Home Blog Page 567

Maamulka Gobolka Iyo Kan degmada Galkacyo oo lakulmay Saraakiil ka socatay Hay’adda W.F.P (SAWIRO)

0

Kulankaan oo uu shir gudoomiyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar sidoo kalana ay goob joog ka ahaayeen duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh xasan iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo ayaa Maanta magaalada Galkacyo ku dhaxmaray Saraakiil ka socatay Hay’adda W.F.P ee Qaramada midoobay masuuliyiinta Gobalka iyo kuwa dagmada Galkacyo

Xubnahaan ayaa waxaa hogaaminayay isku xiraha gurmadka deg deg ah ee Hay’adda W.F.P. waxaana labada dhinac ay kaga wada hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta Gurmadka la gaarsiinayo Barakacayaasha ku sugan deegaanada Gobalka mudug iyo xeryaha ay soo magansadeen Qoysaska Abaaraha kusoo xoola beelay ee ku yaala duleedka magaalada Galkacyo

Kulanka kadib ayaa saraakiishii ka socatay W.F.P iyo masuuliyiintii Maamulku Waxa ay kormeer ku tageen qaar ka mid ah kaamamka ay ku nool yihiin qaar ka mida barakacyaashii u danbeeyay ee soo miciin biday Galkacyo

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Axmed Maxamed Shire iyoDuqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan sheekh xasan ayaa uga k mahad celiyay Hay’adda W.F.P barnaamijka kaalmeynta dadka barakacyaasha ah ee xiligaan Adeg la daalaadhacaya abaaraha ka jira
guud ahaan deegaanada Gobalka Mudug ee hoostaga DG Galmudug

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulan la qaatay danjiraha imaaraadka carabta ee soomaaliya.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka isutaga Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.
Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay sida ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta uga go’antahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaqeyn doonaan horumarinta iyo kor u qaadista tayada hawlwadeenada Golaha Shacabaka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amaanay Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Oo lakulmay taliyaha CXD Gen. Odowaa iyo saraakiil kale. (SAWIRO)

0
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.
Ugu horreyntii, taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qorshaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaaridda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Abaarta, taliye Odowaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tashiilaadka kale ee dadka iyo deegaannada looga hor wareejinayo dhibka argigixisada, laguna gaarsiinayo gargaar iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin isaga oo wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loogu diyaargaroobo deegaannada ay halis ku hayaan argigixisada iyaguna ka xoogga dalka ahaan ay dammaanad qaadi doonaan gaarsiinta iyo qeybinta.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda. Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.
Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu taliyaha iyo kooxdiisa hordhigay xogtiisa la xiriirta dhibaatada ka jirta deegaannada kala duwan, qorshaha ay wasaaradda iyo hey’adaha caalamiga ah ugu talogaleen caawinta dadka iyo deegaannada isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in la isku dhex wado dagaalka Xorreynta iyo u gargaaridda shacabka Soomalaiyeed.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu kulanka ka sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen, isla markaana ay diyaariyeen qodista ceelal biyood, raashiin qeybin degdeg ah, sameynta, iskuullo, isbitaallo cusub oo leh dhakhaatiir iyo dawo iyo baahiyada kale ee ka jirta deegaannada ay argigisada ka baxeen ama ay weli joogaan.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa dhisay guddi si wadajir ah uga shaqeeya isku xirka howlaha socda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, oo ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika.

0
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika oo lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dawlado, shirkado shidaal oo heer qaran iyo heer caalami ah, sahmiyayaal madax-banaan, maalgashadayaal, bulshada G&G, iyo adeeg bixiyayaasha.
Soomaaliya waxay leedahay kayd badan oo shidaal iyo gaas ah oo aan weli laga faa’iidaysan gudaha iyo baddaba. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ansixisay shuruuc iyo hab-maamuus ka dhex jira hay’adaha la xiriira shidaalka oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Macdanta Shidaalka dowladda federalka.
Iyadoo ay jiraan dhammaan caqabadaha jira, ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya wuxuu sheegay inay dowladdu waddo dadaallada ay ku dooneyso in Soomaaliya ay caalamka ugu soo bandhigto Shidaalka iyo Gaaska aan weli laga faa’iideysan.
“Soomaliya waa mid ka mid ah dadlaka africa ee fursaha badan ee dhanka shidaalka ah uu ka jiro maadaama aan wali si dhab ah looga faaidaysan” Ayuu yiri wasiir abdirisaaq
Wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray farriintiisa ka qaybgalka toddobaadka saliidda Afrika ee Cape Town- South Africa.
Waxaa isugu yimid wasiirada Shidaalka & Gaaska Afrika iyo in ka badan 400 oo maamulayaasha IOCs si ay uga wada hadlaan horumarinta tamarta.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaadatay dhigeeda Itoobiya..

0

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Dalka Itoobiya , Marwo Dagmawit Moges.

Wasiirka ayaa dhigeeda Itoobiya ugu hambalyeesay xubin- nimada guddiga golaha 41-aad ee hay’adda Duulista adduunka ee ICAO, kaddib markii shalay shir weynaha 41aad ee hay’adda Duulista adduunka (ICAO) loogu doortay xubin ka tirsan golaha.

Sidoo kale , waxaa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada labada dal, iyadoo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya , Marwo Dagmawit Moges ay boggaadisay dadaallada lagu horumariyo  Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Docda kale , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan farsamo oo diirrada lagu saaray iskaashiga iyo wadaaga xirfadaha iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka la qaadatay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.

UK oo boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa la kulantay agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Suudaan ee Somaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, isaga oo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ahna Madaxa Ergada Ururka ee Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Al-Salah Elguneid, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashiga heerarkiisa kala duwan iyo fulinta heeshiisyadii horey uga dhexeeyey Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo magaaladda Baledweyne gaarsiisay gargaar deg deg ah

0
Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa magaaladda Baledweyne kasoo qaaday qaar ka mid ah dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxyadii khawaarijta ay ka geysteen magaaladaas.

 

 

 

 

Ciidamada Qaranka oo la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10 km u jirta degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa galabta la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10 km u jirta degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool oo kooxaha Khawaarijta ah ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen.