Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.
[DHAGEYSO]Maamulka Jubbaland oo digniin adag u diray kooxo ku howllan xaalufinta deegaanka
MUQDISHO-23-7-2022-:Maamul goboleedka jubbaland ayaa deeganada Maamulkaas waxa uu ka Mamnuucay Jarista dhirta iyo shidida dhuxusha kaas oo deegaanka xaalufweyn ku ah .
[DHAGEYSO]Guddoomiyaha Deegaanka Yeed oo dhawaan Argagixisada Al-shabaab weerartay oo sheegay in qasaaro badan uu ka dhashay dagaalkii Halkaas ka dhacay
MUQDISHO-23-7-2022-:Guddoomiyaha Deegaanka Yeed ee gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaalo culus oo sadax maalin ka hor ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaara ah gobolka bakool kuwaas oo kala ah Yeed,Aato,iyo washaaqo kuwaas oo dullaan ku qadeen Argagixisada Al-shabaab.
Madaxweynaha Qaranka Oo Ka Qayb Galay Xiritaanka Shirka Wadamada Bulshada Bariga Africa.(SAWIRO).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.
Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyneyaasha, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Mudane Yoweri Musseveni, Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, kala qeyb galay furitaanka jid halboowle ah oo lagu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Maxkamadda Cadaado Oo Xukun ku Riday Dhalinyaro Lagu Qabtay Maandooriye.
Maxkamadda Degmada Cadaado ayaa xukun min hal sano oo xarig ah ku ridday laba dhallinyaro ah ,kadib markii laba cisho ka hor lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada boliiska oo ka dhacay deegaanka Ballisonkor ee Galmudug.
Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabo Xuseen Axmed C/laahi iyo Xasan Xuseeen Cumar,ayaa la soo qabtay xilli ay wateen gaari ay ka buuxeen 17-kartoon oo khamri ah iyo laba qori oo AK ah.
Guddoomiyaha maxkamadda degmaga Cadaado C/casiis Ciise Cali iyo taliyaha saldhigga ciidanka boliiska ee Cadaado Maxamed Cadceed ayaa goobjoog ka ahaa xukunkaasi min halka sano ah ee lagu xukumay dhallinyaradaasi.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dhallinyaradaasi ay bixiyaan ganaax dhan 5-boqol oo doolar,waxaana,sidoo kale,duleedka Cadaado lagu burburiyay 17-kii kartoon ee khamrada ahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Gaaray Magaalada Arusha Ee Dalka Tansaaniya (SAWIRO)
Madaxweynaha Qaranka Oo U Safray Dalka Tansaaniya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.
Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
RW Xamse oo Laamaha Amniga Ku Amray inay Jawaab ka Bixiyaan Falalka Argagixisada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.
Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.
Soomaaliya Oo Ku Biiraysa Dalalka Bulshada Bariga Africa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.
Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.
Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.
Maxkamadda Ciidanka Oo Xukun Dil ah ku Riday Askari Dilay Qof Danyar Ah.
Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” ayaa loo soo xeray Dilka Allah Unaxariiste Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April Sanadkan.
Galab, Bishii Ramadaan ee ina dhaaftay ayuu marxuumka u dhintay Xabad uu si kas ah ugu Dilay Gaduudow Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.
25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.
Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.
Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.
Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.















