Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socday Hey’adda IOM oo uu Hogaaminayay Mr. Bradley David.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka isagoo warbixin la xiriirta xaaladda barakaca dalka iyo qorsheyaasha Hay’adda u deggan ka dhageystay mas’uuliyiin ay hoggaamineyso guddoomiyahooda Aamina Saciid.
[SAWIRRO] Mudanayaasha Aqalka sare oo maanta mar kale ka dooday Xeer hoosaadka golaha.
Ra’iisul Wasaare XFS oo maanta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar.
Xabad joojintii uu Putin ku dhawaaqay ee dhagaha laga fureystay
Xabbad-joojintii uu Ruushku ku dhawaaqay ee Ukraine ayaa dhammaatay inkastoo wararku sheegayaan in muddadaas soddon iyo lix saacadoodka ahba uu weerarka kala duwan ka socday qeybo kamid ah Ukraine.
Duqeymo hore leh ayaa weli ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, saraakiisha Ukraine waxay shegeen in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay magaalada Kharkiv.
Sidoo kale qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalooyinka Zaporizhzhia iyo Melitopol ee dhaca waqooy bari dalkaas.
“Holaca” ka dhashay madaafiicda ayaa kuu sheegaya inaad ku dhowdahay mid ka mid ah qaybaha ugu halista badan ee jiidda hore ee bariga Donbas ee Ukraine.”
Waxa ay sidoo kale muujinayaan in xabad joojinta 36-ka saac ee uu Ruushka ku dhawaaqay ay tahay magac kaliya ah.
“Waxay ballan qaadeen inuu jiri doonto xabad joojin, laakiin ma taasi aragno mana dareemayno,” ayuu yiri Oleksandr, oo ah askari ka tirsan ciidamada Ukraine.
Wax yar ka dib , madfac ayaa ku soo dhacay meel 50 mitir u jirta meesha uu ka hadlayo Oleksandr.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in soo jeedinta Vladimir Putin ee xabbad joojinta lagu xusayo ciidda kirismaska ee madhabta Orthodox ay khiyaano ahayd.

Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaallada dalka Ukraine
Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Japan, Ambassador Kimihiro Ishikane ayaa ku dhawaaqay in bishan January 13-da la qaban doono Shir looga hadli doono Ammaanka iyo Nabadda ee dalka Ukraine.
[DAWO] Wiilkaaga iyo qorigiisa nagu wareeji si uu noogu dagalamo hadii uu wax ku sameyana adaa masuul ka ah
Maxkamadda Ciidamada oo dhageysatay dacwadda Sarkaal Ciidan oo loo haysto Qaraxyo Argagixisanimo
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay dacwadda loo heyso Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sarkaalkan ayaa wajahaya eedo la xiriira qaraxyo dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah ku dhinteen, kuwaasi oo dhacay magaalada Muqdisho.
Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo bandhigay in ninkan uu ku biiray Khawaarijta Al-shabaab, isla markaasna uu fududeeyay qaraxyo lagu laayay dad aan waxba galabsan, kana dhacay magaalada Muqdisho sannadkii 2019.
Xeer ilaalinta ayaa xustay in Kabtan Shariif uu ku biiray Khawaarijta, ka dib markii laga qaaday Xilkii uu ka hayay Ciidamada Xoogg dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida darajada 1-aad, Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, isaga oo sheegay in ay Maxkamadda go’aan ka soo saari doonto.
Ciidamada Amniga Beledwayne oo qabtay dhagar qabe aasayay Walxaha-qarxaha
Hay’addaha Ammaanka Beledweyne ayaa maanta gacanta ku soo dhigay, dhagar qabe waxyabaha Qarxa ku asayay wadad xiririsa magaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Amniga ayaa ku guulleystay in gacanta lagu soo dhigo ninka oo qalabka qarxa galinayay wadada marta deegaanka Bacda ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan.
Dhagar qabaha ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Taliska Booliiska magaalada Beledwayne, halkaasi oo uu ku wajahayo baaritaano dheeri ah.
Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga ficilada guracan ee Khawaarijta oo lagu jabiyay dagaalka, lagana qabsaday deegaanno badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lata-liyaha la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.
Cabdullaahi ayaa soo noqday Wasiirka Amniga XFS sanadkii 2021 xillligaas oo ay shaqeyneysa Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
