Home Blog Page 75

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, kaas oo si bareer ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo midnimadood, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo nabadda gobolka.

“Tallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah.

“Soomaaliya ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee shacabka Falastiin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday damaca Israa’i1l ee lagu wiiqayo wadajirka dhuleed ee dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nayjeeriya ayaa lagu xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyeysan ee matasha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana beesha caalamka ayay Nayjeeriya ugu baaqady inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Koonfur Galbeed.

Hindisahan sharciyeed ayaa ujeedkiisu yahay in si buuxda loo mamnuuco gudniinka fircooniga ah, maadaama uu khatar weyn ku yahay caafimaadka, nolosha iyo xuquuqda gabdhaha iyo haweenka. Saxiixa Madaxweynaha ayaa muujinaya sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan haweenka iyo carruurta.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada la gaarsiiyo wacyigelin ku aaddan dhibaatada gudniinka fircooniga, isla markaana la iska kaashado hirgelinta sharcigan, si loo xaqiijiyo badbaadada jiilka hadda iyo kan soo koraya.

Wasiirka Haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha kala duwan, culimada, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah inay door firfircoon ka qaataan hirgelinta sharcigan iyo la dagaallanka dhaqamada waxyeellada u leh haweenka iyo gabdhaha.

 

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeediyo labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka Labadiisa Aqal la wadaagi doono go’aanka ka dhiidhinta ah ee ku saabsan xadgudubka bareerka ah ee Yuhuuddu ku sameysay madax bannaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan howlaha kale ee uu waday, isagoo xoogga isugu geeyay arrimaha difaaca dalka, kaddib faragelin uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku sameeyay wadajirka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni-xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay ammaanka guud, iyagoo baadhitaanno ka sameeyay tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah, ayna shacabka deegaanka u helaan nolol nabdoon.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidamadu ku wiiqayaan khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha Qumooros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Jamhuuriyadda Ciraaq, Dawladda Kuwayt, Dawladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Federaalka ee Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Falastiin, Dawladda Qatar, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 u sameysay gobolka “Somaliland” ee ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaarayn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, isla markaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Israa’iil leedahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leexleexad lahayn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qaybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhexeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.

 

 

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna guddoomiyaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga Gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sii wada wada-tashiyada oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada sharciga, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, ee difaaca midnimada iyo madax-bannaanida iyo qarannimada.

Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

0

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay garab-istaagga Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Kuwait ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah, isla markaana adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland.

Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira aqoonsiga iyo masiirka dalka ay yihiin kuwo go’aan kooda kama dambaysta ahi yaallo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in go’aankan uu dhaawacayo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.