Home Blog Page 73

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyaga oo dhigayay bannaanbax ballaaran oo ay ku muujinayaan dareenkooda ka dhanka ah damaca iyo faragelinta Israa’11l  ee ku wajahan gobollada dalka.

Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Israa’11l iyo kuwo ay ku muujiyeen taageeradooda midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale muujiyeen garab istaagooda mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan difaaca qaranimada iyo diidmada faragelinta shisheeye.

Mudanayaal ka tirsan maamulka Hirshabeelle, odayaal dhaqameed, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jowhar ayaa ka qeyb galay isu soo baxa, iyagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeesan doonaan damaca kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Bannaanbaxan ayaa qeyb ka ah mudaharaadyada guud ee ka socda gobollo badan oo dalka ah, kuwaas oo lagu taageerayo midnimada Soomaaliya iyo in si wadajir ah loo diido faragelinta ajnabiga ah, gaar ahaan damaca Israa’11l.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray laamiga cusub ee Nasiib Boondoo oo laga hirgeliyey Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ayuu Duqa Muqdisho ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorshaha ballaaran ee Maamulka Gobolka Banaadir u dajiyay dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka. Wuxuu sheegay in himiladoodu tahay in Muqdisho noqoto caasimad nabdoon oo horumarsan, la jaanqaadaysa kuwa kale ee caalamka.

“Magaalada Muqdisho waxaan rabnaa in sanadka 2026 laga waayo wado laami ah oo dumiya ama bacaad ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. “Waddooyinka la dhisayo waa in shacabka ilaashadaan, lagana daayo ku shubidda biyaha wasaqda ah.”

Duqa Muqdisho wuxuu sidoo kale ku booriyay bulshada inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo sugo xasilloonida, maadaama amnigu uu saldhig u yahay horumarka iyo koboca adeegyada bulshada.

Xarig-jarka laamigan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu hagaajinayo bilicda iyo isku socodka caasimadda.

Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka socda degmada Afgooye. 

0

Bannaanbax weyn oo si nabadeed u dhacay ayaa maanta ka qabsoomay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo looga soo horjeeday faragelinta sharci-darrada ah ee Israa’11l ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Shacabka degmada Afgooye oo ay hormuud u ahaayeen culimada, dhallinyarada, haweenka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa si isku duuban u muujiyay dareenkooda ku aaddan tallaabada ay Israa’11l ku doonayso in ay ku carqaladeyso midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah damaca Israa’11l, waxayna ku baaqayeen in loo midoobo difaaca qarannimada, iyadoo la adkeynayo wadajirka shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa sidoo kale laga dareemay bannaanbaxa in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba oggolaan doonin wax kasta oo wiiqaya qaranimadooda.

Ugu dambeyn, banaanbaxani wuxuu ka mid yahay mowjadaha muujinta dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah faragelinta dibadda, iyadoo magaalooyin badan oo dalka ah laga dareemayo isu-soo-baxyo ujeedkoodu yahay midnimo, is-difaac iyo ka hortag colaado cusub oo lagu soo abaabulayo Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay mar kale faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale si cad u sheegay in aan la aqbali karin faragelinta Israa’11l ee arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in tallaabooyinka noocaas ah ay halis gelinayaan amniga, midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay si hagar la’aan ah u wadi doonto dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo gobannimada dalka, isagoo bogaadiyay sida beesha caalamka ay si geesinimo leh uga hadashay tallaabooyinka khaldan ee Israa’11l.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha ka jeediyay shirka  jaraa’id uu Istanbul kula qabtay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, halkaas oo lagu adkeeyay mowqifka wadajirka ah ee ku aaddan difaaca midnimada Soomaaliya iyo iska caabbinta faragelin kasta oo shisheeye.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

0

Qaban-qaabada isu-soo-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana looga soo horjeedo faragelinta cad ee Israa’11l, ayaa si ka bilaaban doonta magaalooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dibadbaxyadan ayaa la filayaa in ay maanta ka dhacaan qeybo badan oo gobolka ah, iyagoo ay shacabka Hiiraan ku muujinayaan dareenkooda waddaninimo iyo sida ay uga soo horjeedaan isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Waxaa la rajeynayaa in ka qeybgalayaashu ay muujiyaan midnimo, nabad iyo go’aan adag oo ku aaddan difaaca dhulkooda iyo diidmada faragelin kasta oo shisheeye.

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

0

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ku sheegtay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya mid aan la aqbali karin.

Dowladda Turkiga ayaa boggaadisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ku aaddan xoojinta amniga, nabadgelyada, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Hadalkan waxaa ka jeediyay Dowladda Turkiga kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo khataraha ka dhalan kara haddii lagu xad-gudbo madax-bannaanida Soomaaliya.

Turkiga ayaa caddeysay inay si dhab ah u garab taagan tahay JFS, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada dowladda ee la xiriira ilaalinta madaxnaanideeda.

Ugu dambayn, Dowladda Turkiga waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madax-bannaanida dalalka Caalmaka iyadoo xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo nabadda gobolka.

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

0

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Shacabka ayaa si weyn u muujiyey sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed,waxay ba shacabku si weyn dunida u tuseen in ay ka go’an tahay difaaca dalkooda.

Degmooyinka Hobyo, Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayey shacab si weyn ugu dhigeen isu soo baxyo balaadhan oo si weyn ugu muujiyeen shucuurtooda.

Degmooyinka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedka Galmudug ayey iyagana si weyn uga socdaan banaanbaxyo waaweyn oo shacabku ku muujinayaan difaaca midnimada dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil in ay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa uu jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo khudbaddiisa lagu caddeeyey walaaca Soomaaliya ku aaddan faragelinta Israa’iil.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ku adkeeyey in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay tallaabo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka, iyo midnimada Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u heysato beesha caalamka.

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

0

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Khudbad ay Kuwait ka jeedisay shirka degdegga ah ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa lagu caddeeyay in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda.

Dowladda Kuwait waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madaxbannaanida dalalka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

0

Waxa guud ahaan ba degmooyinka gobolka Banaadir ka socda mudaharaado waaweyn oo shacabka soomaaliyeed kaga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada dhuledd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa saaka u soo baxay in ay dunida tusaan sidan doonista beenta ah ee Israa’iil u tahay mid aan marnaba dhacayn shacabka Soomaaliyeed na diyaar u yihiin in ay difaacdaan dalkooda iyo dadkooda.

Qaar ka mid ah shacabka isu soo baxay saaka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa ka mid ahaa Caasho Caddow Jimcaale oo tiri “Inta ay naftu nagu jirto cidna kama aqbaleyno inay kala dhantaasho midnimada dalkeenna.”

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed xasan ayaa isna yiri “Saakay dhammaan ardayda Soomaaliyeed waxey diyaar u yihiin inay ka jawaabaan Xadgudubka YHda.”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa tiri “Dowladda Soomaaliya guulo Diblomaasiyadeed ayey ka gaartay YH-da Isra11l waana Farxad.”

Guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir ayuu hadda si toos ah uga socdaa mudaharaadka shacabka Soomaaliyeed ku muujinayaan gobanimadooda kuna difaacayaan midnimada dalka.