Home Blog Page 697

Belgium iyo Holand oo COVID-19 dartiis u mamnuucay duulimaadka ka imaanaya UK

0

Tiro kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa ka fekireya sidii xariyaad u saari lahaayeen dadka uga imaanaya dalka UK si looga hor tago faafitaanka cudurka coronavirus.

Dalalka Holand iyo Belgium waxay joojiyeen duulimaadyada uga imaanaya dalka UK, sidoo kale Belgium waxaa laga xayiray tareenada.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa sheegay in xukuumaddiisu joojisay duulimaadyada, iyadoo dalalka France, Jarmalka iyo Ireland talaabo  taas lamid ah qaadeen si loo xakameeyo mowjadaha cusub ee safmarka corona.

Cudurka ayaa si deg deg ah ugu baahaya magaalada London iyo koofur bari gobolka England, ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sabtidii soo saaray xayiraad affar heer ah taas oo loogu hor tagayo faafitaanka cudurka inta lagu jiro ciidda Masiixiga.

Ciyaartii furitaanka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo lagu kala adkaan waayay+(SAWIRRO).

0

Ciyaaraha kubadda cagta dowlad goboleedyada ee gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana lagu daah furay cayaartooyda u kala ciyaaraya  Galmudug iyo Banaadir.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaraha Soomaaliya, mudane Xamse Saciid Xamse, ayaa daah furay tartanka waxaana ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta, Cabdiqani Siciid Carab iyo qaar ka mida wasiirada maamul goboleedyada ee ciyaaraha.

Ciyaartii galabta dhex martay labada maamul goboleed ayaa waxay ku soo idlaatay bar-baro 2-2 ah.

Dhalinyaro araga naafo ka ah oo qalab soo saartay+(SAWIRRO).

0

Dhalinyarada araga naafada ka ah ee wax ka barta  jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xafiis wax loogu qabanayo  baahiyaha haysta dhalinyarada arag  la’aanta ah  iyo qalab loogu tala galay in uu u fududeeyo  dhalinyaradaasi baahiyaha gaarka qaba waxbarashada ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho

Dhalinyaradan oo si iskood ah isu xilqaamay ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan horumarinta iyo dhiira galinta dadka araga naafada ka ah ee iyo sidii ay ugu maarmi lahaayeen dawirsiga ayna u heli lahaayeen  Shaqooyinka ay helaan dhalinyada kale ee asaagooda ah wxa ayna ka codsadeen ganacsatada iyo dowladda federaalka Soomaaliya in la caawiyo .

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa  usoo jeediyay dadka araga naafada ka ah ee ku jira guryaha in la geeyo goobaha waxbarashada

Gudoomiyaha Uruka dhalinyarada araga naafada Soomalaiyeed Ibrahim Maxamed Cali ayaa ka warbixiyay baahiyaha ay qabaan dadka arag la,aanta ah.

Agaasimaha waaxda naafada maamulka Gobolka Banaadir Axmed  Xasan Warsame  ayaa sheegay in waaxda naafada Gobolka Banaadir ay wado dadaalo lagu hormarinayo naafada Soomalaiyeed.

Ciidanka Itoobiya oo helay shidaal badan oo TPLF ay ka carartay.

0

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen keyd shidaal oo gaaraya200,000 oo liitar kaas oo yaalay duleedka magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Haamaha keydka oo dhulka lagu aasay ayaa ciidanka Itoobiya sheegeen in ay la haayeen kooxda TPLF.

Captain Yohannes Matewos  oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in 13 haan la helay kuwaas oo uu sheegay in ay horseeday xog dadka deegaanka ay ciidanka siiyeen.

Haamaha ayuu sheegay in laga buuxiyay shidaal ay TPLF ka qaadatay xeryaha ciidanka iyo mid ay xadeen.

Qarax bam gacmeed oo khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay Adis Ababa.

0

Ilaa sadex qof ayaa ku dhimatay, halka shan kale ku dhaawcmeen qarax ka dhacay badhtamaha Addis Ababa, sida lagu faafiyay wakalada wararka ee ENA, Bam lagaga tagay goob kamid ah aagga Lideta ayaa qaraxa sababay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad dan-yar ah oo darbi jiif ah

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay baarista qaraxa oo cidna ayna masuuliyadiisa sheegan.

Ciidamada amaanka ayaa horay u sheegay in la qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF laakiin lama hubo in qaraxa maanta dhacay la xiriiro gulufkii gobolka Tigreega.

Boolisku waxay sheegeen in ay baarayaan sababta qaraxa ka dambeesay .

Dowlada Talyaaniga oo agab iyo daawo u soo dirtay dadkii ay saameesay duufaantii GATI.

0

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timi dowlada Talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul oo weyn.

Shixnadaan ayaa ka kooban, agabka wax lagu cuno, daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada ay soo gaarsiisay .

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan.

Wasaaradda waxbarashada oo tababar u furtay mcalimiin ka kala socotay Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

0

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Macallimiinta ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta ee XFS, mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa Maanta waxa uu  tababar lagu tababarayo, tababarayaal  ka socday Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Bnaadir ka furay Magaalada Muqdisho.

Tababarkaan ayaa kor loogu qaadayaa tayada aqooneed ee tababarayaasha kaasi oo ku saab-san barashada Phschosocial support wuxuuna socon doonaa  muddo 3 maalmood ah.

Agaasimaha waaxda horumarinta macallimiinta mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa soo dhaweeyey ka qeybgalayaasha wuxuuna u rajeyaya inay ka faa’iideystaan tababrkaana islamarkaana wixii ay ka faa’iideystaana ay u gudbiyaan bulshadii ay ka soo tageen.

Ku dhowaad 10 ruux oo ku dhimatay Afghanistan ka dib qarax ka dhacay caasimadda wadankaas ee Kabul.

0

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay maanta caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay waxaana bartilmaameedkiisu ahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka dalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Khan Mohammed Wardak ayaa ka badbaaday weerarka, iyadoo 20 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan haweenka iyo carruur, sida wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan Mascuud Andarabi sheegay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Afghanistan waxaa kordhay weerarada iyo qaraxyada todobaadyadii u dambeeyay iyadoo dowladda iyo Taliban oo wadahadal u socdo kaas oo la doonayo in lagu soo afmeero dagaalka ku dhowaad 20 sano ka socday dalkaas.

Dhinca  kale, Axaddii qaraxyo ayaa laga soo wariyay gobolada Logar, Nangarhar, Helmand iyo Badakhshan, waxaana ku waxyeeloobay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga.

Jimcihii qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj ayaa dilay 15 ruux oo ay ku jiraan 11 caruur ah, dhibaatada ayaa ka dhacday gobolka bartamaha ku yaala ee Ghazni.

Wasiiradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa war qoraal ah ku sheegtay in Taliban dileen 487 oo rayid ah iyadoo laamaha amniga ku qaaday 35 weerar iyo 507 qarax guud ahaan dalka sadexdii bilood ee la soo dhaafay.

Ku-simaha madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray ciidanka booliska Soomaaliyeed.

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Booliska JFS ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee  ka soo wareegtay aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Guddoomiye Mursal ayaa bogaadiyay dowrka wanaagsan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo loo asteeyay 20-ka December.

Madaxweyne Farmaajo oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanad guurada 77-Aad.

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.