Home Blog Page 613

Madaxweynaha KGS oo maanta qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths

 

Kulanka waxaa looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka.

 

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka wuxuushnimada ah ee Al-shabaab ku dileen  dad rayid ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen  dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu  hoosta ka xariiqayaa xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweyne Deni oo maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degeeganada Dangoroyo iyo Eyl

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degaanada Dangoroyo iyo Degaanka  Eyl ee Gobolka Nugaal.

[DAAWO] Al-shabaab oo dad badan ku dilay Gobolka Hiiraan

0

Sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Hiiraan Inta u dhaxeysa Degmooyinka Maxaas & Baladweyne waxaa ka dhacay weerar lagu gubay ku dhawaad 10 Gaari oo ah nooca xamuulka qaada.

Wasaaradda Howlaha Guud Ee KGS oo Wada Qorshe Dib Loogu soo celinayo Xarumihii Wasaaraddaas

0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Guryeynta iyo Dib u dhiska Dowladd gobaleedka KGS Dahir Abdi Abdullahi (Dr,Go) oo Wareysi gaar ah siyay Warbaahinta Qaranka Ayaa sheegey iney ka shaqeyn doonaan dhawaan sidii dib gacanta maamulka loogu soo celin lahaa xarumihii wasaaradda ay ku shaqeyn jirtey si ay wasaaradda dib ugu soo nooleyso kaabayaashii dhaqaalaha.

100 Maalin Kadib Maxaa U Qabsoomay Dowlada Cusub? (MUUQAAL).

Dib-u-milicsiga Waxqabadka 100-ka Maalmood ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xafiiska Joogay.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaal Dhamays tiran

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hadal ka Jeediyay Baarlamaanka Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa ka qeyb galay shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer Qaran iyo heer gobol ee Afrika oo maanta ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Geeska Afrika iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso Qaaradda Afrika, ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameenta cudurka COVID-19.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ahmiyad gaar ah siinaya in iskaashi balaaran laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqodey waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda Ummadda Qaaraddana lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada.

 

Madaxweyne Xasan oo Qaabilay Safiirka Shiinaha Ee soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya dalkeenna Mudane Fei Shengchao.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, diblomaasiyadda iyo doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gacan siinayaan adkeynta amniga, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta maalgashiga, isagoo xusay in ay ku garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ilaalinta madax-bannaanidooda dhuleed, siyaasadeed iyo difaaca gobanimda Qarankooda.

 

 

Madaxweynaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabailay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Arrimaha Bani’aadamnimada…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaranada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah OCHA Mudane Martin Griffiths.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalkeenna iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in si wadajirka ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer Caalam intaba.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ahmiyadda siinayaan ka jawaabidda baahiyaha deg deg ah ee bulshada iyo barnaamijyada ku saleysan hiigsiga fog, si xal waara loogu helo caqabadaha soo noqnoqday ee ay ka mid yihiin abaaraha iyo isbeddelka cimilada, isagoo hoosta ka xariiqay in diirradda la saaro xilligan sidii gargaarka bani’aadamnimo loogu saleyn lahaa shaqo abuur qaran, maalgashi, hannaan ka tarjumayo isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhashay.
Dhankiisa, Mudane Martin Griffiths Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.