Home Blog Page 64

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Abdisalam Ali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Safiirka Suudaan ayaa mar kale adkeeyey taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyey Soomaaliya guusha doorashooyinka deegaannada ee qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay la qabtay 57 sano kadib.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu iftiimiyey muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya, iyo doorka Soomaaliya ee ah xubin hadda ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad celiyey Safiirka booqashadiisii Laascaanood, taas oo uu ku xoojinayey midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka.

 

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha Darmooley, oo ku yaalla Degmada Heliwaa.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha waxbarasho ee gabdhaha ku nool caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumar waara, nabad iyo mustaqbal ifaya.

Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay furitaanka dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona mustaqbalka carruurta, gaar ahaan gabdhaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta mashaariic horumarineed oo la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada bulshada, si loo dardar-geliyo horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay dhigeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hannaan cusub oo diiwaangelin ah oo lagu billaabay gaadiidka ka shaqeeya magaalada, si loo xoojiyo amniga guud.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangeliyo gaari kasta oo ka howlgalaya magaalada Muqdisho, si loo helo xog dhammeystiran oo ku saabsan gaariga, milkiilaha, qofka damiinta ah, iyo shaqaalaha ka shaqeeya gaariga, sida darawalka iyo kaaliyihiisa ( kirishboyga).

Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga, laguna hubinayo bedqabka muwaadiniinta.

Duqa Magaalada ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in lacago dheeri ah laga qaadi doono wadayaasha ama milkiilayaasha gaadiidka, isagoo xusay in aan la qaadi doonin wax lacag ah oo ka baxsan khidmadda rasmiga ah ee Bosteejada oo horeyba u jirtay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka aan marin habraaca diiwaangelinta, islamarkaana aan u hoggaansamin nidaamka loo dejiyay; lala tiigsan doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan shuruucda dalka.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) sheegay isagoo ay barbar taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, oo muujiyay muhiimadda hirgelinta nidaamkan cusub ee amniga lagu xaqiijinayo

 

 

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo amniga Caasimadda, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya rag falal dhac ah u geysanaya shacabka.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanku ay soo xireen eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo uu ka geystay dhowr degmo oo ka mid ah Muqdisho.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

“Gudaha Caasimadda lama oggola in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ku xadgudba awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo ciidamada amniga ee kala duwan ay juhdi badan gelinayaan sugidda amniga Caasimadda.

 

 

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qeyb galay kulan khibrad-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNTMIS.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qaababka kala duwan ee doorashooyinka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo xoojinta fahamka habraacyada dimuqraadiyadeed ee casriga ah.

Furitaanka kulanka waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu kulanku u leeyahay Baarlamaanka iyo sidoo kale doorka ay doorashooyinka ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, isagoo tilmaamay in kulamada noocaan ah ay kaalin weyn ka geysanayaan xoojinta hannaanka doorasho ee dalka.

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

0

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliha ayaa hadda ka socda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala yimid xaafadaha degmada, mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee Bulshada, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gardarada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay maamulka Soomaaliland.

Shacabka bannaanbaxaya ayaa wacad ku maray in ay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka kana hortegayaan duulaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fagaarayaasha caalamka kaga guuleysatay in ay beeniso aqoonsi beenaadkaas, waxay heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duulaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid ahaa wufuudda kala duwan ee booqasho ku yimid caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi. Odayaashan ayaa ka kala deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka, kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan, isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, isaga oo bogaadiyey dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.

 

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

“Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda

Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah.

Ugu dambeyn, Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, Munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah, iyaga oo muujiyey dareenka Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.