Home Blog Page 552

[SAWIRO]Xaalad Abaareed aad u adag oo ka taagan miyiga degmada Bandar-Bayla.

0

MUQDISHO-24-7-2022-:Miyiga degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari iyo deegaanaada hoos yimaada waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ka jirta ay isu bedeli rabto macaluul, ka dib markii ay tiro badan oo dad ah ay ka le’edeen dhamaan xoolihii ay haysteen, kuwaas oo horseeday in ay u barakacaan oo ku xeroodaan tuulooyinka.

Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay Gobolka Awdal

0

Muqdisho-24-7-2022-:Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Deegaanka Dila ee Gobolka Awdal ee Maamulka Soomaliland.

[DHAGEYSO] Al-shabaabkii weeraray Dawlad Deegaanka Soomaalida oo laga dilay in kabadan 100 Xubnood ,lana soo afjaray

Muqdisho-24-7-2022-:Xilli maalmihii aan soo dhaafnay Dagaalo Culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladd Deegaanka gobolka Soomalida Itoobiya ee liyuu Boolis iyo Argagixisada Al-Shabaab uu ka socday deegaano katirsan gobolka Afdheer oo dhaca xaduud Beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Gobolka Bakool iyo Gobolka Soomalida Itoobiya ayaa waxaa War murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida looga hadlay dagaaladaan.

[DAAWO]Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo maanta ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka dugsiga dhexe ee deegaanada Jubbaland.

MUQDISHO-23-7-2022-:Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Maamul goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe ee Jubbaland.

Madaxweyne Putin oo qaaday tallaabo dhabar jab ku ah Erdogan

MUQDISHO-23-7-2022-:Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay dekad muhiiim ah oo ku taalla Ukraine, maalin uun kadib markii xukuumadaha Kyiv iyo Moscow ay gaareen heshiis muhiim ah oo dib loogu billaabayo dhoofinta qamadiga.

Madaxweyne Dani oo u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade)

0

MUQDISHO-23-7-2022-:Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Puntland Mudane  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug dhanka puntland .

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SAFAR SHAQO UU KU TAGAY DALKA TANSAANIYA

0

Muqdisho, 23, 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.

 

Booliska Soomaaliya oo beeniyey Afduubka laba Gabdhood oo walaalo ah kuwaas la sheegay inuu ka dhacay Dagmadda Deyniile

0

MUQDISHO-23-7-2022-Afhayeenka Ciidamada  Booliska Soomaaliya oo shirjiraaid ku qabtay Muqdisho ayaa beeniyay afduubka labo gabdhood oo walaalo ah oo maalmo ka hor sheegay in laga fuubtay xaafad ku taala degmada deyniile.

[DHAGEYSO] Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay xadka itoobiya iyo Gobolka Galgaduud

MUQDISHO-23-7-2022-:Qarax nuuca miinada ah oo  dad badan oo isku qoys u badan  ay ku dhinteen ayaa  maanta ka dhacay xadka ay wadagaan Gobolka Galgaduud iyo dalka Itoobiya  si gaar ah deegaanka Dhabad.

Ruushka iyo Ukraine oo kala saxiixday heshiis ay garwadeen ka ahaayeen QM iyo Turkiga.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.