Home Blog Page 66

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, kaas oo looga hadlayay xaaladda abaarta iyo amni-darrada cunno ee dalka ka jirta.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaato go’aammo wax-ku-ool ah oo ku saleysan xog dhab ah, halkii laga diyaarin lahaa qorshayaal guud oo waqti qaata, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ugana hortago in xaaladdu faraha ka baxdo.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray meelaha ugu nugul ee ku jira marxaladda IPC Phase 4, waxaana lagu gorfeeyay diyaarin jawaab degdeg ah oo leh miisaaniyad iyo masuuliyad cad.

Guddoomiye Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda iyo la-hawlgalayaasha, isagoo dhammaan dhinacyada ku booriyay in ay si wadajir ah uga hortagaan halista isa soo taraysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaadday ee ku aaddan difaaca wadajirka, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay Madaxtooyadu ku baahisay boggeeda rasmiga ah ee Facebook ayaa lagu sheegay in khudbadda soo socota ay diiradda saari doonto xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku difaaceyso midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Khudbaddan ayaa imanaysa xilli ay jirto dareen iyo feejignaan bulsho oo sareysa, taas oo la xiriirta horumarrada siyaasadeed, amni, iyo diblomaasiyadeed ee socda, iyadoo Dowladda Federaalka ay mar kale adkaynayso masuuliyaddeeda dastuuriga ah ee ah ilaalinta danaha aasaasiga ah ee qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu mar kale xaqiijiyo go’aanka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinka la qaaday si wax looga qabto caqabadaha halista ku ah xasilloonida dalka iyo nidaamka dastuuriga ah.

Khudbadda qaran ee Madaxweynaha ayaa si toos ah looga baahin doonaa warbaahinta dowladda, taasoo u oggolaanaysa muwaadiniinta dalka oo dhan inay si toos ah uga dhageystaan Madaxweynaha arrimaha muhiimka ah ee masiirka qaranka la xiriira.

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

0

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran oo ka taagan dunida Islaamka iyo tan caalamka.

Mowqifkan ayaa lagu muujiyay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo dhawaan lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carbiya, halkaas oo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta, uu sheegay in maamulka Waqooyi Galbeed Somaliland uu yahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya, isla markaana Indonesia ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Indonesia ayaa si rasmi ah u diidday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, kana hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxay ku baaqday in arrinta Somaliland lagu xalliyo hannaan gudaha Soomaaliya ah, iyada oo aan faragelin shisheeye jirin. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Indonesia, Mudane Sugyono, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Soomaaliya.

Ka hor shirka OIC, Indonesia waxay ku biirtay bayaan wadajir ah oo ay hormuud u ahayd Masar, isla markaana ay taageereen 22 dal, OIC iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaas oo si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkeeyay ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Shirka OIC waxaa ka qayb galay 39 dal oo xubno ka ah ururka, waxaana gunaanadkii lagu ansixiyay laba qaraar, midkoodna si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana adkeeyay go’aanka OIC ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya awooddooda dastuuriga ah kana duulaya waajibaadka saaran ee ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayaa maanta qaatay go’aan muhiim ah oo lagu difaacayo qarannimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu, kaddib qiimeyn qoto dheer oo ay ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay iyo warbixinno la xiriira arrimaha amniga, siyaasadda, iyo madaxbannaanida dalka, ayaa si rasmi ah u burriyay dhammaan heshiisyadii iyo wadashaqeyntii u dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo lala galay hay’adaha dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada dalka, difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku dhaqanka sharciga, dastuurka, iyo heshiisyada caalamiga ah ee dalka uu saxiixay.

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal taleefan ah la yeeshay mudane Wang Yi Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, islamarkaana ah xubin ka tirsan guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CPC).

Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen xoogga iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo taageerada ay isu muujiyaan danaha aasaasiga ah ee mid kasta. Waxay soo dhaweeyeen horumarka xiriirka labada dal, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wax ku oolka ah, iyagoo adkeeyay ka go’naanshahooda wadajirka ah ee madaxbannaanida, midnimada, iyo faragelin-la’aanta arrimaha gudaha.

Shiinuhu wuxuu mar kale adkeeyay taageeradiisa buuxda ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda adag ee mabda’a Hal-Shiine, dhammaan dadaallada Shiinaha ee dib-u-mideynta Qaranka, iyo awoodda Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758.

Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, kaalmada horumarinta, is-dhaafsiga bulshooyinka, iyo isu-duwidda dhinaca hay’adaha caalamiga ah, iyo sidoo kale horumarinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Ugu dambayn, labada dhinac waxay mar kale ku celisay in dhammaan dalalku ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay ka soo horjeedaan hanjabaadda ama adeegsiga xoogga ee xiriirka caalamiga ah, iyo inay diidaan tallaabooyinka qasabka ah iyo cabsi-gelinta ah ee ku xadgudba madaxbannaanida dalalka kale.

G𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu ugu kuurgalo xaaladaha abaaraha ka jira dalka.

Wafdigan waxaa qeyb ka ah hay’adaha gargaarka iyo ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada iyo isku-duwidda gargaarka.

Wafdiga ayaa booqan doono xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla deegaanada hoostaga Kismaayo, si ay u qiimeeyaan xaaladaha nololeed ee dadkaasi wajahayaan.

 

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan waxaa soo abaabulay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn uga caraysan falka gardarrada ah ee Israa’iil, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, kuna adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,iyagoo sheegay in dowladda ay ku garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta wadajirka ummadda.

“Haddii aan nahay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Qaranka ku taageereynaa difaaca midnimida dalka.” Afhayeenka Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa intaa ku daray in xilligan oo kale ay lagama maarmaan tahay midnimo, wadashaqeyn iyo wadarjir si looga gudbo caqabadaha jira.

Waxay si adag u muujiyeen diidmadooda ku aaddan xadgudubka qaawan ee YH-DA kula kacday madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in ay si cad u cambaareynayaan faragelinta Israa’iil ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo feejignaan qaran.

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii biyaha ay isticmaali jireen Khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamadu ay heleen dhowr god oo Khawaarijtu ku keydsan jireen caagag gaaraya dhowr boqol, kuwaas oo ay ku jireen biyo ay ugu talagaleen horjoogayaashooda iyo maleeshiyaadka ku sugnaa aagga Jilib Marko.

Dhawaan ayay ahayd markii howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay Khawaarijta looga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weli deegaanno badan oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha hoose ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah khawaarijta.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

0

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax oo ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya iyo aqoonsi beenaadka ay siisay maamulka Somaliland.

Dibadbaxayal ayaa isugu baxay afaafka hore ee xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels, kuwaas oo ku dhawaaqayay eray ka dhan ah xadgudubka Israa’iil iyo kala qeybinta Dalkeenn.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Beljimka ayaa adkeeyay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, Israa’iilna ku dhicin in ay ku gardaradoodo dalkeenna iyo dadkeenna.