Home Blog Page 563

15 ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay meel u dhow degmada Cadale

Ciidammada dowaladda oo kaa shanaya kuwa Mareykanka ee Africom ayaa 15 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ku dilay 14-kii iyo 17-kii December, 2022 howlgal ka dhacay meel u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

Taliska Mareykanka ee Africom  ayaa sheegay in howlgalka 14-kii December ee bishan ka dhacay meel 176 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Cadale lagu dilay 7 ka mid ah khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay in 17-kii December ee bishan howlgal kale oo ka dhacday meel qiyaastii 220 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho una dhow Cadale lagu dilay 8- ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa howlgallo dhowr ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan dalka, iyadoona lagu dilay xubno muhiim ah kana tirsan khawaarijta Al-shabaab.

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo gaarey Magaalada Baydhabo

0

Wafdi heer federaal ah oo ay hoggaamineyso wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha qoyska Marwo, Khadiijo Maxamed Diiye ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa wasiirada wasaaraddaha Haweenka ee dowlad gobolleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhoweeyey wasiirka wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ujeedka socdaalka mas’uuliyiinta maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay ka qeyb-galka munaasabadda sanad guurada 4-aad ee madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya…

Duqa Muqdisho iyo safiirka Jabuuti oo ka wada hadlay horumarinta bilicda caasimadda.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Duqa Muqdisho iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Jabuuti ay kaalin uga qaadan laheyd mashaariicda lagu horumarinayo bilicda caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti iyo Shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay uga qeyb qaateen dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha KGS ayaa Cafis u Fidiyay Maxaabiis.

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Ayaa cafis madaxweyne u fidiyay qaar ka mid ah maxaabiis u xirna danbiyada fudud.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis Madaxweyne ufidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo isagoona ka bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista Munaasabada Sanad guurada 4-aad Awgeeda.

Dhalinyaradaan Xabsiga laga siidaayay oo xukuno kala duwan ku xukunnaa Ayaa soo dhaweeyay Go’aanka aay Xoriyadoodi Dib ugu Heleen iyagoona u mahad celiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen

Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaan billaabayna Kacdoon ka dhan ah Musuq-maasuqa”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Mudane Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

nabadoon ka Tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciimada Dowladda

 Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Muxudiin Xasan Juris ayaa goobjoog ahaa goobta lagu soo bandhigay Saciid Xuseen Raage.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomay qorshe howleedka sanadka 2023 ee Wasaaradda Haweenka

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta waxa uu ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadija Mohamed Diriye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Axmed Madoobe Nuunow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saddexda Wasiir iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaha inay xoogga saaraan isla xisaabtan & daahfurnaan iyo qaabkii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyinka wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka Xukuumadda.

Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha ayaa aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay iyo in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan ee ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda.

Mudane Hamza Abdi Barre iyo Khadija Mohamed Diriye

THE PROCESS OF REPORTING WEATHER FORECAST AND CLIMATE CHANGE THAT WAS TRAINED FOR ABOUT 30 JOURNALISTS FROM SOMALIA AND DJIBOUTI.

This seminar was exchange of knowledge, which was extensive and benefited about 30 people including journalists and weather forecasting groups in Djibouti and Somalia, was concluded in Djibouti and lasted for four days.

Icpac-Igad, Norcop and Met Office UK have collaborated in this training, which has great importance for the media and meteorology. through the Horn of Africa scientific process, the EAHW collective hazard warnings, the S-MAP Seasonal Media Planning Process, which enables the media to base their messages and stories on the different seasons of droughts, floods and storms, which are delivered by Meteorologists. and Climate, and make it easier for them to convey to the people what to expect and how to protect themselves from it.

Mr. Abdiwali Suleiman from the Regional Organization IGAD-ICPAC gave a further explanation of the purpose of this workshop for Somali and Djibouti media and thanked ICPAC and NORCAP.

This is 8th country that we have held for such training and it is very important to the media or reporters who are in the first place to report or inform the news that are related to climate change and weather forecasting that affect them, so they should know what they are reporting. to a level where they can explain knowledge about climate change and forecasting closely, they are not those who have been assigned to the news,” said Abdiwali Salad.

Mr Abdiwali also explained the gap between the media in the Horn of Africa and the Somali media and how they can coordinate with each other in reporting on weather forecasting and climate change, through EAHW.

“Somali journalists have another priority, we have other problems to report, which has been going on for the past 30 years, the other issue is the weather, trained journalists and the Met Office in the country, everyone has their own work, when we are in the Horn of Africa. In addition to that, let’s reach out to the journalists who are on the lookout, give importance to reporting and talking about climate change and weather forecasting is a big thing and that is what we are trying to do as ICPAC and our international friends who help us” said Abdiwali Salad.

THE REPORTERS VIEWS

Abdishakur Dayib, who was one of the journalists who have received this training, said that he benefited from the use of weather forecasting and climate change data to present a weather-based system.

“We benefited from three points,” said the journalist. First, to make people understand that Climate Change that is affecting their lives and the process of adaptation. We have had the consistency of weather forecasting news in an informative way that includes dangerous things, we are grateful to the organizations that support this program to improve the knowledge of Somali journalists” said Abdirashakur Dayib

Hidaya Mohamed from Djibouti government media emphasized that she will transfer the knowledge she learned here to the working journalists, which will improve their daily work in forecasting and climate change reporting.

“Personally, I have benefited a lot from being a journalist instead of going through, how to report on climate change, first we look for news to deliver to the community, then we have better training to do the stories. In relation to this issue, how can we talk to the community, political leaders, experts and the process of analyzing the various information that can be secured for its coverage. Since this was very good training, I will share with the journalists who work with me about the weather that we train ourselves to deliver good news to the public,” said Hidaya Mohamed.

The Somali journalists who were trained in Djibouti came from the cities of Mogadishu, Hargesia, Dhusamareb, Baledwayne and Baidoa and work in the media in different parts of TV, Radio and social media.

A report by the humanitarian agencies  and institutions for Climate Changes say, that 5.6 million people are at risk of food insecurity due to drought and conflict-related and displacement-related crises.

By : Abdirashid Nur. Senior journalist and Comms Specialist 

Khawaarijta oo wayday Horjooge muhiim U ahaa (Warbixin).

Bishan waxay ahayd bil si weyn loo gumaaday Kooxda argagaxisada ah ee Khawaarijta, gaar ahaan Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana Ciidamada Qalabka Sida, kuwa Deegaanada iyo Saaxiibada Caalamka oo is garabsanayaa ayaa duullaamo waaweyn ku qaadeen goobo ay iska soo abaabulayeen kooxa khawaarijta, shalay Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis weyn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay, waxaana lala dilay Maleeshiyaad uu isagu hogaaminayay oo tiradoodu gaarayso 87 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, weerarkan ayaa waxa uu dhacay 15-kii bishan.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuullooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe, iyadoo ay Ciidamadu weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan, iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Duullamada joogtada ah ee lagu haayo Kooxda Khawaarijta ah ayaa ka dhigeysaa in ay waayaan meel ay ku gambadaan, waxaa kaloo gabaabsi ka ah cuntada iyo saadka,iyadoo ay u dheer tahay wel welka joogtadda ah, taasina waxaa ugu wacan isu socodkooda oo la xayiray iyo weeraradda joogtadda ah ee lagu hayo, khawaarijta ayey hadda nafta  ka maree intee ka baxnaa meel Alla, khawaariijta ayaa sidoo kale la kulmaya in dadweynuhu u diidaan in ay isticmaalaan Doomihii iyo goobihii ay ka gudbi jireen ee webiga jiinkiisa.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegey inay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, wxuuna tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayaa soo huwaday Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, sidaasi awgeed maanta ay wada garteen Ummaddea Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, isagoo farta ku fiiqay inay lagu kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Madaxweynaha waxa uu ka sheekeeyay siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka !-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad ee uu timaamay ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “ labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan, annagu waa fekernay, doodo iyo falanqeyn  oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku kala qabanay kadib, waxaan isla garanay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ka ku wadnaa”.

Madaxweynaha Jfs oo hadaladaasi qiimaha leh ka jeediyay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen Madaxeynahooda Shacabka ku nool Gobolka Minisota ayaa yiri:-  “Waxa aan kala qeyb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab”.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo jabiyay Khawaarijta, isla markaana uu gabagabo yahay qorshaha looga takhalusayo fikirkooda quracan ee ka dhanka ah diinteena suuban, wuxuuna ku timaamay  Mudane Xasan Shiikh Xaaladda Kooxda Khawaarijta ah Kalluun ama Malaay Biyihii ka gureen.

Isku soo wada xooriyoo 5 sano ka dib, Soomaalida iyo Dunida hadda waxa ay arkaysaa Hogaan Soomaaliyeed oo leh aragti hogaamineed ee cad kuna dhisan aqoon iyo xog-ogaalnimo.

Wasiir Daa’uud Aweys” Dowladdu waxay diyaarisay qorshaha howlgalada iyo xasillinta goobaha la xoreeyay,”.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka warbixiyay howlgalada ka dhanka kooxda Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka iyo horumarada laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga, ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaankana ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyada iyo horjoogayaasha Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaarisay qorshaha howlgalada iyo xasillinta goobaha la xoreeyay.

“ Dowladda iyadoo ka faa’ideysanayo fursadaas waa tan keentay in ay diyaariso qorsheyaal ku saabsan xasilloonida deeganadaas iyo in adeegyada muhiimka ah la gaarsiiyo,” ayuu yiri Wasiirka oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe.