Home Blog Page 716

Wasiirka Haweenka oo Culimada ugu Baaqday in ay Kordhiyaan Wacyigelinta Tacdiyadaha Dumar+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Soomaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo socdaal shaqo ku joogta magaalada Garoowe kana qeybgashay Madasha 16 aad PDRC Talk oo diiradda lagu saaray Gobaad falka ka dhanka ah dumar, sida dilka iyo Kufsiga, ayaa sheegtay in ay dhibaato aad u baaxad weyn la kulmaan haweenka isla markaana loo baahan yahay in loo wada istaago.

Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo ah wasiirka Haweeenka Soomaaliya ayaa ka qayb galayaasha la wadaagtay falalkii u dambeeyay ee haweenku la kulmeen, iyadoo tilmaamtay inay soo bateen dhacdooyin kufsi oo la yaab iyo argagax leh ee dalka ka dhaca.

Dhanka kala, wasiir Xaniifa ayaa ugu baaqday Culimadda Soomaaliyeed inay Sameeyaan wacyi galino diini ah oo arintaasi lagaga hortagayo, si gaar ayayna Dhallinyarada Soomaaliyeed ugala hadashay arrimahan.

Wasaarada Haweenka Soomaaliya iyo ku maamulada dalka ayaa wada dadaalo iyo wacyi galino lagaga hortagayo tacadiyada ka dhanka Haweenka gaar ahaan kufsiga iyo dilka wadajira.

Kulankan waxaa ka qeybgalay, mas’uuliyiin kala duwan, khubaro iyo  qeybaha bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ayaa Muqdisho ku qabatay Xuska maalinta caalamiga ah ee Aydhiska adduunka+(SAWIRRO).

0

Midnimo caalami ah iyo mas’uuliyad wadaag ah waa hal ku dhega Munaasabadan oo ay si wadajira usoo qaban qaabiyeyn Wasaaradda Caafimaadka iyo guddiga ka hortagga Aydhiska taas oo diirada lagu saaray La dagaalanka iyo ka hotagga cudurka AIDSka, iyo garab istaaga Dadka la nool cudurka xilli Maanta aduunyada looga dabaal dagayo maalinta caalamiga ah ee Aydhiska adduunka.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeyn Masuuliyiin ka tirsan dowladda, dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha guddiga ka hortaga cudurka Aidska ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale kaas oo xusay in ay takoor badan la kulmaan Dadka la nool cudurka.

Maxamed Saciid oo kamida Dalada Dadka la nool cudurka HIV Aids iyo Sacdiyo Cabdisamad Cabdulahi oo ah Madaxa HIV Aids ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dadka qaba cudurka kula taliyay Inay yimaadaan goobaha caafimaad si xaalkooda loola tacaalo.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaanda Aqalka Sare ayaa Sheegay In loo baahanyahay in la kordhiyo wacyigelinta ka hortagga HIV AIDS.

Wasiirkii ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Axmed Xuseen Macalin oo munaasabadda soo xiray Ayaa sheegay inay ku dadaali doonan sidii ay u garab istaagi lahaayeyn dadka qaba cudurka HIV Aids.

Sida ka muuqatay shax ay soo bandhigtay wasaarada caafimaadka Soomaaliya waxaa hoos u dhacay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV Aids, maadama sanadkii 2019 tiradoodu ay aheyd 10674 halka sanadkan 2020 ay tiradoodu tahay 10409.

Dibad bax looga soo horjeedo Diidmada Ku ganacsiga Lacagta Shilling Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Iyadoo Maalmihii U Danbeeyayba Ay Jirtay Dhibaatooyin Dhanka Nolashaha Oo Soo Food Saartay Guud Ahaan Bulshada Danyartaa Ee Ku Nool Magaalada Galkacyo Iyo Deegaano Kale Oo Ka Tirsan Goballada Dhaxe Ee Dalkeena Soomaaliya Taas Oo Ka Dhalatay Diidmada Ku Ganacsiga Shilinkii Soomaaliga Ayaa Waxaa Maanta Daanta Waqooyi Ee Magaalada Galkacyo Ka Dhacay Isu Soo Baxa Looga Cabanayo Diidmada Qaadashada Iyo Ku Ganacsiga Lacagtii Dalka

Qaar Ka Mida Isu Soo Baxayaashii Oo La Hadlay Warfidiyeenada Ayaa Ka Hadlay Dhibaatada Ay Ku Keentay Xayiraada Wax Ku Iibsigii Lacagta Soomaaliyeed Kuwaas Oo Sidoo Kale Dalbaday In Dowlad Gobaleedyada Puntland Iyo Galmudug Ee Ka Wada Arimiya Gobalka Mudug Ay Wax Ka Qabtaan Dhibaatada Shacabka Soomaliyeed Ee Danyartaa.

Dunida Maanta oo kale waxaa laga xusaa Maalinta Cudurka dilaaga ah ee HIV/ AIDS (SAWIRRO)

0

Waxaa maanta aduunka laga xusayaa maalinka caalamiga ah ee  xanuunka H IV AIDS taas oo Qaramada Midoobe ay qabato sanad kasta 1 Bisha December.

Ujeedka xuska maalinkan ayaa ah in dadka lagu baraarujiyo halista Cudurka, in laga hortagao faafintiisa iyo in la xusuusto dadka uu ku dhacay  ee u dhintay.

Sanadkan waxaa adduunka ka mashquuliyay xaaladda AIDS ka sida Qaramada Midoobay  ay sheegtay, feyraska Covid-19 oo dunida ku noqday mashaqo faaftay.

12 malyuun oo qof kuwaas oo la nool HIV ayaa heysan daawo iyo daryeel caafimaad,guud ahaan aduunka sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.

Soomaaliya waxaa xafiiska WHO uu sheegay in ay ku yaalaan 16 xarumood oo daawooyin iyo talooyin dhanka caafimaadka iyo mid maskaxiyan ah ay ka helaan dadka xanuunka qaba.

Xafiiska UNICEF ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dadka la nool xanuunka aanay ku filneyn kaniiniga iyo talooyinka balse ay u baahanyihiin taageerida bulshada oo aan la faquuqin lagana qeyb galiyo shaqooyinka.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ay Hogaamineysay Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuda Aadanaha JFS+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ee DFS Mudane Deeq Suleymaan iyo AF-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta ee Gobolka Banaadir oo howlo Nadaafadeed ka wada qaar ka mida xaafadaha Magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta maamulka gobolka banaadir oo kaashaneysa waaxda gaadiidka ayaa howlo nadaafadeed ka sameeyay 4 Degmo oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo kala ah Xamar Weyne, Xamar Ja jab, Shangaani ,iyo degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir

Ololahan nadaafadda ayaa waxaa horkacayay agaasimaha guud ee waaxda bilic soo celinta nadaafadda maamulka Gobolka Banaadir iyo agaasimaha nadaafadda Gobolka Banaadir

Agaasimaha guud ee waaxda bilic soo celinta nadaafadda maamulka Gobolka Banaadir iyo agaasimaha waaxda nadaafadda Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay howlaha nadaafadda ay ka bilaabeen dagmooyinka Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkan waday dadaalo uu wax ugu qabanayo nadaafad xumida ka jirta qaar ka mid ah waddooyinka magaalada muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS oo maanta daahfuray kulan wadatashi ah+(SAWIRRO).

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta daahfuray kulan wadatashi oo ku saabsan shaqo abuur loogu talagalay barakacayaasha Dalka ku soo laabtay iyo kuwa gudaha ku barakacay.

Kulankan ayaa kulmiyay dhammaan agaasimayaasha guud ee shaqada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, wakiilo ka socda Wasaaradaha ay khuseyso, hogaamiyayaasha dhalinyarada, haweenka, bulshada rayidka ah iyo ururada ardayda iyadoo ujeedadu tahay in laga wada hadlo sida ugu wanaagsan ee shaqo loogu abuuri karo bulshada barakacayaasha ah.

Barnaamijka oo ay taageerayso hay’adda UNHCR ayaa looga golleeyahay in lagu abuuro 250,000 oo shaqo 5 sano gudahood. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo ka hadlay munaasabadda ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Dowlad-gobolleedyada ay si dhow ula shaqeyso wasaaradda si loo hubiyo in barakacayaasha iyo kuwa soo laabanaya ay helaan fursado shaqo si loo abuuro horumar waara. ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Qaabiley Wefdiga Wasiirka Haweenka+(SAWIRRO).

0

Wefdiga wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa la kulmay madaxweyne ku xigeenka Puntland, mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayagoo ka wada hadlay ilaalinta qoonddada dumar ee 30%.

Wasiir Xaniifa ayaa uga warantay u jeedka socdaalkooda Puntland, iyadoo carabka ku adkeysay ahmiyadda ay leedahay in haweenku helaan saamiga ay ku leeyihiin siyaasadda dalka, madaxda Puntland ayayna ka codsatay in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%.

Madaxweyne ku xigeenka, Puntland ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dadaalka wasaaradda Haweenka ugu jirto ilaalinta qooddada dumar ee siyaasadda, isagoo balan qaaday in ay u istaagi doonaan arrintaas.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aaadanaha, ayaa u istaagtay ilaalinta qoonddada haweenka ee 30% maadaama lagu jiro xilli doorasho, dhammaan dowlad goboleedyada ayayna madaxda wasaaradda socdaal ku kala bixiyeen sidii arrintan ugala hadli lahaayeen madaxda maamulada.

Wasiirka Haweenka waxay horey socdaal kan oo kale ah ku tagtay magaalada Baydhabo, iyadoo madaxda maamulka Koofur Galbeed kala hadashay xaqiijinta 30% ee haweenku ku leeyihiin siyaasadda dalka gaar ahaan golliyaasha dowladda.

Dowladda Iran oo Israel ku eedeysay dilkii Seynisyahan u dhashay dalkaasi.

0

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga ee Iran ayaa ku eedeynaya in Israel ay dishay Mohsen Fakhrizadeh oo ahaa Seynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka iyadoo adeegsaneysa qalabka tikniyoolajiyadda ee laga hago  meelaha fog.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Shamkhani wuxuu sheegay in shaki uusan ku jirin in Israa’iil iyo hay’adaheeda sirdoonka, Mossad, ay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Sarkaalka ayaa yiri, “Israel ayaa dooneysay in ay disho Fakhrizadeh muddo 20 sano ah”, isaga oo intaa ku daray Isra’il ay weerarkaasi u adeegsatay xirfad casriyeysan  iyo qaab cusub oo ah nuucyadii ugu dambeeyay.

Seynisyahankaasi oo la dilay maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay ayaa ahaa khabiir dhanka Niyuklerka u qaabilsanaa dalka Iiraan,waxaana dilkiisa m arkii hore lagu sheegay in loo adeegsaday qarax uu dhaliyay gaari xamuul ah.

(DAAWO) WARKA KOOBAN EE SNTV 01.12.2020.

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban ee SNTV.