Home Blog Page 561

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortegay weerar ay Argagixisadu ku qaaday Camaara

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka hortagay weerar ay saakay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Xooggu ku leeyihiin magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Xoogga Dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay inay khesaare xooggan ay gaarsiiyeen Argagixisada kusoo duushay magaalada Camaara.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in maanta ay soo bandhigi doonaan khasaaraha gaaray kooxda, oo iska caabin adag kala kulantay ciidanka xooga dalka.

Wixii ka soo kordha kala soco SNTV.SO

Akhriso: War-saxaafadeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee lasoo uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.

–      Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

–      Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada

–      Habraaca Xulista Ergada Doorashada

–      Habraaca Amniga Doorashada

–      Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka

–      Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland

–     Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in ergooyinka doorashada ee dooranaya xildhibaanada golaha shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo bulshada rayidka, taas oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer dowlad ee heer federal.

Ergada Somaliland ay soo xulayaan duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala imaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

Tababar ku saabsan tayeynta Dowladda Hoose oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

0

Wasiiru dowlaha ahna kusimaha Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowlad goboleedka  Galmudug ayaa tababar  socondoona mudo 4 maalin ah uga furtay Degmada Dhuusamareeb shaqaalaha dowladda hoose ee degmada dhuusamareeb

Tababarkaan mudada uu  socdo waxaa lugu baran doonaa  nidaamka maaraynta  shaqaalaha Dowladda Hoose iyo siyaasadda shaqaalaha dowladda hoose

Wasaaradda arrimaha guddaha oo ka duulaysa waajibaadkeeda ku aadan tayeynta awoodaha maamul ee dowladaha hoose ayaa maalmahan ku howlan tababaro kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada Dowladaha Hoose.

 

Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha Wasaaraddaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed

Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha , cudrurada iyo aafooyinka, sida ugu wanaagsan ee looga faa’iideysan karo Waraabka iyo la tacaalida dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada ayaa Xooga lagu saari doona mudada shanta cisho ah ee uu socon doono tababrkan oo loogu talo galay inay ka faa’iideystaan shaqaalaha wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed.

Tababarka oo ay casharadiisa bixinayaan qubaro ka socota Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda Beeraha iyo hey’adda Save the children,Waxaana maalgelinaya Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay urur Goboleedka IGAD.

Dr Cabdi Daahir – madaxa mashruuca Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha iyo madaxa mashaariicda  Save The Children- ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Cali Cabdi Wehliye ayaa ka hadlay muhiimada tababarkan.

Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Nuur Yuusuf  Nuur oo tababarka furay ayaa xusay in barnaamijkan  ay ugu talogaleyn in ay sare ugu qaadaan aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, si looga dhabeeyo hadafka ah inuu dalku gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Saddex ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay  degmada Waaberi

0

Xaafadda Buundo 1-aad ee degmada Waaberi saddex qof ayaa ku nafwaayay qofkalana waa ku dhaawacmay kaddib markii uu xakamaha (fariin) goostay Gaari nuuca daabulaha Ardayda ah.

Gaariga oo kasoo fariin goostay dalcadda dhanka wadada dabka ayaa dulmaray qaar kamid ah dadkii ku sugnaa wadada hareeraheeda waxa uuna ugu dambeyn gudaha u galay guri ay ku noolaayeen dad shacab ah.

Dad ku sugnaa goobta shilka ka dhacay ayaa noosheegay in ay arkeen dhimashada ilaa saddex ruux iyo dhaawaca qof kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo kulan layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Abdinasir Mukhtar Ibrahim ayaa maantay kulan isgu jira Isbarasho iyo Xog-isweydaarsi layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay Arrimaha iskaashiga iyo xoojinta adeegyada Caafimaad ee ay taageerto Hay’adda Save the Children, gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka kaasoo ay in mudda ah kawda shqeynayeen labada dhinac. Hay’adda save the Children ayaa Balanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimahaa Guud ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay Hay’adda Save the Children wada shaqeynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka.

 

Guddigii loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska ciidamada AMISOM

0

Guddigii Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaaraha XFS u xilsaaray baarista falkii ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku dileen 7 ruux oo shacan deegaanka Golweyn ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Uganda uqaabilsan Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Guddigaan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Amniga Guddaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay kulamo hor dhac ah la qaateen saraakiisha Ciidmaada AMISON iyo safiirka si loo gudda galo barista dil wadareedka ciidamo ka tirsan ay ugeysteen dad shacab ah.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa xoghaya joogtada xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.

Ciidamada ka tirsan kuwa howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxa ay 10-kii Ogosto ee bishaan deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo shacab ah waxaana ehelada dadkaasi ay dowladda Federaalka ka codsadeen in cadaalada la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay qodobadii maanta ay kala hadleen .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo arrinkaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu shalay kulan ku saabsanaa falkaasi xafiiska kula yeeshay Safiirka dowladda Uganda ufadhiya waxaana intaasi kadib Ra’iisul wasaare Rooble umagacaabay guddi Wasiiro ah oo ariinkaan si dhab ah ubaara si ehelada Marxuumiinta ay cadaalad uhelaan.

Cayaar kubadda cagta ah oo lagu kala yaacay kadib markii garsoorihii la soo baxay bastoolad

0

Cayaartaan oo ka dhaceysay wadanka Honduras, ayaa garsoorihii ciyaartu la soo baxay bastoolad, markii taageeroyaal ka carooday rigoore uu diiday ay ku soo yaaceen garoonka.

Sida ay soo xigatay Jariidadda The Sun, goobjoogayaal ayaa sheegaya in la arkayey garsooraha oo ay ku hareereysanyihiin taageerayaal careysan iyo  asaga oo bastoolada hadba koox kula jeesanaya bartamaha garoonka dhexdiisa.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karayey, taageerayaasha oo qeylinaya iyo wax u muuqday in ay ahaayeen dhawaqa rasaas, qeybta hore ee muuqaalka.

Garsooraha ayaa la arkayey asaga oo dhowr xabadood dhulka ugu dhufanaya taageerayaasha careysan, si ay uu isaga kala eryo, ilaa ugu dambeyntii ay ka kala carareen.

Bastoolada ayaa la sheegay in nin qaraabo la ahaa garsooraha uu u dhiibay markii ay ciyaartu dhammaatay si uu isugu difaaco hadii taageerayaashu soo weeraraan.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa la arkayey asaga oo ku leh garsooraha “ wacal baad tahay” inkasta oo uu dadka ku gambanayey.

Ilaa iyo hada lama oga in garsoorahaas loo cuskan doono qodobo ku saabsan anshaxa kubadda. Balse waxa la wada ogsoonyahay in Honduras ay caan ku tahay xasaradaha ka dhasha kubadda cagta. Waxana ugu caansanaa ‘dagaalkii kubadda cagta’ 1969 Honduras iyo El selvador, kaas oo ka dhashay  kulamo kubadda cagta ah oo ay koobkii aduunka sanadkaas wada yeesheen labada dal. Waxa ayna arintaasi sababtay in 3usbuuc kadib labada dal iclaamiyaan dagaal.

Laatiin America ayaa caan ku ah rabshadaha banooniga ka dhasha, waxana bishan horaanteedii 3dex qof lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay, ciyaar ka dhaceysay dalka Mexico, halkaas oo nin ku hubeysan qori AK47 uu rasaas ooda uga qaaday taageerayaal kubadeed, isaga oo ku baxsaday gaari uu watay, walow aan la caddeyn ilaa iyo hada sababta toogashadaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomaga Koonfur Galbeed oo qalab dhismo gaarsiiyay dhismaha terminaalka garoonka diyaaradaha Xuddur “SAWIRRO”

0

Waa markii labaad oo diyaarad sida agabka dhismaha garoonka soo gaarta magaalada xuddur tan iyo bilowgii aasaaska terminaalka garoonka degmada xuddur oo hada meel gebo gebo ah maraya.

Agabka lasoo gaarsiiyay waxay isugu jiraan Jiingad Alwaaxyo iyo Mutileel waxana dadaal badan geliyey oo kirada diyaaradaha iyo qalabka bixiyay wasiirka gaadiidka iyo garoomada dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eeley maadaama bakhaarada magaalada xuddur laga heleynin qalabka dhismaha wado aan ahayn tan hawada oo lasoo marsiiyana aysan jirin.

Wasiir Xasan Eeley ayaa horey diyaarad ugu keeney shamiintada lagu dhisay madaarka garoonka oo noqonaysa dhismihii ugu horeysey ee ay yeelato garoonka diyaaradaha degmada xuddur, dhismaha waxa gacanta ku haya guddi isxilqaan ah oo wasaarada kala shaqeeyo howlaha guud ahaan garoonka ka socda.

Guddoomiyaha guddiga isxilqaan dhismaha garoonka ayaa wasiir Xasan Eeley uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan agabka dhismaha garoonka diyaaradaha xuddur.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabishay wafdi ka socda Hay’adda WHO

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’adda WHO.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo.

Wasiirka ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo Isbitaalka Martiini gudahiisa.

Wasiir Fowsiya waxay la dardaarantay shaqaalaha caafmaaadka Isbitaalka Martiini ayadoo ku boorisay in looga baahan yahay xilligaan adag inay u dhabar adaygaan shaqada una gutaan sida ugu hufan.

Maamulka Isbitaalka, shaqaalaha ayaa har iyo habeen dadaal adag ugu jira Bukaanada COVID-19 ee saacad saacada loo keenayo Isbitaalka ayagoo ugu shaqeeya si bilaash ah.