Home Blog Page 558

Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Tansaaniya Iyo Angoola “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya Dhankiisa.

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Mudane Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga Dhaqaalaha, Maalgashiga, Diblomaasiyadda iyo isu-socodka. Isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee Qaaradda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka Dalka “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan habraacyada u degsan hannaanka doorashada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Turkiga uga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan CXD

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga.

Intii munaasbadda Socotay Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga XFS Avv. Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ka tirsan Ciidanka XDS ee Tababarka usoo idlaaday, gaar ahaan Saraakiisha muujiyay howlkarnimo iyo dadaal intii ay ku jireen Akadeemiyadda.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS.

Wasaaradda Shaqada oo dalbatay in la talaalo dhammaan shaqaalaha dowladda

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda ugu wargelineyso inay talaalaan shaqaalahooda, maadaama ay sii kordheyso khatarta cudurka Covid19.

Sidoo kale warqada wasaaradda waxaa lagu cadeeyey in shaqaalaha aan la fasixi karin xilligaan oo ay khasab tahay inay xaadiraan xafiisyada oo shacabka ay u shaqeeyaan.

“Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan hey’adaha dowladda in guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda uu wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay u qaadan lahaayeen talaalka Covid19,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Hoos ka akhriso

Wasiir Dubbe oo shaaciyey hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu yiri wasiir Cismaan Abokor Dubbe.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday nin ka tirsanaa jiray Daacish

Cabdisamad Ibraahi Cumar  oo magiciisa  Afgarashadu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka soo tirsanaa ilaa 2016.

Cabdisamad ayaa ku dhashay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, waxuuna go’aansaday ku biirista Daacish isaga oo jooga Nairobi.

Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Gal-gala, tababbarkiisii ugu horreeyay waxa uu  ku qaatay meel lagu magacaabo Il iyo Camaaro, waxa uu kamid noqday koox jabhad ah oo arbushaad ka sameyso dhulka bari ee Puntaldn, wixii intaas ka dambeeyay kooxda ayaa go’aamisay in lagu daro qaybta warbaahinta oo loo diyaariyay in uu noqdo Muuqaal Duube.

Waxa uu u sheegay hey’adaha baarista in uu ahaa Muuqaal duubihii dagaal ku dhex maray Daacish iyo Alshabaab Muraale December 2018 iyo sidoo kale Baar-Gaalle oo isna dhacay March 2019, dagaalladaasi oo tirada la wariyay ee dhimasha iyo dhaawac ee kala gaaray kooxaha Argagixisada lagu Ogaaday in ka badan 30-Maleeshiyaad ah.

28 june ayay iska soo wareejiyeen hay’adaha dambi baarista kadib baaritaana dheer oo ay ku sameeyeen Eedeysanaha, waxa ayna xilligaasi ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta si’uu u mariyo habraaca Dacwadda.

Xafiiska ayaa isla xilligaasi ka codsaday Garsoorka Ciidamada  in xabsiga-Dhexe  lagu hayo Cabdisama Gar-suge ahaan, bartamihii july ayaa loo ballamay fadhigii ugu horeeyay Eedda ka dhanka ah Cabdisamad Ibraahim Cumar.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda sida uu ugu biiray Daacisho Eedeysanaha iyo Raggii kale ee fikirkan ay ka soo wada Xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibbadiisa ay dagaallo u aadeen Liibiya ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntalnd ee loogu tala galay la dagaalnka Argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta Eedeysanaha oo ku dhaawacmay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.

Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama  uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan 30-cisho gudaheed.

Dadaallo lagu xalinayo colaad u dhaxeysa beelo walaalo ah oo ka bilaawday G/Nugaal

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Nugaal waxay sheegayaan in maanta ay socdaan dadaallo xoog leh oo lagu xalinayo dagaal beeleed khasaare culus geystay oo shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Saaxmaygaag oo dhaca galbeedka gobolka Nugaal.

Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, oo soo kala gaaray dhinacyada maleeshiyaadka labada beelood.

Beelahaan ayaa la sheegay in ay horay ugu dirireen deegamaynta dhulka, waxaana hadda socda dadaallo nabadayn ah oo la doonayo in lagu soo afjaro isku dhacyada labada beel.

Nabadoon Khaliif Aw Cali oo ka mid ah guddi uu maamulka Puntland u saaray nabadaynta beelahaas ayaa sheegay haatan ay ku dadaalayaan sidii loo baajin lahaa in dhiig dambe uu ku daato halkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Ankara  ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga Turkiga.

Wasiirka ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiir Xasan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay dowladda Turkiga ku tababareeyso ciidamada Soomaaliyeed ee Gorgor iyo Haramcad.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxuuna Turkigu Soomaaliya u tababaray kumanaan askari oo ka kala tirsan ciidamada militeriga iyo booliska gaarka ah ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada PMPF-ta Puntland oo fuliyey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF  ayaa hawlgallo qorshaysan saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey dhulka Buuraleyda ah ee ku yaalla gobollada Bari iyo Sanaag, gaar ahaan deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan.

Deegaanadaas waxaa la sheegay in mararka qaar ay weerarro ka geysan jireen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

War kasoo baxay Ciidamada badda Dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa lagu yiri, “Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah.”

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ay howlgalkooda ku gaareen degaannada Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Shir looga hadlayey Istaraatiijiyadda Sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cuntada oo Muqdisho  lagu soo geba-gabeyay “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu soo xeray kulan looga hadlaayay Istaraatiijiyadda Sare-uqaadista isticmaalka Gaaska Cuntada kaas oo ay ka qeybagalayeen Mas’uuliyiin Matalayay Hay’adda Dowladda , Dowlad Gobaleedyada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee iibiya Gaaska Cuntada.

Xeritaanka kulanka Waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xubno ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana agaasinka kulanka iska-kaashaday Agaasinka Deegaanka iyo Cimilada Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Deegaanka ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee kulanka joobjoogga ahaa mudadii uu Socday , Waxa kaloo si qota dheer uu ugu hadlay Xoojinta wada-shaqeynta Laamaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsata si loo illaaliyo deegaanka , Shacabkana u helaan Gaas qiimo jaban oo tayo leh,

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa kula dardaarmay dhaqan-gallinta Habraacyada iyo Sharciyadda Wasaaradda ay u dajisay Hagidda Ganacsiga iyo Ganacsata ee ku qotama Gaaska ,isagoo xusay in ay ku garabsiinayaan ganacsata wax walba oo suurta-gal ka dhigi kara in qiimo jaban oo macquul ah ay ku helaan shacabka Soomaaliyeed Gaaska Cuntada .