Home Blog Page 771

Galmudug Oo Xerada Dhaan-Karooni Isugu Geysay Ciidamada Ka Mid Noqonayo Daraawiishta+Sawirro

0

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayuu wasiirka amniga dawlad goboledka Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu  isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo sidoo kale ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Mudane Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer .

Masuuliyiinta ayaana ciidamada la xareeyay ku dhiiri galiyay in hada waxii ka dambeeyo ay u shaqeeyaan bulshadooda maadaama uu waajib ka saaranyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaan-karroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.

“Dhowaan waxaa xeradaan soo gaari doono ciidamo iyo gaadiid ka iimanayo Galgaduud waxaana dhawaan aan sidoo kale fileynaa in madaxweyne (Qoor-Qoor) uu tababar u furi doono waxaana sidoo kale guud ahaan ciidamadaan aan ugu talo galnay sugidda amniga iyo ka xureynta deegaannada fara ku turiska oo ay argagixisada ay kaga suganyihiin dhulka deegaannada Galmudug”Ayuu ku daray wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu qabatay shaqo adage e ku aadan in guud ahaan Gobolka Mudug la xareeyay maleeshiyaad beeleedyo iyo gadiidka dagaal si loo xaliyo dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka sidoo kalena waxaa socdo qorshayaal lagu dhisayo ciidamada daraawiishta iyadaa haatan ay socoto xareynta ciidamadii loogu talo galay inay noqdaan.

Midowga Yurub Oo Soo Dhoweeyey Wadahaladii Soomaaliya Iyo Somaliland Ku Dhexmaray Dalka DJibouti

0

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Africa-ba.

“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka”, Midowga Europe ayaa sidaa ku yiri bayaan saxafi ah oo ay SONNA heshay.

Waxa yiraahdeen in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi waxaa ka go’an sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan nabbada.

Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo  amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto, ayaa lagu soo gunaanudan bayaanka.

Akhriso: warmurtiyeedka wadahadallada DFS iyo Soomaaliland ee Jabuuti

0

Djabuti(SNTV)WAR-MURTIYEED, Iyada oo ku timid dadaal uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyo hoggaamiyayaasha gobolka ee ay ka mid yihiin:

Mudane Abiye Axmed Cali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland

Waxaa kulan wadatashi ah lagu qabtay caasimadda Jabuuti bishan 14ka Juun 2020 si gacan looga geysto sidii hoggamiyeyaasha DFS iyo Somaliland ay dib ugu sii ambaqaadi lahaayeen wadahadalladii iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha ayaa garawsan muhiimadda doorkii Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabad dhisidda iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka.

Ka hor inta aan la iskugu imaan kulankan taariikhiga ah, waxaa hore u soo qabsoomay dhowr wadaxaajood oo natiijooyin badani aanay ka soo bixin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay.

Kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac.

Waxaa lagama maarmaan ah in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal.

Kulankani wuxuu ku boorrinayaa dhammaan gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan.

Kulanka ayaa ku qabsoomay Jabuuti14 June, 2020

Madaxweynaha JFS oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey martigelinta shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland+sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

“Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay garbaha ka fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaheenna Soomaalland.

“Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”

Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka Mudane Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Jabuuti.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa goordhaw ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan  wadahadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalada Capetown ee dalka Koofur Afrika.

0

Allaha u naxariistee waxaa  Magaladda Cape Town ee Dalka South Africa lagu dilay  Abdirahman Moalin Ali Waxaana Sidoo kale la dhaawacay labo Wiil Africa iyagana ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay.

Allaha u naxariistee Abdirahman ayaa waxaa Dilay burcad koonfur Afrikan ah waxayna dhac ka Gaysteen goobtiisa ganacsi oo ku Taala duleedka Magaladda Cape town

South Africa waxaa ku soo badanaayo Dilka labo isbuuc Guduhooda waxaa Magaladda Capetown Ee Gobolka Western Cape lagu Dilay 3 Qof halka Magaladda Rustenburg lagu dilay Muwadin kale Sidoo kale Magaladda Caasimadda ah ee Pretoria iyadana Police South Africa jirdil ay u geysteen Abdi Nuur oo markii Dambe uu u geeriyooday tiradda Guud ayaa marayso 5 Muwadinin Somaliyed.

Madaxweyn Galmudug oo gaaray deegaanka Bandar-qaali ee gobolka Mudug

0

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa gaaray deegaanka Bandar qaali isagoo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Barlamaanka Galmudug iyo sidoo xildhibaano Ka tirsan golaha shacabka DFS.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen bañdar qaali kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha bulshshada deegaankaasi kulmo ay uga xag wareysanyeen xaaladda deegaanka ay ku noolyihiin.

Gudoomiyaha deegaanka Bandar-qaali Sheekh Muxyadiin Axmed Garre oo ka hadlay kulanka  ayaa Ka warbixiyay horumarada Ka jira deegaankaasi sida isku tashiga leh ay ku gaareen Bulshada deegaankaasi horumarka dhanka  waxbarashada,caafimaadka ,amniga iyo adeegyada kale ee aas aaska u ah nolasha aadanaha.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Galmudug Axmed Cabdi jaamac ayaa isna bogaadiyay horumarka ka muuqanaya deegaanka Bandar-qaali oo uu tilmaamay in ay yihiin bulsho ku dayasho mudan maamulka Galmudug naa uu kasoo bixiidoono  waajib loogu leeyahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan baahiyada dhameystirka u baahan Isagoona tilmaamay in reer Bandar-qaali ay ku dayasho iyo tusaale u noqan doonaan dhamaan Galmudug.

Midowga Africa oo baroor diiq u sameynayo Madaxweynihii  Burundi ee geeriyooday

0

Muqdisho(SNTV)-Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale iyo dhamaan fariisimaha ay ku leeyihiin Soomaaliya si ay xurmo uga sameeyaan madaxweynihii Burundi, Pierre Nkurunziza oo geeriyooday asbuucii hore.

Madaxa AMISOM, Ambassador Modera oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre si madaalenimo ah uu ugala shaqeeyey midowga Africa sidii nabbad iyo amaan looga dhigi lahaa Soomaaliya.

Modera ayaa faray xarumaha AMISOM in ay calanka Midowga Africa hoos u dhigaan ilaa laga gaarayo habeenka Salaasada saqda dhexe, June 16, taasi oo ah xus, ay ku xushmaynayaan kaalintii Madaxweyne Burundi uu ku lahaa hawsha aya ciidankaasi ka hayaan dalka Soomaaliya.

Ciidanka Burundi ayaa kamida ciidanka AMISOM ee mudada ka badan 10-sano hawl-galka nabbad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, waxaana ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo labada Shabelle.

Shiinaha oo xayiraad ku soo rogay qaar ka mid ah Suuqyadda Beijing Cabsi laga qabo labo Covid-19

0

Suuqyada waaweeyn ee magaalada Beijing ayaa si ku meel gaar ah loo xiray cabsi laga qabo in uu halkaasi mar labaad ku faafo xanuunka halista ah ee Covid 19.

Xayiraada Suuqyadaan ayaa waxaa soo jeediyay Guddiga Caafimaadka Qaran ee Shiinaha ee loo yaqaano (NHC), waxayna sheegeen in lix xaaladood oo cusub oo Corona virus ah  laga helay Xaafadda ku teedsan Suuqyada magaalada Beijing.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in ugu yaraan laba ka mid ah dadka cudurka qaba ay ka shaqeeynayeen suuqa xayiraada la saaray.

Waxay sido kale la xayiray suuqyada lagu iibiyo Hilibka kalluunka  ee Jingshen waxayna maamulka halkaasi ka arimiyo ay amar ku bixiyeen in la baaro iyo dhammaan suuqyada cuntada jumlada ah lagu iibiyo ee ku yaala magaalada Beijing.

Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo ka walaacsan xaalada Covid-19 ee ka jira Koonfur Afrika

0

Muqdisho:-(SNTV)-War qoraal ah oo ay soo saartay hay’ada caafimaadka Aduunka ayaa la gu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ka jirto xaalad aan la dhaliilsan Karin mkadib markii ay sii kordheen kiisaska Corona Virus.

Sida la xaqiijiyay gobalada kala duwan ee dalkaasi waxa maalintii shalay laga diwaangeliyay 3,359 Xaaladood oo Covid-19.

Sidokale Warbixin oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Koonfguud ahaan dalka laga diwaangaliyay in ka badan 61,9270 xaaladood, tiridaasi oo ka dhigeysa in xaaladahii ugu badnaa ee laga helo wadamada Afrika.

Ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meelood kiisaska Koonfur Afrika waxay ku sugan yihiin gobolka Galbeedka Cape oo xuddun u ah magaalada Cape Town.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee  qaarada Afrika ayaa dhawaan sheegay in dalka Koonfur Afrika uu ku socda Wadadii ay mareen wadamada Yurub iyo Mareykanka, waxayna ku baqeen in gurmad deg deg ah loo sameeyo Koonfur Afrika.