Home Blog Page 63

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista iyo ansixinta Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development).

Intii uu socday kulanka, Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga dooday muhiimada heshiiskan uu u leeyahay dalka, gaar ahaan dhinacyada xoojinta iskaashiga gobolka, nabadda iyo xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha, la-dagaallanka abaaraha iyo isbeddelka cimilada, iyo xallinta khilaafaadka ka jira Geeska Afrika.

Dood dheer kaddib, Golaha Shacabka ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay heshiiska, iyadoo 141 Xildhibaan ay ogolaadeen, laba Xildhibaan ay ka horyimaadeen, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay. Sidaas darteed, heshiiska ayaa si rasmi ah u ansaxay, waxaana uu noqday mid dhaqan-gal ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka guddoominayay ayaa xusay in ansixinta heshiiskan ay muujinayso ka go’naanshaha Soomaaliya ee ka mid ahaanshaha iyo doorka firfircoon ee ururada gobolka, isla markaana ay fursad u tahay dalka in uu ka faa’iideysto barnaamijyada horumarineed iyo dadaallada nabadeynta ee IGAD.

Ugu dambayn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyay in ka mid ahaanshaha IGAD uu Soomaaliya u horseedi doono iskaashi xooggan oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada ah, taas oo gacan ka geysan doonta dib-u-dhiska iyo xasillinta dalka.

By: Fardowsa Hassan Nor

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Inta uu wafdigu ku sugan yahay Pakistan, waxaa la filayaa in ay la kulmaan madaxda dalkaasi, isla markaana ay kala hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan dhinacyada aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale hawlaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa caasimadda Islamabad waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Sidoo kale, wafdiga safarka ku weheliya Wasiirka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan,Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta (NIRA), Mudane Cabdiwali Timacadde; Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin,iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo is-weydaarsiga khibradaha muhiimka u ah horumarinta hay’adaha dowliga ah ee dalka.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha dowladda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo goordhow galabta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo Xafiiska Hantidhowrka, si loo hubiyo hufnaanta maareynta hantida dadweynaha, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta sharciga maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale, waxa uu kulanku fursad u noqday in la is dhaafsado xog iyo waayo-aragnimo ku saabsan hab-raacyada kormeerka, isla markaana la dardargeliyo fulinta talooyinka kasoo baxa warbixinada hantidhowrka.

Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay dhismaha hay’ado dowladeed oo daah-furan, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dhammaan hay’adaha dowladda ay si dhow ula shaqeeyaan Xafiiska Hantidhowrka Guud, si looga hortago musuq-maasuqa loona hubiyo in kheyraadka qaranku si sax ah loo isticmaalo.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ayaa sidoo kale xusay in Xafiiska Hantidhowrku uu ka go’an yahay kor u qaadidda awoodda kormeerka, hagaajinta nidaamyada maaliyadeed, iyo la xisaabtanka hay’adaha mas’uulka ka ah hantida dadweynaha, isaga oo ugu baaqay masuuliyiinta hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka maaliyadeed ee dalka.

Ugu dambayn, kulanka ayaa la filayaa in uu horseedo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dowladda, taas oo ah tiir muhiim u ah dowlad-wanaagga iyo horumarka dalka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warbaahinta, munaasabadda Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintan ay tahay mid xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay soo bixitaankii wargeyskii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, kaas oo door weyn ka qaatay faafinta aqoonta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta fikirka guud ee shacabka. Sidoo kale, maalintan ayaa lagu xusaa bilowgii qorista Af-Soomaaliga, taas oo saldhig u noqotay kobaca warbaahinta, waxbarashada iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in warbaahinta Soomaaliyeed ay door lama huraan ah ka qaadatay difaaca qaranimada, mideynta shacabka, faafinta runta iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah. Waxa uu xusay in saxaafad masuul ah ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda, isla-xisaabtanka iyo horumarka dowladnimo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay bahda warfaafinta in ay sii xoojiyaan anshaxa suxufinimo, xaqiijinta xogta, iyo u adeegidda danaha guud ee ummadda, isaga oo dowladda XFS ay ka go’an tahay taageeridda xorriyadda hadalka, horumarinta xirfadaha saxaafadda iyo ilaalinta badbaadada wariyeyaasha.

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa dhammaan wariyeyaasha, qorayaasha, tifaftirayaasha iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed u rajeeyay guul, horumar iyo midnimo, isaga oo xusay in Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ay tahay fursad dib loogu milicsado taariikhda, loogana shaqeeyo mustaqbal warbaahineed oo hufan, wacyigelin leh, kana tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hay’addu u hayso dadka nugul, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha.

Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda NCRI.

Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda dadka ay saameeyeen barakaca.

Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta hay’adda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah bulshada ka faa’iideysta adeegyada maalinlaha ah ee xarunta dhexe.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa uga mahadceliyay wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar u leh qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.

 

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

0

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka (Programme Steering Committee -PSC) ah, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase II).

Shirka oo uu Wasiirku si wadajir ah ula guddoominayay bah wadaagta caalamiga ah, ayaa ujeedkiisu ahaa dib-u-eegis iyo ansixin Qorshaha Shaqo iyo miisaaniyadda Sanadka 2026-ka si loo dardargeliyo loona xoojiyo hirgelinta barnaamijka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Amniga Dowlad Goboleedyada, Kaaliyaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan Booliska, iyo wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, iyo sidoo kale Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Intii uu socday shirka, waxaa si faahfaahsan looga dooday heerka hirgelinta JPP II, isku-duwidda howlaha heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, casharrada laga bartay wajiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo gaarsiinta adeegyada amni ee bulshada.

Shirka ayaa si rasmi ah u loogu ansixiyay Qorshe Sanadeedka JPP II ee 2026-ka iyo miisaaniyaddiisa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood dheeri ah oo ay ugu adeegaan shacabka, una xoojiyaan xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta taageeradooda joogtada ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Barnaamijka JPP II uu door muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Boolis tayo leh, hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula shaqeeya bulshada Soomaaliyeed.

 

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

0

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in abaarta ka jirta dalka ay si xooggan u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib markii saddex sano oo xiriir ah uusan roobku ka di’in gobolkaasi.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Galmudug, Maxamed Cabdullaahi Cali Wardheere oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay indhahooda ku soo arkeen xaalado aad u adag oo ka jira qaybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanka Galmudug intii ay ku jireen kormeerka.

“Waxaan la kulannay xaalado khatar ah, deegannada waxaa si ba’an ugu dhuftay abaar. Galmudug saddexdii xilli-roobaad ee ugu dambeysay wax roob ah ma helin,” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Wuxuu intaas ku daray in abaartu ay sababtay in dadka deegaannadaasi ay waayaan xoolo badan iyo waxyaabihii baahiya aasaasiga ahaa sida biyo iyo baad la’aan, halka xoolaha intii hartay loo waysan yahay cunto iyo biyo. Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kala bar Milyan qof ay wajahayaan xaalad abaar oo daran, taas oo si toos ah u saameysay noloshii iyo waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen.

Wasaaradda Gargaarka Galmudug ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo dadka wax heysta in ay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan bulshada reer miyiga ah ee ay abaartu saameynta culus ku yeelatay, gaar ahaan deegaannada Gobolka Mudug.

“Waxaan bulshada ugu baaqayaa in la garab istaago walaalahooda ay abaartu saameysay, gaar ahaan xilli Ramadaan oo soo dhow, in qof walba oo awood leh uu ka qeyb qaato caawinta degdegga ah,” ayuu yiri markale Agaasime Maxamed.

Ugu dambeyn, Galmudug ayaa ka digtay in haddii aan si dhaqso ah loo helin gargaar bini’aadannimo, ay xaaladdu sii xumaan karto, taas oo halis gelin karta nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka.

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh dirtay Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu xusay in la qaban doono shirweyne Qaran oo wadatashi ah.

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka Marwo Mary Porter Peschka, oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda, gaar ahaan hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029), kaasi oo ah hiigsi weyn oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta shirkadaha gaarka loo leeyahay, xoojinta ka-qaybgalka mashaaariicda dheef wadaagga ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah ee Bariga Afrika, doorka ay ka qaadanayso taageerada maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay kobac dhanka dakhliga ah.

Dhankeeda Marwo Mary Porter Peschka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaaddiisa, iyada oo xustay in ay xoojinayaan wada-shaqaynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.