Home Blog Page 72

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

0

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 29 xubnood oo Khawaarij ah, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo xarumaha Khawaarijta. Intii uu socday toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa la beegsaday goobo Khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayeen deegaannada Jabad-godane, Alanleey iyo Xawaadley, waxaana guud ahaan la dilay 135 xubnood oo dhagarqabayaal ah.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muujiyay adkeysi iyo qorshe cad oo lagu burburinayo awoodda Khawaarijta, si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaaya amniga iyo xasilloonida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

0

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada

 

 

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay wargelin rasmi ah oo lagu amray dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka, in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah oo ku beegan 02/01/2026, lagu wajaho mowduuc muhiim ah oo ah “Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed” iyo “Khatarta Faragelinta YH-da”.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in mowduucaasi yahay mid muhiimad weyn u leh xilligan la joogo, iyadoo la tixraacayo xaaladaha caalamka ka taagan iyo isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan mas’uuliyiinta masaajidda in ay si buuxda u gutaan waajibkooda diiniga ah, ugana faa’iideeyaan khudbada Jimcaha wacyigelin qaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada dalka.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay dhammaan culimada dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan baraarujinta bulshada Soomaaliyeed.

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu hadda dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka hor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan.

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

0

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si weyn u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka. Abaaraha socda ayaa sababay biyo-yari xooggan iyo xaalad nololeed oo liidata, iyadoo roobabkii la filayay muddooyinkii la soo dhaafay aysan ka di’in gobolka.

Deegaannada ay abaaruhu si gaar ah u saameeyeen waxaa ka mid ah degmooyinka Hobyo, Xarardheere, Wisil, Afbarwaaqo, iyo Bandiiradley. Qoysas badan oo xoolo-dhaqato ah ayaa la tacaalaya nolol adag, halka duunyada ay la daalaa-dhacayso biyo iyo baad la’aan.

Maamulka Galmudug ayaa uga digay bulshada deegaanka in ay joojiyaan jarista dhirta, taas oo sii kordhinaysa nabaad guurka iyo saameynta isbedelka cimilada. Waxaana lagu baaqay in la qaato tallaabooyin waxtar leh oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, iyadoo la dhiirrigelinayo bulshada inay ilaashadaan deeganka si loo yareeyo saameynta abaaraha.

Waxaa sidoo kale loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo biyo, raashin, iyo daryeel caafimaad isugu jira si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada ay abaartu saameysay.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo 2026. Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa muddada bishan ah noqon doonta dalka shir-guddoonka Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in ay hoggaamiso kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah.

Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM waxay si wareeg ah ugu dhacdaa waddamada xubnaha ka ah  bil kasta, iyadoo Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

0

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil ku soo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada dal ee ku dhisan iskaashiga amniga iyo siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ka go’an tahay ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ay mar walba garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha, garab istaagga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, ee ay kaga falcelisay tallaabadii ay Isra’iil ku faragelisay iyo sidii ay moowqifkeeda uga caddeeyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

0

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay dibadbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada. Dibadbaxa ayaa looga soo horjeeday xadgudubka Israa’iil ay ku hayso madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa si nabad ah ugu banaanbaxay waddooyinka waaweyn, iyagoo watay boorar iyo calamo muujinaya caro, midnimo qaran iyo taageero loo hayo dowladnimada Soomaaliya.

Bannaanbaxayaasha ayaa cambaareeyay faragelinta Israa’11l, iyagoo cod dheer ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin damac kasta oo ku saleysan kala qeybin ama xadgudub lagu sameeyo qaranimada dalka.

Dibadbaxan ayaa qeyb ka ah kacdoonno nabadeed oo ka socda gobollo kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo lagu diidan yahay faragelinta shisheeye ee ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in horumar la taaban karo laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qiimeyn farsamo iyo mid cilmiyaysan oo la sameeyey ay muujisay natiijooyin rajo leh oo ka dhashay dadaalladii muddooyinkii la soo dhaafay lagu waday baaritaanka khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

“Waxaan dhawaaqaynaa in horumar la taaban karo laga gaaray sahmintii lagu sameeyey kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya. Qiimaynta farsamo iyo kuwa cilmiyadeed ayaa muujiyey natiijooyin wanaagsan,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Tani ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo u gogol-xaaraysa in dalka uu ka faa’iideysto kheyraadkiisa dabiiciga ah si loo hormariyo dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Dowladda Federaalka ayaa horey u ballanqaadday in khayraadka dalka ay noqon doonaan kuwa ummadda Soomaaliyeed u dhan tahay ka faa’iidaysigooda.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

0

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo dhigayay bannaanbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan faragelinta Israa’iil ee gudaha Soomaaliya.

Bannaanbaxayaasha ayaa watay calanka Soomaaliya iyo boorar ay ku qornaayeen erayo lagu cambaareynayo Israa’iil, waxayna cod dheer ku muujiyeen sida aysan u aqbalaynin wax kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaal dhaqameed iyo dhalinyaro ayaa ka hadlay isu soo baxa, iyaga oo sheegay in shacabka Buuloburde ay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin faragelin shisheeye.

Bannaanbaxan ayaa qeyb ka ah kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhan ah faragelinta Israa’iil iyo damaceeda ku aaddan gudaha Soomaaliya.