Home Blog Page 72

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xiriirka labada dhinac ee dhinacyada maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale.

Kulanka, oo dhacay maanta, ayaa waxaa laga wada hadlay fursadaha maalgashi ee istiraatiijiga ah ee labada dal iska kaashan karaan. Wasiir Maxamuud C. Sheekh Faarax ayaa si gaar ah u faaqiday sidii loo xoojin lahaa maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo qorshaha isbedelka qaranka (QIQ), kaas oo ah qorshe dhaqaale oo muhiim ah oo dalka Soomaaliya ka caawinaya in uu gaaro kobac dhaqaale oo joogto ah.

Mudane Maxamuud ayaa tilmaamay in fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya ay yihiin kuwo sii kordhaya, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay wadamada kale, gaar ahaan dalka Azerbaijan. Waxaa sidoo kale si gaar ah loo faaqiday sidii labada dal uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta sektorrada kala duwan ee dhaqaalaha sida tamarta, warshadaha, iyo adeegyada.

Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev, ayaa soo dhaweeyay horumarka iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinaca maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Wuxuu sheegay in Azerbaijan ay diyaar u tahay inay Soomaaliya la wadaagto khibrad iyo taageero dheeraad ah si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Kulankan ayaa sidoo kale si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo abuuri lahaa jawi maalgashi oo fursado badan siiya maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo la adeegsanayo qorsheyaal istiraatiijiyadeed iyo in la kordhiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo qeybaha gaarka loo leeyahay ee labada dal. Waxaa muhiim ah in kulankan uu muujinayo dadaallada Dowladda Soomaaliya ee xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga, iyadoo loo arko mid ka mid ah dariiqyada ugu muhiimsan ee dalka uu ku gaari karo horumar dhaqaale oo waara.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyada oo la rajeynayo in fursadaha maalgashi ee ka dhalanaya kulankan ay kaalin muuqata ka qaataan horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yuu. Kulankan, oo ahaa mid muhiim ah, ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo si gaar ah ugu saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan arrimaha xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dedaallada wadajirka ah ee xasilinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada taageerada dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda gudaha ee dalka.

Wasiir Xoosh ayaa ka codsaday dowladda Shiinaha inay sii waddo taageerada iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada, si loo hubiyo xasiloonida iyo horumarka dalka. Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yuu, ayaa si weyn u taageeray dadaallada Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in Shiinaha uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo kale oo muhiim ah, sida la shaqeynta hay’adaha dowladda iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dhinac ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, si loo kordhiyo maalgashiga iyo iskaashiga labada dal.

Wasiir Xoosh ayaa ugu dambeyntii xusay in kulanka uu ahaa mid miro dhal ah, isla markaana uu dhisaya mustaqbalka iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xalinta arrimaha gudaha iyo horumarinta dalka. Kulankani ayaa sidoo kale muujinaya sida Soomaaliya ay u muhiimad siinayso taageerada caalamiga ah ee ka imaaneysa dalalka saaxiibka la ah, gaar ahaan dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Sweden 

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Danjire Joachim Waern.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga tacsiyeeyay safiirka dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday dugsi ku yaalla Sweden, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, isagoo muujiyay dareen-wadaagga ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda la leedahay dowladda iyo shacabka Sweden.

Danjire Joachim Waern ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud tacsida iyo soo dhaweynta diirran, isagoo hoosta ka xariiqay sida Dowladda Sweden uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda , isaga oo caddeeyay in Sweden ay sii wadayso dadaallada ay ku taageerayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay xuska maalinta Caalamiga ah ee Kansarka  

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay xuska maalinta Kansarka adduunka.

Munaasabaddan oo uu furey Agaasimaha Waaxada Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Mukhtaar Shube, waxaana kasoo qeyb galey agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafikaadka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala Soomaaliya, wakiilo ka socdey Isbitaalada dalka, Dhakhaatiir, aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Yoolka maalintan ayaa ahaa in la dhiirri geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan noocyada badan, waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado, ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanad kasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan, dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin inta badan daryeel Caafimaad.

Goobta ayaa lagu soo bandhigey warbixinno ka looga hadlayey heerka xanuunkan iyo saameynta uu ku leeyahay bulshadeena iyadoo warbixinnadu ay barbar socdeen farriimo wacyi gelin ah oo ka qeyb qaadanaya ka hortagga iyo yareynta xanuunkan dunida oo dhami la daalaadhaceyso.

Khubarada iyo mas’uuliintii kasoo qeyb gashey munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Kansarka waxay ka wada dhawaajiyeen in si dhow ay bulshada ula socoto farriimaha ka imaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, iyadoo la raacayo tilmaamaha si loo badbaadiyo bulshadeenna.

Guddi Joogtada ah ee Aqalka Sare oo meelmariyay Ajandayaasha Golaha 

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo Golaha, metelaadda Shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib dood iyo falanqayn dheer kadib la meel mariyay ajandaha Golaha iyo qorshe hawleedka Guddiyada ee kalfadhiga lixaad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya.

Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta 

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil. Asad Abdirasaaq Maxamed, ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda kor u qaadaya wax-soosaarka beeraleyda Carabta.

Intii uu shirka ku jiray, Wasiir Asad wuxuu kulamo doceedyo la yeeshay Wasiirada Beeraha ee Masar iyo Ciraaq. Wuxuu Wasiir Asad kala hadlay Wasiirka Beeraha Masar xoojinta xiriirka labada Wasaaradood, si kor loogu qaado aqoonta iyo khibradda beeraleyda Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu kala hadlay Wasiirka Beeraha ee Ciraaq dib-u-soo celinta mashruucii hore ee Iraq-Som ee horumarinta beeraha.

Dhanka kale, Wasiir Asad iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar. Kulamadaasi waxaa ka qayb qaatay Wasiir ku xigeenka iyo khubarada madaxda u ah xarumaha cilmi-baarista beeraha ee dalka Masar. Intaas waxaa dheer, Wasiir Asad wuxuu kala hadlay Wasiirka Ganacsiga ee Masar sidii dib loogu dhisi lahaa SILOS si loo horumariyo beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo dhanka xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Masar ka wada hadlay arrimo muhiim ah.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay doorka iskaashi oo ay Bulshada iyo Maamulka Degmada Wadajir ku dhisayaan waddadaan oo muhiim u ah isku socodka Bulshada, asigoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doonno dhismahaan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimeyaal, Ganacsato, Odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho 

0

Shirweynaha 7-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iyo taageeridda adeegga cadaaladda ee dalka. Shirweynahan oo ay ka qeyb galeen xeer ilaaliyeyaasha ka kala socda dhammaan Soomaaliya, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hannaanka garsoorka iyo sidii loo hubin lahaa in cadaaladda ay si siman ugu fushato dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Inta lagu guda jiro shirweynaha, waxaa la falanqeyn doonaa arrimaha la xiriira tababarada xeer ilaaliyeyaasha, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha hay’adaha garsoorka. Waxaa sidoo kale la isla gartay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka hay’adaha garsoorka iyo bulshadaba, loona dhisi lahaa nidaam casri ah oo shaqeynaya oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo cadaalad.

Shirweynahan ayaa sidoo kale lagu taageerayaa dadaallada lagu hagaajinayo nidaamka caddaaladda ee dalka, iyadoo la raadinayo xalal waara oo lagu dardar gelinayo howsha garsoorka, loogana shaqeynayo sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta sharciga.

Qodobada laga hadlayo ayaa si toos ah u saameynaya bulshada guud ahaan, maadaama garsoorka iyo nidaamka caddaaladda ay qeyb muhiim ah ka yihiin horumarka iyo nabadda dalka. Shirweynahan ayaa muhiim u ah in la soo bandhigo horumarka laga sameeyay nidaamka garsoorka iyo in la baadho caqabadaha jira si loo helo xalal waara oo ku habboon baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Garsoorka Masar

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada, isdhaafsiga khibradaha, iyo casriyeynta garsoorka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.

Guddoomiye Baashe ayaa xusay in Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xidhiidh qotodheer, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta nidaamka garsoorka labada dhinac, iyagoo si joogto ah isku dhaafsandoona tababarada iyo khibradaha.

Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ee kulanka ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha badan ee loo sameeyay, waxayna muujiyay inay diyaar u yihiin inay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.

Madaxweynaha JFS oo Saxiixay Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo horey ay u ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerkani wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista jawi shaqo oo cadaalad ah, iyadoo uu ku saleysan yahay mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ka leeyihiin goobaha shaqada, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa sharcigan, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay. Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dowlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday, iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.