Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Date:

Muqdisho Oktoober 03,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ka dib markii uu xilka iska casilay Xog-hayihi hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa xog-hayaha cusub cod gacantaag ah ku ansixiyey.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xoghayahii hore Golaha Shacabka is casilaadiisa ka aqbalay isagoona sheegay in Cabdikariim Buux uu ahaa nin aqoon u leh shaqada Baarlamaanka islamarkaana taladiisa iyo waayo aragnimadiisa ku biiriyo Golaha Shacabka.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo shaqada baaxada leh ee hortaala isla markaana looga baahan yahay in masuuliyada culus ee loo igmaday uu u guto si hufan oo daacadnimo ku jirto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...