Home Blog Page 554

Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeeray dugsiga tababarka Ciidanka ee jeneraal Gorda

0

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa maanta kormeeray dugsiga tababarka Ciidanka ee General Gorda.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha dugsiga waxuuna  ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha dugsiga isagoo faray in la dar-dar galiyo shaqada dugsiga haayo ee tababarka ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Midiwga Yurub Iyo Shiinaha “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann iyo dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhankiisa, Danjiraha  Cusub ee Dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Xi Jinping ayaa soo bandhigay in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is-ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah u daah furtey Tallaalka ka hortagga COVID-19 “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u dah furtey Tallaalka ka hortagga Cudurka COVID-19 ee Nocyada ASTRAZENECA iyo J&J

Daahfurka Tallaalka waxaa ka soo Qeyb-galey Ku-simaha Madaxweynaha Koomfur Galbeed ahma Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka. Wakiilo ka kala socdey Hay-adaha SOS.iyo WHO.iyo Mas’uuliyiinkale.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed  ayaa Xiligan wadaan Qorshooyinkii Tallaalkan lagu gaarsiin lahaa Dhammaan Degmooyinka Koonfur Galbeed si looyareeyo Faafitaanka Cudurka COVID-19.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Puntland oo la kulmay Madax ka socoto UNICEF “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Cabdulle ayaaa kulan la qaatay Madax ka socota Hay’adda UNICEF oo uu hoggaaminaayo Madaxa barnaamijka dhowrista Dhallinyarada ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda kulankan ayaa looga hadlaayey Mudnaanta tubta horumarinta Dhallinyarada Puntland, Sidii loogu Samayn lahaa shaqo abuur, Barista Xirfadaha, awood siinta Dhallinyarada, u qareemida Dhallinyaradda iyo siday ugu qeyb qaadan lahaayen dhallinyarada horusocodka tubta Democratization ka Puntland.

Sidoo kale waxaa Xoogga lagu saaray inta uu kulanka socday kor uqaadista wada shaqaynta Wasaaradda iyo UNICEF.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa agaasime Waaxeedada Dhallinyaradda, Xirfadaha iyo Shaqo abuurka, Qorshaynta iyo Sharciyada.

Duqa Degmada Gaalkacyo oo kormeeray suuqa weyn ee Magaalada “SAWIRRO”

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay Weheliyaan Guddoomiyaha Xaafadda Horumar, Agaasimayaal iyo Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa Kormeeray Suuqa Weyn  Gaalkacyo oo Dowladda Hoose ay Shaqo Fiican ka qabatay.

Maayarka ayaa booqday Waddooyinka Suuqa dhex Mara oo  Ganacsatada iyo Maamulka oo is kaashanaya ay dhigeen Interlock wuxuuna Ganacsatada kula dardaarmay in ay badqabka iyo nadaafadda mar kasta kala shaqeeyaan Dowladda Hoose Canshuurtana bixinteeda joogteeyaan si Horumar barlaaray loogaaro.

Duqa Caasimadda oo Kulan la qaatay Madaxda Dugsiyada Gobolka Banaadir

0

Guddfoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Kulan Kula Qaatay Madaxda Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar ayaa Madaxa Dugsiyada Gobolka Banaadir kala hadlay tayeenta Waxbashada, dar-dargalinta, Hormarinta Waxabarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo baaq u diray beelaha walaalaha ah oo ku dagaalamay qeybo kamid ah Gobalka Hiiraan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay Madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo tababar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo faah faahiyay Tababar loo furey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Tababar Aqoon kororsi ah u furtay 35qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas iyo Ururuda Bulshada.

Tababarkaan oo socon doono muddo labo cesho ah ayaa waxaa bixinaya khuburo ka socdo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta iyo Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saari doono la tacaalidda iyo ka jawaabidda xaaladaha dabiiciga ah, sida Daadadka,Duufaannada, Guryaha dumay, Dab-kacay iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Mudane Diini Cabdinuur Maxamed oo la hadlay Radimuqdisho ayaa sheegay in sidoo kale la hirgelin doono Xarunta gurmadka deg-deg dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed, isla markaana lagu xiri doono xarunta Gurmadka deg-dega ah ee heer Federaal.Waxa uu sheegay in sidoo kale la ballaarin doono xarumaha la tacaalidda Musiibooyinka dabiiciga ah, lana gaarsiin doono dhammaan Magaalooyinka Koofur Galbeed, tababarkaan uu yahay mid arrintaas lagu xoojinayo.

Ugu dambeyntii Agaasime Diini Cabdinuur Maxamed ayaa ku baaqay in muhiimad gaar ah la siiyo Barnaamijyada noocaan oo kale, isagoona u sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha ay inta badan ku soo laab-laabtaan Abaaraha, Fatahaadaha, Ayaxa iyo wixii la mid ah.

Kulan looga hadlayay isku xirka adeeg bixinta oo lagu qabtay Boosaaso “SAWIRRO”

0

Kulan looga hadlayey isku xirka adeeg bixinta heer degmo oo ay soo qaban qaabisay dowladda Hoose ee degmada Boosaaso oo kaashaynaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dimuqradiyadda maamulka Puntland iyo UNICEF/JPLG ayaa maanta ku qabsoomay hoolka dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka magaalada Boosaaso, ku xigeenka gobolka bari, saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha gudaha  Maamulka Puntland, isuduwayaasha Wasaaradda ee heer gobol iyo madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa lagu lafa guray waxyaabihii uga qabsoomay magaalada Boosaaso iyo qorshayaasha u baahan in la dhamaystiro.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda CQS inay baaritaan ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.