Aabbe ayaa meel fagaare ah ku toogtay nin wiilkiisa dilay ka dib markii ay Taalibaan ku riday ninkan xukun dil ah, waa dilkii ugu horreeyay ee ay Taliban meel fagaare ah ku fuliso tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen xukunka Afgaanistaan.
Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in ninkan lagu dilay garoon lagu ciyaaro oo ku yaal koofur galbeed ee gobolka Farah.
Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa saddex xabadood ku dhuftay ninkan, sida uu hadalka u dhigay afhayeen u hadlay Taliban.
Rag badan oo ka mid ah madaxda kooxda ayaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacayay. Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii garsoorayaasha lagu amray inay si buuxda u dhaqangeliyaan shareecada.
Hoggaamiyaha sare ee Taliban Haibatullah Akhundzada ayaa amarkan soo saaray bishii hore, isagoo ku amray garsoorayaasha inay ku ridaan ciqaabo kuwa lagu helo dambiyo.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa meel fagaare ah lagu garaacay tobonaan qof oo lagu hor garaacay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla gobolka Logar – waana markii ugu horreysay oo Taliban ay si cad u qirato inay amartay kiis la xirriirra dil.
Dacwad oogayaasha dalka Peru ayaa ku eedeeyay madaxwaynihii garabka bidix ee xilka laga tuuray Pedro Castillo kacdoon iyo shirqool uu ku jabiyay nidaamka dastuuriga ah.
Dacwaddaan ayaa waxay ku soo beegantay saacado un ka dib markii Pedro Castillo uu isku dayay inuu kala diro Congress-ka taas oo sababtay in markii dambe xilka laga qaado.
Madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Dina Boluwarte, ayaa loo dhaariyay inay noqoto hoggaamiyaha cusub ee dalkaasi.
Dhanka kale Mexico ayaa sheegtay in haddii Mr Castillo uu magangelyo weydiisto ay siinayaan. Warbaahinta maxaliga ah ee Peru ayaa sheegtay in markii la xirayay uu ku sii jeeday safaaradda Mexico ee Lima.
Hay’adda maaraynta masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta deeq raashin ah gaarsiisay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.
Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo in kudhaw oo 600-Qoys waxaana ay ka koobantahay maciishada kala duwan ee dadku sida maalin laha ah u isticmaalaan.
Cabdisalam Cabdullahi Cumar oo ka tirsan hay’adda SoDMA ayaa ku wareejiyay deeqdaan gudoomiyaha degmada baxdo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo maanta loo doonay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay.
“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah.
Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.
Waasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Dalkaas Dr Abraham Belay, iyagoo ka wadahadley iskaashiga arrimaha Ammaanka iyo la dagaallanka Argagixisada.
Wasiir Cabdiqaadir ayaa xusay inay muhiim tahay Xilligaan in laga ciribtiro Soomaaliya Kooxaha Khawaarijta Isagoo uga mahadceliyay Dowladda Ethiopia doorkeeda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Argagisada.
Wasiirka Gaashaandhigga Ethiopia Dr Abraham Beley oo Dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa Sheegay in Dawladda Ethiopia ay xoojinayso garab istaageeda ku aadan dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-shabaab.
Itoobiya ayaa korontadii dib ugu soo celisay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreega ee waqooyiga dalkaas halkaas oo ciidamada federaalka ay kula dagaalameen fallaagada Tigray labadii sano ee la soo dhaafay.
Dadka ku nool magaalada ayaa hadda si buuxda ugu riyaaqay tallaabadani ka dib muddo ka badan hal sano oo ay koronto la’aan ahaayeen, sida ay BBC-da u sheegeen idadka ku sugan magaalada. “Korantadu waxay magaalada ka shidnayd ilaa shalay (Talaada),” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.
Warbaahinta Fana ee ay dawladdu leedahay ayaa laga soo xigtay af-hayeen u hadlay Wakaaladda Korontada ee Itoobiya (EEP) oo sheegay in korontadii dib loo soo celiyay ka dib markii dayactir lagu sameeyay khadka korontada.
Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom ayaa sidoo kale dib u soo celisay adeegyadii magaalada Shire iyo deegaanada ku xeeran. Qoysaska ku nool dalka dibaddiisa ayaa BBC-da u sheegay sida ay ugu dambeyntii u suurtagashay in ay wacaan eheladooda labo sano kadib.
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.
Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.
Madaxweyne Deni wuxuu la wadaagay Bulshada in Shirarkan iyo Kuwa la midka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada Dalka oo laga qeybgeliyo Bulshada kala duwan, waana sababta loo rabo in Dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.
Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulkan kii ugu horeeyay ee noociisa ah baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun. Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.