Home Blog Page 560

Madaxweyne Xasan”Saraakiil loo haysto in ay fududeeyeen Qaraxyada Caasimadda ka dhaca ayaa baaris ku socotaa”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Maxay tahay tallaabada uu u qaaday Mareykanka ee Shiinaha sida aadka ah uga ka careysiisay?

Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta jasiiradda Taiwan.

Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka ayaa timid iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in toban bilyan oo doolar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo amniga iyo hubka.

Wasaaradda arrimaha gaashaandhigga Taiwan ayaa bogaadisay xeerkan isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga jasiiradda Taiwan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Qaabilay Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus. Iyagoo kawada hadlay fulinta mashaariic wax ku’ool ah oo laga fuliyo Caasimadda dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga la xariira Dhismaha Wadooyinka, xarumaha Danta Guud, hirgalinta Warshadaha Wax soo saarka, Shaqa abuurka Dhallinyarada, xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacab keeda kaalinta joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarrinta Caasimadda.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF oo oggolaaday in gobolka Tigray ay tagaan kormeereyaal ka socda Midowga Afrika

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF.

Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xiriirta soo afjaridda colaadda laba sano jirsatay.

Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November.

Heshiiskan oo lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo labo sano ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed.

“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.

Xiriir lala sameeyay, afhayeen u hadlay dowladda isla markiiba ma uusan sheegin sababta ay ugu calaamadisay Manzi, isuduwaha Qaramada Midoobay ee Burkina Faso, “persona non grata” oo ay ka dalbatay inay baxdo Jimcihi ishalay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaan isna isla markiiba ka jawaabin codsi ah inuu faahfaahin ka bixiyo ceyrada Manzi.

Burkina Faso oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa waxaa ka socda kacdoon ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ISIS, kuwaas oo dilay kumannaan shacab ah, ayna ka abuureen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee qaaradda sida xawliga ah u sii kordhaya.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa barokacay oo degan xeryo cooshado ka sameysan, oo badi ay maamusho Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku yaal baadiyaha oomanaha ah.

Rabshadaha, oo soo jiitamayay muddo ku dhow toddobo sano, ayaa ka dhacaya waqooyiga iyo bariga, taasoo curyaamisay dhaqaalaha maxalliga ah, oo sababay gaajo ballaaran, isla markaana xaddiday helitaanka hay’adaha gargaarka.

Reuters.

Masuuliyiin iyo saraakiil Ciidan oo kormeer ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe

0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka xoogga,Sanatar Afcadey, Taliyaha ciidanka dhulka, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiiri galin ah ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe.

Masuuliyiinta ayaa maalmahaanba kormeer ay ugu kuur galayaan xaaladda deegaanadii Cadowga laga xoreeyay ku marayay deegaano gobolkaas ka tirsan.

Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay.

Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta.

Eedaysanaha oo da’diisu lagu sheegay 69 jir ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska.

Maamulka ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d’Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis.

“Waa argagax, waxaan isku soo xirnay gudaha,” ayuu yiri mid ka mid ah dukaanleyda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Qof goob jooge ah ayaa sheegtay in ay maqashay todobo ilaa sideed xabadood oo qarxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in howlgalka Xoreynta uu dhawaan ka bilaabanayo Koofur galbeed iyo Galmudug.

Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Maxamuud ayaa Maanta Khudbad dhinacyo badan tabaneysa waxa uu ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Isaga oo hadalkiisa diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweyne Hassan ayaa ugu horeeyn Cambaareeyey dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay isaga oo ku baaqay in miiska wadahadalka lagu dhameeyo xiisadaas.

Dhanka kale Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaalka Al-shabaab ayaa sheegay in dhawaan howlgalo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab laga bilaabay deeganada Maamulka KGS isaga oo xusay in ciidamadii qaadi la ahaa howlgalkaas qaar kood la geeyey deeganada maamulkaas halka kuwa kale la dhamestiri doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in isna deganada Galmudug laga bilaabayo howlgal lamid ah midkaan oo ka dhan ah khawaarijta AL-Shabaab.

Guddoomiyaha BFS oo si kulul uga hadlay dagaalkii Baydhabo ka dhacay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dagaalada ka socdo magaalada Baydhabo, isagoo dhinacyada dagaalamaya faray in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqada Maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo u tacsiyadeeyay ku dhintay dagaalka.

Halkaan kala Akhriso

Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Gaaray Deegaanka Al-kowsar

0

Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka dhulka iyo Wasiir-Dowlaha Gaashaandhigga ayaa maanta kormeeray Magaalada Al-kowsar ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Wefdiga taliyaha ayaa waxaa Al-Kowsar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo Qeybaha Bulshada magaaladaas.

General Odawaa ayaa Bulshada Reer Kowsar uga mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo sida Ciidamada ugu garab istaageen in Khawaarijta laga Ceyriyo magaalada.