Home Blog Page 562

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo hambalyo u diray maamulka iyo shacabka Reer Hirshabeelle

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa hambalyo u diray maamulka iyo shacabka Reer Hirshabeelle ee maanta iyaga oo iskaashanaya degmadii ugu dambeysay ka xoreeyay Khawaarijta.

“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda,Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood,

Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg-deg ay uga xoreysan doonaan, Waxaana ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” ayuu yiri Guuleed.

Ciidanka XDS oo la wareegay degmada Ruun nirgood ee Gobolka Shabeelada Dhexe

0

Ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegay Khawaarijta Al shabaab Gacan ku heynta degmada Ruun nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus.

Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.

Gudddoomiye Madaale oo kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre

0

Gudddomiyaha G/Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa uga mahadnaqay Dawladda Mareeykanka taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada Amniga, gargaarka iyo Horumarinta isagoo si gooni ah u bogaadiyay hawlihiii horumarineed oo ay hey’adda USAID  ay Sanadihii danbe ka sameeysay Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa la wadaagay Guddomiyaha Gobolka sida ay Dawladda Mareykanka ugu go’antahay sii wadista taageeerada Soomaaliya isagoo dhanka kale la wadaagay Guddomiyaha Gobolka talooyin la xiriira arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo sida loo xoojin karo iskaashiga.

0

Madaxweynaha Dowladd Gobleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Kulankaan oo looga hadlay howlgalada baahsan ee kooxda khawaarijta alshabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Dowladda Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen, Dhanka kale Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Macadka Tababarada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga xureeyay cadowga ee uu socdaalka kusoo maray isagoo xusay inay khawaarijta ay cuuryaamiyeen nolosha iyo horumarka bulshooyinka ku nool deegaanada laga xureeyay.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo Guddooomiyey shirka agaasime waaxeedyada Madaxtooyada

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka agaasime waaxeedyada Madaxtooyada, kaasi oo looga hadlay dhowr dhameystirka Istaraatiijiyadda Madaxtooyada, hirgalinta tababaro lagu hormarinayo xirfadaha howlwadeenada waaxaha kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasinka waaxda Shaqada iyo Hormarinta Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa intuu socday kulanka looga dhagaystay soo jeedinta Xeerka Anshaxa Shaqaalaha, halka waaxda Macluumaadka tiknolojiyada iyoIisgaarsiinta (ICT), ay kusoo bandhigtay habka ilaalinta nabadgalyada, xogta shabakadaha internerka Madxtooyada, warbixin la xiriirta aqoonsiyada cusub iyo hannaanka loo maray sugnaanshahooda.

Gebogebadii shirka ayaa agaasimaha guud ee Madaxtooyada kula dardaarmey agaasimeyaasha in ay dardargeliyaan howlaha waaxyaha ee Madaxtooyada.

Madaxweyne Deni oo dhagaxdhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda deegaanka Garacad

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda deegaanka Garacad.

Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda iyo unkidda dhismaha xarumaha muhiim ka ah ee dowladda waxa ay meelsare uga jirtaa siyaasadda Xukumadda Dowladda Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ku wehelinaayey dhagax

Madaxweyne Dani oo Booqday Dekedda cusub ee deeganka Garacad

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hugaaminayo oo safar shaqo ku jooga deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi oo ay ka socoto shaqo Lixaad leh.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warxino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ku wehelinaayey kormeerka shaqo ee uu ku tegey dekedda Garacad masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.

Guddoomiyaha BFS oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha bani aadanimo ee ka jira magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo iyo deegaanada hoostaga oo uu dhawaan booqday guddoomiyuhu,

Ergayga ayaa ballan qaaday in la xoojinayo gargaarka dadka danyarta ah la gaarsiinayo.

Guddoomiye Madaale oo la kulmay Duqa Caasimadda Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Duqa Caasimadda Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qoroow) iyaga oo kawada hadlay iskaashiga Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Muqdisho.

Duqa Magaalaada Dhuusa Mareeb Mudane Geeda Qoroow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Mudane Madaalle, sida diiran uu ugu soo dhaweeyay Xarunta Aqalka Dowladda ee Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho Oo Lakulmay Madaxa hey’adda qaxootiga adduunka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Magatte Guisse. Iyagoona ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbixiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.