Home Blog Page 65

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

0

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada nabadeynta, oo ay ka mid yihiin sii daynta maxaabiista, furitaanka waddooyinka, xoojinta ganacsiga iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed.

“Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada caalamka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku dhiirrigeliyay qurbojoogta iyo aqoonyahanka in ay ka qeyb qaataan horumarinta deegaannadan.

 

 

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

0

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo dhowaan la doortay.

Munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya,madaxda dowlad gobolleedyada dalka,xubnaha gollaha wasiiradda,goleyaasha labada aqal Baarlamaan iyo marti sharaf kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale munaasabadan ka qayb gelaya wafdiyo kala duwan oo ka kala socda Beesha Caalamka,dowladda Jabuuti ayaa waxa ka yimid xubno ka tirsan golaha wasiiradda,waxa iyaguna saaka yimid laascaanood Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Turkiga, Suudaan iyo Sucuudiga.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wasaaradood iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha bulshada ee labada dal.

Kulanka waxa ka soo baxay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan Heshiis Iskaashi (MoU) oo u dhexeeya labada wasaaradood, kaas oo lagu dardargelinayo barnaamijyada lagu xoojinayo dhismaha awoodda hay’adaha bulshada. Wasiir Prof. Salim ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo walaaltinimada ay u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

 

 

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

0

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD ee la xiriira madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaanta Koonfureed, kuna taariikheysan 16-ka Janaayo 2026, kana soo baxay magaalada Juba, ayaa lagu caddeeyay in Dowladda Suudaanta Koonfureed ay mar kale adkaynayso sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo lagu ilaalinayo xuduudaheeda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay, wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo ka qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Jabuuti ee gaaray magaalada Laasacaanood ayaa ka kooban, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha JFS oo ku adkeeyey odayaasha dhaqanka Waqooyi bari xoojinta midnimada,nabadda iyo dowlad-dhiska

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood oo ah xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah booqasho rasmi ah oo uu ku tagay gobolka, taas oo la xiriirta xoojinta nabadda, midnimada iyo horumarinta adeegyada dowladda.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, odayaal dhaqameedyo, iyo boqolaal shacab ah oo muujiyey farxad iyo taageero ay u hayaan dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeygali doona Caleema saarka Madaxweyne Firdhiye oo ay ka soo qeygaleen Kumanaan shacab ah,iyo Masuuliyiin.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay dhagar-qabe Khawaarij ah oo muddo dheer lagu raad-joogay.

Dhagar-qabahan oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa sarkaal si gaar ah ugu takhasusay aaska miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada.

Howlgalka lagu beegsaday ayaa lagu soo furtay qori AK-47 ah, waxaana la rumeysan yahay inuu qeyb muhiim ah ka ciyaarayay weerarro horey uga dhacay gobolka.

NISA waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta ee wali ku dhuumaaleysanaya deegaanada miyiga ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.