Home Blog Page 716

Jaamacadda Accord iyo hey’adda UNASOM oo Arday u soo gabagabeeyey tababar lagu baranayey isbadalka Cimilada

0

Tababarkaan oo lagu baranayay isbadalka Cimilada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hey’adda UNASOM iyo Jaamacadda Accord ee magaalada Muqdisho.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qubaro gaareysa 400 oo ka kala yimid ururo ka shaqeeyo arrimaha isbadalka cimilada iyo hey’ado daneeya arrimahaasi, waxaana la siinayay casharo la xariira isbadalka cimilada aduunka saameynta uu ku leeyahay cunnada iyo biyaha gaar ahaan mustaqbalka sidii loo heli lahaa arrinta “food security”

Jaamacadda Accord ayaa soo bandhigtay xalka ay haayaan ilaa haatan si wax looga qabto caqabadaha ka dhalan kara isbadalka Cimilada, ayada oo muhimadana ay tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka bad qabaan saameynta ka dhalan karta isbadalka Cimilada oo dunida dagaal kula jirto.

Ustaad Cabdulaahi Abuukar Maalin Madaxa Kulliyada Deegaanka ee Jaamacadda Accord ayaa ardayda ka qeyb gashay tababarka ku booriyay in ay sameeyaan cilmi baaris la xariirta arrimahaan.

Qaar ka mid ah dadka ka qeybgalay tababarkaan ayaa sheegay in wax badan oo kor u qaadaya garaadka iyo aqoonta ay u leeyihiin cimilada iyo deegaanka ay ka faa’iideysteen.

Madaxweynaha Puntland oo daah-furay ololaha ururadda siyaasadda puntland “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilowmaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland,si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan. Wuxuuna u mahadceliyay Ururadda Siyaasadda iyo Shacabweynaha Puntland,isagoo u rajeeyay Bulshada tartan Caafimaad qaba.

 

Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilowmaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.

Taariikh cusub ayeey u tahay dadweynaha reer Puntland, Doorasho Qof iyo cod ah waa markii ugu horreysay ee ay ka hirgelayso Puntland, waxayna tani ka midtahay ballan qaadkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sameeyay xiligiisii ololaha doorashada.

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo war ka soo saaray qaraxii Muqdisho ka dhacay

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagixadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan cambaareynayaa falkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qoysaskooda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeya shacabkii ku geeriyooday weerarkaas bahalnimada ah.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee ku naf waayay falkaas bahalnimada ah ee argagixisadu geysteen, anigoo Eebbe uga baryaaya in uu naxariistii janno ugu deeqo, ehekoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo, Waxaan sidoo kale Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.”

Wasiirka ayaa sheegay in falalka noocan ah ee argagixisadu uga gol leeyihiin cabsi gelinta iyo carqaladeynta amniga aysan marnaba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka horjoogsan doonin dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga dalka, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dowladda ku gacan siiyaan cirib tirka cadowgan u soo tafa xeytay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa xariga ka jaray Dekadda kalluumeysiga Hobyo “SAWIRRO”

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Daah furka Deked Kalluumaysiga oo laga hirgaliyay magaalada Hobyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaala Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-caddaala, Wasiirka Dekeddaha Galmudug Saabir Shuuriye ayaa si wada jir ah xariga uga jaray dekaddan Kaluumeysiga ee ay Hobyo yeelan doonto.

Maalgelinta mashruucan waxaa iska kaashaday Dowlad gobaleedka Galmudug iyo Hay’adda WFP oo ay taageero maaliyadeed ka helaysa Dowladda Talyaaniga.Munaasabadda Daah furka waxaa ka qeyb- galay wasiirka Dakadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Mudane Saabir Nuur Shuuriye, xubno katirsan goleyaasha dowladda.Maamulka Magaalada Hobyo, iyo Mus’uulin ka socday Taliyaaniga iyo Hay’ada WFP.

Mashruucan ayaa sare u qaadidoona ka faa’iideysiga wax soo saarka kheyraadka badda, wuxuuna abuurayaa fursado shaqo.

Cilmi baaris lagu sameeyay saameynta dhaqaale uu COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

0

Hay’adda Istaatiistikada Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay cilmi baaris ku saabsan saameynta dhaqan dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Cilmibaaristaan oo laga sameeyay 12 Degmo oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Maskaxda Bulshada Soomaalida.

Baaristaan oo ay sameeyeen aqoonyahanno Soomaali ah ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay hanaanka loo maray sameyntiisa Cabdirisaaq Cabdullaahi Kaariye oo ka tirsan bahada Hay’ada Istaatiitikada Qaranka ee sameeyay cilmi barista “Xogtaan waa mid aan ka soo aruurinay laba ilo xogeed, kow waxaan ka soo aruurinay qoysaska ku dhaqan Gobolka Banaadir qaar ka mid ah, isha labaadna waa Isbitaalada Gobolka Banaadir, waxaana diiradda ku saarnay saameynta COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Dalka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo maskax ahaanta Bulshada”

Maxamed Barre oo ah lataliye dhanka dhaqaalaha ee xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Aadan guuleed Shabeel Ragtar ku xigeenka Jaamacadda Ummada ayaa sheegay in Cilmi baaristaan ay wax weyn ugu fadhiso bulshada, ayna helayaan hay’adaha dowladu meel ay wax ka tix raacaan marka wax laga qabanayo saameynta cudurkaan ku yeeshay bulshada.

Agaasimaha Hay’ada Istaatistikada Qaranka Sharmaake Faarax Maxamuud ayaa sheegay in shaqadaan ay qabteen aqoonyahanno Soomaali ah oo aan loo baahan waxa ajnabi ah.

“Anaga waxaan soo saarnay xogtii ay hay’adaha Dowladda qaadan lahaayeen si ay u isticmaalaan wax qabashada, waxaa baaristaan lagu sameeyay 648 qoys oo ku nool Gobolka Banaadir, waxa ayna xogtaan ka turjumeysaa xaqiiqda dhabta ah ee saameynta COVID-19 waana sii wadeynaa Cilmi barista inta COVID-19.

Manaasabadaan lagu soo bandhigayay cilmi baarista ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, Jaamacadaha dalka, Isbitaalada iyo qeybaha kale ee bulshada.

MADAXWEYNE DENI OO QADO SHARAF U SAMEEYAY CARUURTA AGOONTA AH EE KU JIRTA XARUNTA AGOOMAHA EE GAROOWE

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Caruurta Agoonta ah ee  ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe.

Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo xaladaada ka xogwareystay.

Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Caruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo Madaxtooyada.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo dhagax dhigay mashaariic laga hirgalinaayo Dhahar

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay goob loogu talagalay garoon diyaaradeed oo qeyb ka ah mashruuc horumarineed oo ay yeelaneyso magaalada Dhahar.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Dhahar, ayaa sido kale dhagax dhigay xarumo waxbarasho,isagoo dhinaca kale bilaabay qorshaha dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi.

Dhagax dhigga garoonkaasi oo ay ka qeybgaleen maamulka magaalada Dhahar, ayaa imaanaya xilli kooxo khuburo ah ay  soo gabagabeeyeen sahminta goob muhiim ah oo u qalanta garoon diyaaradeed.

Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda Baddeena

0

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka  ICJ ayaa soo saartay qoraal lagu cadeeynayo waqtiga rasmiga ah ee go’aanka kama dambeysta ay ka soo saari doonaan kiiska dacwadda Baddeena  ee Kenya nagu heesato.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in ay go’aan kama dambeysa ah ka gaari doonto dacwada baddeena ee Kenya nagu heesato marka lagaaro 12-ka October 2021-ka, 3:00-da galabnimo xilliga Hague.

Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

0

Qarax is-miidaamin oo qof naftiisa hallige ah uu geystay ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, mana jiro khasaare uu geystay qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Wasiirka Qorsheynta XFS oo maanta safar isaga gudbay dhowr degmo oo Puntland ka tirsan

Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar ee Puntland, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka wasiirka oo qaadanaya muddo ayaa waxaa uu ka dagay saakay magaalada Garowe, waxuuna uga sii gudbay magaalada Qardho.

Wasiirka ayaa Qardho kullan qado ah kula qaatay Boqor Burhaan, wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa qadada kadib waxaa uu safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhahar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweysay.

Wasiirka oo la hadlay bulshada soo dhaweyntiisa isugu soo baxday ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyey, isla markaana uu u mahadcelinayo waxgaradka iyo bulshada magaaladaas.