Home Blog Page 548

Rw Xamse Oo Booqday Xarunta Isgaarsiinta Jabuuti.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen waxaa la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti..

Wasir Fiqi oo QM kala Hadlay Taakulaynta Dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wasiiru dowlaha mudane Ilyas Ali Hassan ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan gaar ah kula yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, ee qaabilsan iskuduwista arrimaha gargaarka iyo banii’aadnimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray xasillinta, iskudubaridka gargaarkaa, howlaha banii’aadnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay hortabinnada xukuumadda, howlaha xasillinta ee dalka gaar ahaan goobaha laga xoreeyey Khawaarijta iyo arrimo kale.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu ku dheeraaday xaaladda abaaraha, sida ay wasaaradiisa uga go’antahay iskuduwista gargaarka iyo howlaha banii’aadnimo iyada oo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka loo marayo hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Dhankiisa, ku xigeenka xogheyaha guud ee Soomaaliya Mr.Adam Abdelmoula oo isna kulanka ka hadlay ayaa wasiir Fiqi iyo wasaaraddiisa ku ammaanay bahwadaagnimada iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hey’adaha UN-ka isaga oo intaa raaciyey in ay ka go’antahay ka qaramada midoobey ahaan inay ku shaqeeyaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda sida xasiilinta, gargaarka iyo howlaha banii’aadnimada.

 

Khawaarijta Oo Lagala Wareegay Wabxo.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo 15 sanno ka badan ay shacabka ku dhibaateyn jireen argagixisada.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.

Sidoo Kole Wasiirka Gaanshaandhigga XFS abduqaadir Mohamed Nuur Jaamac ayaa Xaqiijiyay Lawareegidda Deegaanka Wabxo Wuxuuna Qoraal oo Bartiisa Facebook Ku Qoray Ku Xusay in Alshabaab isaga Carareen Deegaanada lagala Wareegay.

“Carar badnaa Khawaarijtu, Guulaysta Geyshkayagoow” ayuu Yiri Wasiirku.

Gobolka Galgaduud alshabaab waxaa kaga Furmay Dagaal 3 Jiho ah oo aysan u Babac Dhigi Doonin Awoodda Gulufka Xoogga Dalka iyo Kacdoonka Shacabka Is Abaabulay.

Gabar Soomaali ah Oo Taarikh U Dhigtay Doorashooyinka Maraykanka.

Zaynab Mohamed oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee madow ah ee loo doorto senate-ka Minnesota

MINNEAPOLIS – Zaynab Mohamed ayaa noqoneyso Haweeneydii ugu horeeyay ee madow ah ee loo doorto senate-ka gobolka Minnesota ilaa iyo markii ay Minnesota gobol noqotay 164 sanno ka hor.

Zaynab Mohamed ayaa caawa ku guuleystay kursiga iyo xilka ay loolanka ugu jirtay ee ka dhacay magaaladda Minneapolis.

Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar

Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Ilhan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-Amerikan ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.

Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay

Raisulwasaare Hamse oo kulan la qaatay dhigiisa Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Shirka Isbadalka Cimilada Aduunka oo ka dhacay Masar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsaday sidii looga hortagi lahaa maalgalinta argagixisada

0

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsaday sidii looga hortagi lahaa maalgalinta argagixisada.

Gen. Odawaa ” waxaa la idinka rabaa inaad gudataan Waajibkiinna, waxaa idin sugaya Dad iyo Dal”.

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle wuxuu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Raisulwasaare Hamse Abdi Barre oo gaaray Dalka Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

 

Madaxweynaha Puntland oo dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad lagu soodhaweynayey taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulank