Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Golaha Wasiirrada maamulka Galmudug oo maanta Degmanimo u ansixiyey Degmooyinka Baxdo iyo Wisil
Muqdisho-10,7,2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib Uheshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumadda, in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.
Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

[SAWIRO)Madaxweynaha Galmudug oo bulshada Baxdo u sheegay in dagaalka Al-shabaab ka gacan siin donaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.
MUQDISHO-10-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA ERETERIYA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.
[DAAWO]Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug Oo salaada Ciida ladukaday Shacabka Reer Baxdo.
Muqdisho-09,07-2022:Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa maantay si weyn looga ciiday maalinta Koowad ee ciidul Adxada, si lamid ah magalooyinka kale ee Soomaliya waxaana maantay salaada Ciida shacabka reer Baxdo kula dukaday Masjidka weyn Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdibkaariye ”Qoorqoor” oo shalay safar kuyimid Magaalada Baxdo.
Salaada Ciida kadib ayuu madaxweynuhu lahadlay dadka Baxdo waxuuna ku baraarujiyay iney sii wadaan dagaalka ey kula jiraan Koodxa Alshabaab ka maamul ahaana uu garab taaganyahay.
Shacabka reer baxdo Madaxwenyaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa farxad ku ciidaya maantay iyadoo ku dhawaad bil ey kasoo wareegtay dagaalkii ey ku gumadeen Kooxda Shabaab oo xiligaas weerar kusoo qaaday Baxdo.

Howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo oo xalay laga sameeyey Magaalada Gaalkacyo
Muqdisho-09,07,2022:Howlgalo qorshaysan oo lagu sugayaayo amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha qaar ee Magaaladaas.
Madaxweynaha Jubbaland Oo Booqday Jiidda Dagaalka. +SAWIRO.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada darawiishta Jubaland ee ku sugan jiida hore.
Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan jiida hore ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo Caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed.
“Maanta oo kale waa inaan xusuusana kuwa naftooda u huraya dalkeena iyo dadkeena oo nabad hela dhaxanta iyo qoraxdana u taagan sidii kumanaan dadkeena ah ay nabad ugu seexan lahayeen” ayuu Yiri madaxweyne Madoobe.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo argagixisada lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah.
“Sarakiisha Iyo Ciidamada waxaa iiga muuqatay dhiiranan iyo adkaysi badan. Waxaan anaga iyo Dowlada Federaalka ah si wadajir ah uga shaqayn doona sidii loo bilaabi lahaa howlgalo midaysan taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga guulaysan karo argagixisada” ayuu hadalkiisa Raaciyay.
RW Hore Ee Jabaan Oo Latoogtay Isagoo Olole Doorasho Ku Jira.
Ra’iisal wasaarahii hore ee dalka Japan ayaa u geeriyooday maanta dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday saakay xilli uu la hadlayay dad shacab ah.
Shinzo Abe ayaa bulshada kula hadlayay fagaare ku yaala gobolka Nara, waxaana rasaaas ku furay nin ku hubeysan qori macmal ah oo uu sameystay sida warbaahinta gudaha dalkaasi ay tabiyeen.
Isbitaal ku yaala magaaladda kashihara oo la geeyay dhaawaciisa ayuu ku geeriyooday, waxaana uu ahaa ra’iisal wasaarahii ugu waqtiga dheera ee soo mara dalkaasi.








