Home Blog Page 599

Madaxweynaha galmudug oo ciidamada qalabka sida uga mahadceliyey guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii kooxda ahlusunna.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay talisyada ciimadada kala duwan ee qalabka sida.

Kormeerka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug, saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay guulihii dhawaan ay kasoo hoyeen howlgalkii xasilinta caasimadda iyo deegaanada hoos taga, isagoona ku dhiirigeliyay ciidamada kala duwan inay sii joogteeyaan sida naf hurnimada leh oo ay waajibkooda u gutaan oo ah difaaca nafta iyo sharafka shacabka reer Galmudug.

Maamulka cusub ee deegaanka Lafoole oo xilkii la wareegay.

0

Gudoomiyaha Cusub ee deegaanks Lafoole ee dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Hon Ibrahim Adan Ali – Najah u magacaabay deegaankaas oo  hoostaga degmada Afgooye ayaa maanta si rasmi ah xilka u la wareegay.

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka oo maanta Kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg Dega.

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFJS Hon Khadija Mohamed Diriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud Axmed Abukar Axmed, Agaasimaha Gargaarka, iyo lataliyaha Xiriirada Guud ee Wasaaradda Gargaarka ayaa maanta Kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg Dega ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo markii ugu horeysay dalka laga hirgelinayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qaranka .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qaranka oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha mudane Maxamed Cabdullahi Jaamac.

SAWIRRO:Guddoonka Golaha shacabka oo shahaado sharaf gudoonsiiyey Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka.

Guddoonka golaha shacabka BJFS  ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS qeybta 1-aad Gen. Keith Katungi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ergay gaar ah u magacaabay arrimaha abaaraha

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.
Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba.
Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Ergeyga gaarka ah wuxuu kale oo uu hormuud u noqon doonaa, isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilka Ergeyga u magacaabay, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.
Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Ergeyga inuu u Ilaahay u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda uu u igmaday. waxayna magacaabistan ay dhaqangaleysaa isla maanta oo taariikhdu tahay 24 May, 2022.
                            DHAMMAAD

Wasiirka gaashaandhigga dawladda FS oo la kulmay dhigiisa dalka Tanzania

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta u safray Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  Maanta Safar shaqo oo maalma kooban qaadan doona u ambabaxay Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga.

Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar oo maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiintii ay hoggaaminaysay madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiintii ay hoggaaminaysay Dr. Catherine Sozi, madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan safiiradda 5 waddan iyo hay’adaha deeq-bixiyayaasha.

Madaxweyne Hassan Sheikh maxamuud oo u magacaabay Mudane Hussein Macallin Maxamuud lataliyihiisa Amniga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.