Home Blog Page 566

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan aaladda fogaan arragga kula qaatay Wakiilka Sare ee Hay’adda UNHCR “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta habka fogaan arag ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

Waxaana kulanka lagaga hadlay sidii loo dar-dar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Guddoomiyaha guddiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

Maxay Kawada Hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya

0

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa ka wada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo sii xoojineysa cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta Tayaynta iyo Tababarka Ciidanka iyo Hormarinta Mashariicda Deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay sidii dowladda Ingiriiska ay Mashaariic horumarineed uga hirgelin lahayd deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana uu ku soo idlaaday is afgarad.

Maalinta Caruurta Afrika Oo Soomaaliya laga Xusay “SAWIRRO”

0

Munaasabad balaaran oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo lagu weynaynayay maalinta carruurta ee Afrika oo ku beegan 16ka bisha June ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiirka Wasaaradda Xaniifa Maxamed Ibraahim, agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Isxaaq Xaashi Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim oo khubad ka jeedisay madasha ayaa sheegtay in Wasaaraddu ka shaqeynayso sidii loo heli lahaa sharci lagu dhowrayo carruurta Soomaaliyeed.

16 ka bisha June sanad kasta, Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika waxaa la qabtaa munaasabado lagu xusayo maalinta carruurta Afrika.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Norway

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Elin Bergithe Rognlie, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal.

Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inuu gabo gabo marayo dhismaha wadad afgooye iyo Mugadisho.

0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan macalin ayaa ka hadlay xilliga sida rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darted uu dib ugu dhacay.

Waxa sidokale wasiirka intaa hadalkisa ku daray dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Maanta Xilka La Wareegay.

0

Munaasabad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Agaasime waxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee wasaaradda Cabdullaahi Xayar oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Munaasabada ayaa sidoo kale agaasimihii hore ee Wasaaradda loogu magacaabay agaasime ku xigeen ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda ayaa u mahadceliyey agaasihii hore ee xilka ku wareejiyey waxa uuna agaasime waxeedyada iyo dhamaan shaqaalaha kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Wasaaradda asagoo balanqaaday in uu si wanaagsan u gudan doono waajibaadkisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho taasi oo dib u dhis balaaran lagu sameyn doonno.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska Balaaran ee lagu sameenayo Xarunta Degmada Cabdicasiis ay qeyb ka tahay Mashaariicda dib-u-dhis ee Maamulka Gobolka Banaadir ka fulinayo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada Caasimada, Asigoona kula dar-daarmay in shacabka ay ilaashadaan goobaha danta guud ee dib-u-dhiska lagu sameeyay.

Horey ayuu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhisyo balaaran ku sameeyay Dhowr Xarumood oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir iyadoona Qorshaha Maamulka uu yahay sidii loo tayeyn lahaa Xarumaha .

Dowladda Giriigga oo go’aan ka qaadatay qaabbilaadda muhaajiriin ay Soomaali ku jirto

0

Dowladda Giriigga ayaa isbeddel xagga socdaalka ah kusoo rogtay dadka magangelyo doonka ah ee kasoo kala jeeda waddamada Soomaaliya, Pakistaan, Suuriya, Afganistan iyo Bangaladhesh.

Dadkan oo intooda badan waddanka Giriigga uga tallaaba xadka uu la wadaaga Turkiga ayaa si sharci darra ah ku gala halgaas, iyagoo uga sii gudba dalalka kale ee Yurub.

Wasiirka muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka dalka Giriigga, Notis Mitarakis ayaa sababta ay musaafuriinta sharci darrada ah diiradda u saarayaan imaashiyaha Turkiga ku sheegay iyagoo u arka sida waddan kale oo ammaan u ah tahriibayaasha kasoo jeeda waddamadaas.

Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in ay garwaaqsanayso inaysan imaashiyaha muhaajiriinta ee Turkiga khatar ku ahayn Jinsiyaddooda, Diintooda, muwaaddin-nimadooda ama siyaasadda ay aaminsan yihiin, balse ay ka cabsi qabaan inay Athnes marin u noqoto qul-qulka musaafuriinta sharci darrada ah iyo fal-dambiyeedyada shabakadaha wax tahriibiya.