Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhac iyo barakicin ugu geystay dad shacab ah Gobolka Shabeellaha Hoose+(SAWIRRO).

Date:

In ka badan kun iyo shan boqol qoys oo maleeshiyaadka argagaxisada Al-shabaab ay ka dhaceen xoolahii iyo beerahii islamarkaana ay ka soo barakiciyeen dadkii deganaa afartan tuulo hoos tagta degmada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa soo gaaray tuuulada Buufow Bacaad ee degmada Marka.

Dadkan soo barakacay oo u badan caruur iyo haween ayaan haysan hoy ay ka galaan dhaxanta iyo kuleylka waxaana ka muuqata daruufo adag oo dhinaca nolosha ah waxaana maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka qaateen xoolahii iyo dhul beereedkii ay tacbanayeen waxaana hada ay la il daranyihiin cuduro sida maleeriyada shuban biyoodka iyo cuduro kale oo ay u dheertahay gaajo iyo macluul iyadoo u geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka caruur badan.

Qaar ka mid ah dadkii soo barakacay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay u geysteen maleeshiyaadka Al-shabaab waxeyna ka codsadeen dowladda Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya hay,adaha gar gaarka in ay la so gaaraan gargaar.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa mar walba waxey dhac dil handadaad u geystaan shacabka Soomalaiyeed iyo horay qoysas sidaanoo kale ay u soo barakiciyeen Al-shabaab ay soo gaareen degmada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...