

Mogadishu, 17-09-2022: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah:
(1) Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.
(2) Nabadoon Mukhtaar Xaaji
(3) Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare
Sidoo kalena lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan.
Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan.
Wasaaraddu waxaa ay u tacsiyeynaysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen, waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto cadowgaas aan diin iyo dhaqanba xushmeyneyn, lana garab istaago kacdoonada ka dhanka ah argagixisada ee la isaga xoraynayo gaboodfallada kooxda Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken.
Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Maraykanka Mudane Antony Blinken in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.
Dhankiisa Mudane Antony Blinken ayaa adkeeyay sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay abaaro 2:00 Am habeenimo degaanka Abooreey oo qiyaastii 25 Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan ku dilay ku 35 katirsan maleeshiyaadka.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay gacanta ku dhigeen 10 ruux oo ka tirsan AS, ka dib howlgallo qorsheysan oo ay ciidanka ka sameeyeen Caasimadda Muqdisho.
Howlgalka ayey dowladda ku sheegtay mid lagu burburiyay guryo si qarsoodi ah ay u dagganaayeen kooxdan iyo gawaari ay isticmaalayeen.
Waxa ay tani kusoo aadeysaa xilli xalay ay ciidamada NISA gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj, hub saarnaa iyo raggii watay….

Cidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kubaxay deeganka Yasoman ee gobolka Hiiran halkas oo dad shacab ah qarax lagula eegtay xilli ay marayeen wadada deeganka Yasoman ciidanka Qaranka ayaa gargaar ufidinaya shacabka ay qaraxa udhigeen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab silooga bad baadiyo dhibaatada dadka shacabka ah ka soogartay qaraxa miino ee wadada lagu aasay.
Dadka waxyeeladu ay soo gaartay ayaa saarnaa gaari Laangaruusal ah wuxuuna Ku sii jeeday magaalada Muqdusho, lama oga qashaaraha dhabta ah ee dadka shacabka ah soo gaaray.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu ka qeybgalo kulan ka dhacaya Machadka Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee xaruntoodu tahay magaalada Washington D.C.
Kulankaasi, waxa uu madaxweynuhu kaga wrbioxin donaa xaaladda dalka,gaar ahaan arrimo la xiriira ammaanka Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee loo soo celin karo nabadda iyo xasiloonida guud ee dalka.
Kulankaan oo lagu martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh,waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsan maamulka Mareykanka ,hey’ado iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulankaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo haatan ku sugan magaalada Washington, DC ayaa la flayaa in Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda SDoomaaliya .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Difaaca dalkaas Mudane Lloyd James Austin.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.
Dhankiisa Mudane Lloyd James ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada