Home Blog Page 76

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Afrikada Bari oo Mogadishu ka socda

0

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo Maalintii shanaad ka socda Mogadishu.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka, isagoo u mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Komoros, Mudane Youssoufa Mohamed Ali Wasiirka Komoros ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qaybgalo Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Wasiir Youssoufa Mohamed Ali, oo ka mid ah madaxda sare iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka xubnaha ka ah EASF ee ka qaybgalaya shirkan, ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee loo fidiyay.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in ka qaybgalka wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka xubnaha ka ah EASF uu yahay caddayn muuqata oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay waddamada gobolka inay si buuxda isaga kaashadaan xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo difaaca guud ee Afrikada Bari.

Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah u leh amniga gobolka, ayaa lagu wadaa in lagu gorfayn doono qorshayaal iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo awoodda ciidamada EASF iyo ka jawaabista caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka fulinta heshiisyadii laga gaaray shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada Wadajirka ah ee ka dhacay Muqdisho, ayaa saaka ka furmay Hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, ayaa shirka diiradda ku saaraya kordhinta iskaashiga labada shacab, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, xoojinta waxbarashada, caafimaadka, horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga amniga iyo wadajirka gobolka.

Mudane Mohamed Issac Fatiir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in wada-hadallada la xoogga saarayo xoojinta xiriirka dadweynaha labada dal, iyadoo diiradda la saari doono arrimaha amniga, horumarka, iyo riyooyinka ay wadaagaan labada shacab.

Dhankiisa, Mudane Zerihun Abebe, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa furitaanka shirka ka sheegay in uu gogol xaar u yahay wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah. Waxa uu tilmaamay in laga doodi doono fursado iskaashi oo cusub, sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqaalaha iyo xirfadaha, iyo duulista rayidka.

Shirkan ayaa labada dhinac diiradda ku saarayaan iskaashiga siyaasadda, amniga, ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska, warbaahinta, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegga hawada iyo duulimaadyada.

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM – Somalia), General Marco Manzone.

Wasiirka ayaa taliyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhanka tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Taliyaha xilka wareejiyay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii iyo hoggaamintii wanaagsanayd ee uu muujiyay intii uu xilka hayay, gaar ahaan doorkiisii muuqday ee horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday degmada Kaaraan oo lagu maamuusayey ololaha isdiiwaangalinta ee doorashooyinka soo socda.

Wasiir Xagaa oo ka hadlay xafladda ayaa ka waramay ahmiyadda isdiiwaangalintu u leedahay doorashooyinka qof iyo cod ah, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si masuuliyadi ku dheehan tahay looga shaqeeyo dhameystirka waqtiga kama dambeysta ah ee ololaha.

“In degmada Kaaraan uu ka socdo olole doorasho waa guul. Dadkana waxaan leeyahay: isdiiwaangeliya meel kasta oo aad joogtaan,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Xuseen Muungaab, oo isna hadal ka jeediyay xafladda, ayaa xusay in maamulka gobolka uu xoojiyay taageerada ololaha isdiiwaangalinta, isagoo carabka ku dhuftay in doorkooda uu yahay fududeynta goobaha diiwaangalinta iyo wacyigelinta bulshada.

Waxaa sidoo kale xafladda ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarunta cusub ee Hay’adda NIRA ee Jowhar.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga furitaanka rasmiga ah ee laanta Hirshabeelle ee NIRA, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xarigga looga jaro. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo diyaar-garowga xarunta iyo habsami u socodka howlaha la xiriira bixinta adeegyada muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa xusay in dhawaan la furi doono xarumo cusub oo NIRA ay ku yeelanayso  magaalooyinka Baladweyne, Balcad, iyo Buulo-Burde, si loo dardargeliyo adeegyada diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiyada Qaranka.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Heshiiskan is-afgarad ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, yareynta shaqo la’aanta, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.

Heshiiskan ayaa markii hore ay labada wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin. Ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo la’aanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

R/W Xamse oo faray hey’adaha dowladda inay gurmad gaarsiyaan dadka Gobolka Awdal 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, ayaa ka hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hey’adda Sodma, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey kulanka golaha, ayaa faray hey’adaha Xukuumadda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS ugu hambalyeeyay in uu ku guuleystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taasi oo ka tarjumaysa horumarka uu dalkeennu ka gaaray hannaanka dib-u-habeynta maamulka maaliyadda.

Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay in ay dalka ka hirgaliso Warlalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaas oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuna saabsan iskaashiga shaqada, shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda oo billad sharaf ay guddoonsiyeen Ururka Bangiyada Soomaaliyeed

Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa xalay munaasabad ballaaran waxa ay ku maamuuseen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo dhawaan ku guulaystay billadda Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025-ka.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah goleyaasha dowladda, ururada bulshada rayidka, aqoonyahano iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda sida Wasiiru dowlaha wasaaradda Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda mudnae Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Munaasabadda ayaa intii ay socoday waxaa sidoo kale bilad-sharaf lagu guddoonsiiyay wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer ugu mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee cashuur bixiye-yaasha ah iyo ganacsatada had iyo jeer u taagan ka qeyb qaadashada dib-u-dhiska dalkooda.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa ugu dambayn halkaasi lagu guddoomsiiyay billad sharaf qaali ah, wuxuuna u mahadceliayay ururka Bangiyada Soomaaliyeed oo soo qaban qaabiyay munaasabadda.

Wasiir Biixi Iimaan Cige “Ururka Bangiyada Soomaaliyeed waan uga mahadcelinayaa maamuuska ay ii sameeyeen, taas oo igu dhiirigelineysa horumarinta dhaqaalaha dalka.”

 

Ciidanka Qaranka oo burburiyay bar Koontarool oo Khawaarijtu ku lahaayeen Deegaanka Busleey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 144-aad ee ka tirsan Guutada October, ayaa maanta guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaas ayaa lagu burburiyay bar koontarool oo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen halkaas, oo ay u adeegsan jireen inay ku dhibaateeyeen dadka deegaanka ah.

Howlgalka oo si hufan loo fuliyay ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Ururka 144-aad Mahad Cali Nuur Raage.

Ciidanka Qaranka ayaa si geesinimo leh u burburiyay fariisinka cadowga ay ku lahaayeen halkaas.

Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa howlgalka Degaanka Busleey, Ciidamada ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin Difaaca dalkooda iyo dadkooda.