

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat, ayaa Mohamed El-Amine Souef u magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo bedelay Francisco Madeira oo bishii April ee sanadka dalka ka ceyriyay Ra’isul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin; wasiirka arrimaha dibadda, danjiraha Kamaroon ee Masar, Qaramada Midoobay iyo wakiilka jaamacadda Carabta.
Sidoo kale, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan iyo la taliye madaxweyne.
Mohamed El-Amine Souef ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA ee dalka Mali.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay afar cisho oo magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galay shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika ee Pan-African Parliament.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Osman (Aadan Cade) ee Magaaladda Muqdisho ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen.

Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 – 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF).
Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wadaageen wasiirka warbixin la xiriirta howlaha shaqo ee gudiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimeynta maamul goboleedyada iyo degmooyinka iyo maareynta xog-dhuleedka dalka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxyaabaha iminka hortabinta u leh iyo sida ay doonayaan in ay u caawiso wasaaradda sidii ay gudan lahaayeen hawlaha dastuuriga ah.
Wasiirka Wasaarada Axmed Macalim Fiqi ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo dhawaan la doortay iyo xubanaha kale ee guddiga, waxaa uuna su’aalo ka weydiiyay arrimo badan oo hawlahooda ah isaga oo sheegay in sida wasaaraddiisa ay ahmiyad u siineyso arrimaha xuduudaha ee khuseeya gudaha dalka iyo dalalka dariska ah, waxaa uuna dhiirigeliyey in la dedejiyo dhameystirka siyaasadaha la xiriirka xuduudaha.
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ah guddi Madaxa Bannaan oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxa ayna shaqadiisu tahay inuu dowlada Federaalka ka caawiyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooyinka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha soohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalkaasi uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.
“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatada ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada Dalka.

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa isugu jiray bogaadin iyo kala warqaadasho dhex maray wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka XFS Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed iyo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku soo baartay jaamacadaha dalka Shiinaha.
Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo wasiirkana uu kamid ahaa ardaydii horey wax uga soo baratay dalka Shiinaha kana faa’ideystay saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha, maadaama dowladda Shiinaha ay deeqo waxbarasho ay siiso Soomaaliya sanadkasta.
Mudadii kulanka uu socday ayaa dhalinyaradii soo qaban qaabisay kulankaasi waxaa ay u balanqaadeen wasiir kuxigeenka caafimaadka Somaaliya Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed in ay markasta garabkiisa taagan yihiin.
Dhankiisa ayuu muujiyay wasiirka sida uu ugu faraxsan yahay in uu waqti la qaato qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ay wax ku soo barteen dalka dibadiisa,islamarkaan uu shacbka Soomaaliyeed uu ugu adeegi dooni si hufan cilmigii uu soo bartay iyo mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, ka wasaarad ahaan.
Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ka faaideysata deeqaha waxbarasho ee dowladda Shinaha ay siiso Soomaaliya,iyadoo intabadan aqoonyahanadii wax ku soo bartay dalkaasi ay aqoontooda dalka ay dib ugu soo celiyeen, islamarkaana haatan ay ugu adeegayaan bulshada.
Muqdisho, 03, 9,2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada arxan-laawayaasha ah ee Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caadiga ah watay, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ficillada gurracan ee argagaxisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in nabad-diidka Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca hantidooda,burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.
“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Argagixisada Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.
Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo Shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.
Muqdisho, Sibteembar 03, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.
“Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaareyaal Hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada al—Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.