Home Blog Page 567

Shirka Golaha Watashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo gabagaboobay “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad.

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Midowga Afrika

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka Amisom.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida amniga doorashooyinka loo sugi lahaa.


Qaar ka mid ah murashixiinta Madaxtinimada dalka oo bogaadiyay qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maanta uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa bogaadiyay hannaanka uu ku bilowday shirka, isagoo xusay inay dhankooda ay garab istaagayaan.

“Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaranyahay inaan u howlgalno taabagelinta iyo najaxinta shirka, si dalka uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro arrimaha la xiriira fulinta heshiiskii 17 September, isla markaana isafgarad uu ku soo dhamaado shirka.

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisa furmay, waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiska doorasho ee 17 September”. Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku tilmaamay shirka Arrimaha doorashooyinka mid yadiilo iyo wanaagsan u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka”. Ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka “SAWIRRO”

0

Waxaa soo gaba gaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, kaasi oo uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa yiri “Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, HIrshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Saacado ka hor ayuu soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho, uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Sabti ah, xarunteeda Caasimadda Muqdisho, lagu qabatay xaflad lagu sagootinayay Mudane Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay.

Intii lagu gudo jiray xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa bogaadiyay dadaallada ballaaran ee Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu la yimid intii uu ka shaqaynayay Soomaaliya, taasoo gacan ka gaysatay horumarinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sare u qaadiddiisa si looga dhabeeyo dano wadaagga labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankiisa, Mudane Qin Jian ayaa uga mahadceliyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo iskaashiga ay u muujiyeen oo ka qeyb qaadatay guusha shaqadiisa, isagoo u rajeeyay Soomaaliya horumar joogta ah iyo barwaaqo.

Dhammaadka xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa guddoonsiiyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ee Soomaaliya ay ka dhammaatay hadiyad xusuus ah, isagoo guul u rajeeyay shaqooyinka uu qaban doono mustaqbalka.

 

Aqoon isweydaarsi ku saabsan go’naanshiyaha Qaran ee yareynta saameynta isbadalka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

0

Aqoon isweydaarsigan ku saabsan ka go’naanshiyaha Qaran ee yareynta saameynta isbadalka cimilada iyo istaraatiijiyadda qarashka ku baxa Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay Agaasinka Bii’ada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday wasaaraha bahwadaaga ay yihiin iyo marti kale oo lagu casuumay.

Tababarkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa aaladda fogaan arraga casharada ku bixinayay quburo ka tirsan xafiiska iyo hay’adaha kaabayao, waxaana lagu gorfeeyay sida loo yareyn lahaa saameynta isbadalka cimilada keenta iyo qorshe howlweed ay ugu talagaleen inay horgeeyaan shir la qorsheynayo in uu ka dhaco dhamaadka sanadkan dalka UK.

Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday NUSOJ ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha inay ka faa’iideystaan aqoon kororsiga, isla markaana ay ka qeyb qaataan qorshaha looga hortagayo xalufinta dhirka iyo saameynta ka dhalatay isbadalada cilimada.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa xusay in dhibaatooyin badan laga dhexlay isbadalka cimilada, isla markaana loo baahanyahay in la helo qorshe arrinkaas wax looga qaban karo.

Agaasinka Bii’ada iyo cimilada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Axmed Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ujeedka tababarka uu ahaa sidii loo heli lahaa dad loo diyaariyay hirgelinta qorshaha ku saabsan ilaalinta Bii’ada.

Isbadalka cimilada ayaa saameyn ku reeba Soomaaliya, waxaana inta badan dalka ka dhaco abaaro, fatahaado iyo duufaanno dabeylo wata oo ku dhufta qaar kamid ah xeebaha dalka.

 

Tababar ku saabsan doorka haweenka ee Warbaahinta Digitalka ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Tababbarkaan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyada oo ay soo isku soo daba riday Shabakadda Horumarinta Haweenka Warbaahinta ee Galmudug (Galwomen).

Aqoon kororsigaan waxaa qaar kamid ah haweenka Warbaahinta ka howlgala lagu barayay hannaanka loo adeegsado Warbaahinta casriga ah iyo Kordhinta xirfaddooda ku aaddan adeegsiga baraha bulshada iyo mareegaha kale ee internet-ka.

Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya Mudane Yaxye Xaaji Colaad oo tababbarka furay ayaa waxaa uu ka qayb-galayaasha la wadaagay talooyin muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya fududaynta howlahooda Warbaahinta.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa bixinta tababbarka asiga oo u sheegay dhallinyarada inay sifiican uga faa’iidstaan,Internet ay heestaa.Dhallinyarada fursadda u helay ka faa’iidaysiga aqoon-kororsigan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay waxa ayna sheegeen inay wax badan ka faa’iideen uuna ahaa tababbarkii ugu horreeyay nuuciisa ee loo qabto.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminanyo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdishu soo gaaray kadib casuumaad kaga timid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu barri si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho.

Hantidhawraha guud ee Qaranka oo loo doortay xil muhiim ah

0

Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Guud ee Afrika ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (AFROSAI-E) ayaa maanta Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee saddexda sano ee socota (2022-2024) u doortay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Hantidhawraha Guud ee Kenya Marwo Nancy Ganthungu.

Dhammaan hawlwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku waxa ay Hantidhawraha Guud ugu hambalyeynayaan xilka loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaa iga go’an fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka Guuleysto”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda ay u diyaar garowday qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka guuleysto.

“Waxaan rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran guul noogu soo dhammaado si dalkeennu doorasho u aado”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaan ka codsanayaa garab istaag. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.