Home Blog Page 66

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaannadaas, kuwaas oo ka dambeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaanadaas ka sifeeyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qaybo ka mid ah gobolka. Waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaawday Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya.

 

 

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay Mudane Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hayโ€™adda SoDMA

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hayโ€™adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda. Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka Reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay heyโ€™adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Md. Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay Gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Md. Maxamed Cali Xagaa iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa iyaguna bogaadiyay deeqdaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaaraha ku dhuftay Gobolka Awdal.

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

0

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah ee โ€˜ Indra Gandhiโ€™ ku soo dhaweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Safaaradda oo uu hoggaaminayo Lataliyaha Koowaad ahna Safiir Ku-Xigeenka, Mr. Cali Axmed Maxamed; Lataliyaha Labaad Mr. Cusman Maxamed Ibraahim, Iyo Xoghayaha Koowaad Mr. Maxamed Cabdi Ibraahim ayaa diblomaasiyiinta ku soo dhaweeyey madaarka.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta ay joogaan Dalka Hindiya waxay ka qayb gali doonaan tababar gaara oo loogu talo galey diblomaasiyiinta wadamada saaxiibadda dhaw laโ€™ah Dalka Hindiya.

Tababarkan oo ka qabsoomi doona โ€˜ Sushma Swaraj Institute of Foreign Service โ€˜ New Delhi ayaa socon doona inta udhaxaysa 04- 13 Ogosto 2025.

Safaaradda J.F.S ee Hindiya waxay mar labaad u mahad celineysaa Dawladda Hindiya , doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso kor u qaadida tayada iyo aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha laga qaaday Md. Xuseen Cabdullaahi Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Agaaasimaha cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Md. Maxamed Aadan Afrax in uu dardargeliyo shaqada iyo horumarinta waaxda.

Masโ€™uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

0

Masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Arrimaha Baarista, Mukhtaar Maxamed Abuukar ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masโ€™uuliyiin ka tirsan Shirkadda Mogadishu Alport Corp. (Albayrak-Soomaaliya).

Intii uu socday kulanka waxaa lagu falanqeeyay dhaqan-gelinta talooyinka ka soo baxay Baarista Maaliyadeed ee la xiriirtay shirkadda Albayrak-Soomaaliya, iyada oo diiradda la saaray xal u helidda caqabadaha soo noqnoqday iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Labada dhinac waxa ay isku raaceen in la fuliyo talooyinka XHGS, lana xoojiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyo shaqo, kuwaas oo ay Xeer Ilaaliyeyaashu talooyin ka soo dhiibteen.

Soo jeedinta, faallooyinka iyo talooyinka Xeer Ilaaliyeyaasha ka dib, waxaa la ansixiyey habraacyada cusub ee kala ah:

1. Habraaca Caddeynta danaha iska Horimaanaya.

2. Habraaca Goโ€™aanka Eedda iyo

3. Habraaca Dhowrista Sirta iyo Xogta Galka.

Ugu dambayntii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyeyaasha sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen dhammaystirka habraacyada cusub, isaga oo sidoo kale faray in la dhaqan geliyo loona fuliyo sida ay u dhigan yihiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka dib shir jaraaโ€™id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Baydhabo ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa masโ€™uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo qeybaha kala duwan bulshada Magaaladda Baydhabo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa masโ€™uiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

0

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu soo gaba-gabeeyay shirka sanad laha ah ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika (๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š๐ง ๐‚๐š๐ฎ๐œ๐ฎ๐ฌ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“) oo sanadkan looga dooday horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo adkeysi u leh marxaladaha ka dhasha saameynta isbaddalada cimilada iyo colaadaha.

Kulanka Wasiirada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen madax sare oo ka socotay heyโ€™adaha caalamiga ah sida IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa ay dhammaantood wada yeesheen doodo miro-dhal ah oo maalmo qaatay kuwaas oo xal looga gaarayay sidii dalalka soo koraya ee Afrika ay u heli lahaayeen maalgalin dhaqaale oo salka ku haysa horumarinta kaabayaasha wax soo saarka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo shirkan ku matalayay Dowladda Soomaaliya ayaa marka laga tago fadhiyadii loo dhammaa, waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay xubnihii shirka ka soo qeyb galay oo isugu jiray Wasiiro, Safiiro iyo Agaasimayaal matalayay hayโ€™adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed ee dalalka qaar la siiyo, kulamadaas oo dhammaantood ku soo idlaaday natiijo wax ku ool ah.