Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ciidda masiixiyiinta ee kirismaska ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen ilaa iyo dhowr iyo soddon qof.
In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa wajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay wajahayaan koronto la’aan.
Ciidaamda ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan.
Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan aysan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda.
Nin wacay booliska si uu uga cawdo buuqa firinjeerka gurigiisa yaalla ayaa ka mid noqday liiska wicitaanada yaabka dhaliyay ee ay daaha ka qaadeen Booliska Leicestershire ee dalka Ingiriiska.
Saraakiishu waxay daaha ka qaadeen tusaalayaal wicitaanada aan habboonayn ah kuwaas oo wacay namabrka loogu talagalay inay dadka isticmaalaan marka ay xaalad degdeg ah jirto.
Booliska ayaa sheegay in sanadkan ay heleen in ka badan 187,000 oo cabashooyin ah.
Cabashooyinka ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa qof wacay boolis oo sheegay in gurigeeda uu dhibaato ku hayo duqsi xilliga xagaaga.
Supt Steve Durrant wuxuu yiri: “Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa wacaya 999 iyaga oo aan ogeyn inay wacayaan adeega degdega ee booliska.
Howlgalo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska Haramcad kaas oo lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko ayaa waxay ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan.
Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka.
Weerarada ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kherson tan iyo markii ciidamada Ruushka laga saaray bishii hore.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo farriin soo diray xaley, wuxuu sheegay in duqeymaha Ruushka aysan waxyeello u geysan doonin waxa uu ugu yeeray dadka reer Ukraine ee aan gabban.