Home Blog Page 554

Wasiirka Gaadiidka XFS oo Lakulantay Safiirada Ingiriiska iyo Imaaraadka.

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulamo gaar-gaar ah ku qaabbishay safiirrada waddamada Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa Amb. Kate Foster, Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka Carabta , Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi waxaa ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

0
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hortabinaneeda ka mid tahay ladagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha xasillinta.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shacabka Xudur oo Hubka U Qaatay Iska Xoreynta Alshabaab. (SAWIRO)

kacdoon ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka bilaabmey magaalada Xudur lagana doonaayo in bulshada ay iska dulqaadaan dhibaatooyinka Cadowga qeybna ka aba Baraarug bulsho oo kasocda gobolada dalka.
Howlgalkaan oo ujeedkiisu yahey in Shacabka kunool magaalada Xudur iyo deegaanada u dhow laga qaado, lagana xureeyo haraadiga Argagaxisada ee sida dhuumaaleysiga ah u dhibaateeya Bulshada, waana hadafka koowaad ee maamulka Degmada Xudur uu muhiimad gooni ah u siinaayo la dagaalanka Argagaxisada, si bulshada mudada dheer kujirtey dhibaatooyinka ay uga noolaadaan nabadgelyo.
Kacdoonka shacabka ee kaashanaya Ciidamada Qaranka ayaa ka Socday Qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka, Waxayna Tani Noqon doonta Ciribtirka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Al-shabaab oo lagala Wareegay Deegaano ka Tirsan Hiiraan (SAWIRO).

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya xoogaga dib u xuraynta deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa lawareegay deegaanada Tardo iyo Mabaax.
ciidanka aya la wareegay deegaanadaan kadib markii Maleeshiyaadka Argagixidada Alshabaab ay isaga carareen waxana Ciidamada is garabsanaya ay haatan kaabiga ku hayaan Degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,
Degmada Aadan yabaal ayaa ah Fariisinka ugu weyn ee alshabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha dhexe. waxaaana socdal Howlgalo cir iyo dhul ah oo ku wajahan halkaasi.
Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse
deegaanada Tardo iyo Mabaax

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno hoostaga Aadanyabaal.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta waxaa ay howlgallo ka sameyeen degaanka Qooxle oo u dhow Aadanyabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen maleeshiyaad haraadi ah oo ka soo firxaday degaanno dhawr ah oo laga fara maroojiyay.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa waxaa ka go’an  in guud ahaan gobolada dalka laga saaro maleeshiyaadka Khwaajirta Al-Shabaab ee cadeeystay daadinta dhiiga dadka marista iyo boobka hantidooda.

Howlgaladan ay ciidamada ka sameyeen degaanka Qooxle ayaa qeyb ka ah balaarinta fariisimada ciidamada, si gabi ahaanba gobalada dalka looga sifeeyo maleeshiyaadka argagixisada ee xasiloonida u diiday shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Magaalada Kampala kaga qayb galay shirka khilaafaadka dhulka.

0

[DAAWO+SAWIRRO] Madaxweynaha JFS oo maanta qaabilay Xoghaya guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

 

“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

 

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho’ Oktoobar 25,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo 15 cisho ah oo uu ku kala bixinaayay qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan

0

Muqdisho, Oktoobar 25, 2022; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

 

Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.