Home Blog Page 563

Madaxweynaha Jubbaland Oo Booqday Jiidda Dagaalka. +SAWIRO.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada darawiishta Jubaland ee ku sugan jiida hore.

Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan jiida hore ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo Caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed.

“Maanta oo kale waa inaan xusuusana kuwa naftooda u huraya dalkeena iyo dadkeena oo nabad hela dhaxanta iyo qoraxdana u taagan sidii kumanaan dadkeena ah ay nabad ugu seexan lahayeen” ayuu Yiri madaxweyne Madoobe.

 

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo argagixisada lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah.

“Sarakiisha Iyo Ciidamada waxaa iiga muuqatay dhiiranan iyo adkaysi badan. Waxaan anaga iyo Dowlada Federaalka ah si wadajir ah uga shaqayn doona sidii loo bilaabi lahaa howlgalo midaysan taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga guulaysan karo argagixisada” ayuu hadalkiisa Raaciyay.

 

RW Hore Ee Jabaan Oo Latoogtay Isagoo Olole Doorasho Ku Jira.

Ra’iisal wasaarahii hore ee dalka Japan ayaa u geeriyooday maanta dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday saakay xilli uu la hadlayay dad shacab ah.

Shinzo Abe ayaa bulshada kula hadlayay fagaare ku yaala gobolka Nara, waxaana rasaaas ku furay nin ku hubeysan qori macmal ah oo uu sameystay sida warbaahinta gudaha dalkaasi ay tabiyeen.

Isbitaal ku yaala magaaladda kashihara oo la geeyay dhaawaciisa ayuu ku geeriyooday, waxaana uu ahaa ra’iisal wasaarahii ugu waqtiga dheera ee soo mara dalkaasi.

DAAWO: Wasiir Dubbe “Khadro waxay ahayd qof Dadkeeda ilaahay jecleysiiyay”.

0

 

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada Somaaliya ayaa maanta Muqdisho kaga Qayb Galay Kulan Duco Iyo Qur’aan Aqris ah oo loogu Duceynayay AUN Fanaanad Khadra Daahir oo Dhawaan Hargaysa ku geeriyootay..

Wasiirka warfaafinta XFS senator Cusmaan Abokar Dubbe Ayaa ka Mid ahaa Mus’uuliyiintii Kulankaasi ka Qayb Galay

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO

Madaxweynaha Qaranka Oo Dalka Dib ugu Soo laabty.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, ayaa ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

“Maalmahaan Barakaysan waxaan Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ugu baaqayaa inay is taakuleeyaan oo ugurmadaan Walaalaha Danyarta ah iyo kuwa Abaarto Saamaysay” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.

 

Iraan oo Xabsiga Dhigtay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Tehran.

Iran ayaa Arbacadii sheegtay in ay xidhay ku xigeenka safiirka UK ee Tehran kadib markii lagu eedeeyay in uu muunado ciid ah ka qaaday gobol lagu sameeyo dhoolatuska gantaalada.

Giles Whitaker iyo dhowr qof oo kale oo ajnabi ah ayaa waxaa xiray ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ka dib markii la go’aamiyay in ay muunada ka qaadeen “goob mamnuuc ah” halkaasoo dhoolatus militari laga sameeyay saxaraha Shahdad ee koonfur bari gobolka Kerman, sida uu sheegay. Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim.

Waxa ay sheegtay in IRGC ay sii daysay muuqaal muujinaya Whitaker oo u dhow goobta.

Muuqaalkan ayaa waxaa baahiyay Telefishinka dowladda Iran, waxaana la sheegay in Whitaker la musaafurin doono.

Kadib Arbacadii, Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa beeniyay sheegashada Iran ee ah in la xiray ergayga labaad ee ugu sarreeya Britain ee dalka.

“Wararka sheegaya in la xiray dublamaasi British ah oo Iran ah gabi ahaanba waa been abuur,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku yiri hadal uu siiyay Sky News.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Kulan Mira dhal laqaatay Madaxweynaha Turkiga+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.
“Waxaan uga mahadcelinyaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadannay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.”
Madaxweyanha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walalohooda Turkiga iyo waliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.
“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta la garab taagan hiil buuxda”.
Dhinaca kale, dowladda Turkiga waxa ay ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah. Sidoo kale, labada dowladood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.
Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.”
Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada.

Madaxweynaha Qaranka Oo Si Maamuus Sare ah Loogu soo Dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.

Madaxweynaha waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkan.

 

Madaxweynaha Qaranka Inta uu Ku Sugan yahay Turkiga Waxaa Uu Kulamo  la qaadan Doonaa Madaxweynaha Dalkaasi igayoona ka wada Hadkaya Xirrirka Kabada Dal.

“Waxaan Kala Hadlaynaa Madaxweynaha Turkiga Xoojinta Xiriirka labada wadan, Dardargalintq Taageerada Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Howlaha Amni Ee Dalkeena Turkigu Ku Gacan Siiyo” ayuu Yiri Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo Qayb ka ah Safarka Madaxweyne Xasan.

 

Madaxweyne Xasan oo Lagu Soo dhaweeyay Qasriga Madactooyada Turkiga.

RW Xamse oo Qaabilay Danjiraha Sacuudiga Ee Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Sacuudiga ayaa ka Mid ah Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxayna Maalmihii Ugu Danbeeyay Door ka qaadanayeen Gurmadka Abaarta Saameysay  Soomaaliya.

 

Rw Hamse iyo Safiirka Sacuudiga.

Wadan Dhaca Qaaradda America Oo Codsi Usoo Diray Soomaaliya +SAWIRO.

0

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diplomaasiyadeed oo Rasmi ah Usoo Dirtay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Addis Ababa – 05 July, 2022: Ku Simaha Safiirka Safaaradda JFS ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda JFS ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb-galay shir madaxeedka IGAD oo maanta ka dhacay dalka Kenya

MUQDISHO,05,07,2022-Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo looga hadlayay nabadda, abaaraha ku dhuftay dalalka geeska afrika,isbebadalka cilimada iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh gobolka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan dadaallada dowladda ee wax ka qabashada arrimaha abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dalka.

Dalalka ka qeyb galay shirka ayaa boggaadiyey isbedelkii dimoqraadiga ahaa ee ka dhacay dalka, iyagoo hambalyo ku aaddan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Shirkaan qodobada looga hadlay waxaa kamid ah xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Dowladdaha Suudaan iyo itoobiya ee salka ku haya arimaha Wabbiga Niil