto ma jirto” ayuu yiri mudane Cabdi Xaashi.

“Shanta farood waxa ay isku heystaan hogaaminta gacanta, suulka waxa uu leeyahay sow ma aragtaan sida aan u kuusnahay iyo meesha uu Alle i dhigay, tan xigta ayaa hadashay, beni’aadamka marka uu dhaaranyo, aniga ayuu I fdiyaa, tan dhexda ayaa hadashay, oo tiri sow ma aragtaan meesha uu Alle i dhigay, tan xigta ayaa tiri aniga waxaa la igu aaminaa dahabka, tan u dambeysa ee far yareeyda ayaaa tiri quwad ma lihi, balse iska keey gooya hadaad quruxleedihiin, qurux iyo quwadda waxaan ku leenahay waa wada jirkeena” ayuu yiri Senator Cabdi Xaashi

Mudane Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in dalkeena uu dahanyahay balse si fiican aan looga faa’iideysan kheyraadka uu dalkeena leeyahay, isagoo intaa ku daray in dalalka shisheeye ay xog ogaal ka yihiin kheyraadka dhex ceegaaga Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi “Madaxda Soomaalida intee in leg ayay carruurtooda dalka Soomaaliya joogtaa, Soomaalida waxa ay tiraahdaa, saddex dhibaato lagaga mabaxo,  saddexdaas labo ka mid ah hadaan soo qaato, mid waxa weeye Tol aan towfiiq lahayn, haddii aan heshiis la ahayn, dee wax jiraa ma jiraan iyo tan kale oo ah madax aan turis lahayn, Ujeeddada aan ka leeyahay waxa weeye, waxaan filayaa Madaxda carruurtooda ka maqantahay ee aan joogin, inaynan u tureynin kuwa kale, ee danta kursigooda la ajligii inay wax ay doonan u sameynayaan”.

UNHCR oo shaacisay dalalka qaabilay Qaxootiga sanadkii tegay.

0

Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR waxay sheegtay in sanadkii naga idlaaday ee 2020 oo ay dad badan qaxooti noqdeen sababo la xiriira colaado iyo barakicin xoog leh .

Waxaa UNHCR ay ku qiyaastay dadka qaxootiga noqday ilaa 80 malyuun oo qof .

UNCHR waxay sheegtay in ay jiraan wadamo si deeqsinimo leh u qaabilay qaxootiga, kuwaas oo ay uga mahadcelinyeyso.

Wadaman ayey sheegtay in dadka qaxootiga ay dareemaan nabad galyo iyo wel wel la’aan

Wadamada lagu amaanay doorka ay ka qaateen qaabilaada qaxootiga ayaa waxaa ay kala yihiin

?? Turkey

?? Columbia

?? Pakistan

?? Uganda

?? Germany

Dalka Turkiga oo qaabilay qaxootiga uga badan kuwaas oo ka yimi dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya ayaa waxaa uu magangalyo siiyay 3.6 malyuun oo qof .

Dalka Colombia waxaa uu magan galyo siiyay 1.8 malyuun oo qof.

Pakistan waxay qaabishay 1.4 malyuun oo qof

Dalka ku yaala bariga Afrika ee Uganda ayaa qaabilay 1.4 malyuun, waana dalka kaliya ee ku yaala Afrika ee soo galay liiska wadamada deeqsiga ku ah magan galyada qaxootiga.

Dalka Jarmalka ee Qaraadda Yurub ayaa qaabilay 1.1 malyuun oo qaxooti ah.