Home Blog Page 548

Koofur Galbeed oo war kasoo Saartay Geerida Wasiirkii Cadaaladda Oo Qarax lagu Dilay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed oo maanta Argigixisada Alshabaab ay ku Dileen Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu Xilalka kala Duwan uu qabtay sida uu ugu Adeegay Bulshada Soomaaliyeed,hada oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaagsan uga qeyb qaadanayey U-adeegida Bulshada Koonfur Galbeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu ubooga dhayo

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Howl-galada Ka Socda Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal kutalagal ah oo la doonayo in lagu xaqijiyo xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka kale ee dalka.

Taliyaha Ciidanka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meel wanagsan ay marayaan howlgalada ciidanka ee la dagaalanka muqaadaraadka iyo kan samakaab ee ka socda caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Taliye Xijaar ayaa caddeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay xoogga la saaray degmooyinka ay ku badan yihiin falalka xasilooni darada ah ,sidaa daraadeedna howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay in ka badan 4-boqol oo ruux .

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xusay in lagu guuleystay la dagaalanka  muqaaadaraadka,wuxuuna dhinaca kale codsaday in shacabka,gaar ahaan waalidiinta ay ciidanka kala shaqeeyaan amniga caasimadda iyo kan gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa u mahadceliyay guddoomiyaasha iyo taliyaasha ciidanka ee degmooyinka gobolka Banaadir,isagoo uga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga

Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo deeq Dawo ah gaarsiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Magaalada Baydhabo

0

Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo kamid ah senetorada aqalka sare ee dalka ayaa maanta gaarsiiyay deeq caafimad cisbitaalka dhimirka ee magaalada baydhabo.

Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Golaha Shacabka Oo Isbitaalada Ku Booqday Dhaawacyadi Marka. (SAWIRO)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaan ka geyateen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Meelaha uu booqday guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka waxaa ka mid ah ICU-da isbitaalka Digfeer oo ah qeyb la geeyo dhaawacyada ay xaaladoodu darantahay,waxaana dhaqaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaalada bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hada ula tacaalaan.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay,islamarkaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.

 

Agaasimaha Sirdoonka Oo Isbadal Ku Sameeyay Mushaarka Nabad Sugidda.

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo kor u qaaday Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo la magacaabay 26-kii May 2022, ayaa durba kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeenada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Agaasime Mahad oo goobjoog u ahaa duruufaha hareeyay Saraakiisha iyo Ciidamada NISA ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga golleeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen.

Hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA:

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Taliska Booliiska Galkacyo Oo Dib U Celiyay agab samafal dhawaan laga soo xaday dagmada Caabudwaaq (SAWIRO)

0

Duqa dagmada galkacyo ayaa maanta ku wareejiyay wasaarada caafimaadka Galmudug agab samafal oo dhawaan laga soo xaday dagmada caabudwaaq ee gobalka galguduud kadib howlgal lix maalmood qaatay oo ay oo sameyeen taliska ciidanka Boliiska Dagmada Galkacyo ee Dowlad Galmudug kaas oo suurta galiyay in ay dib usoo qabtaan 760 Bundadood oo kiiba ay ku jiraan 50 marakaneeco

Agabkaan oo 1501 bundadoood guud ahaan ayaa 760 ka Mid ah saaka si rasmi ah maamulka dagmada galkacyo waxa uu ku wareejiyay masuuliyiintii wasaarada caafimaadka

Taliyaha saldhiga booliiska dagmada galkacyo kabtan cali xirsi sahal iyo duqa dagmada galkacyo ayaa ugu horeyn ka hadlay madasha lagu wareejinayay agabkaan samafalka ee laga soo xaday caabudwaaq isagoona xusay taliyaha saldhiga booliiska galkacyo in howlgalkaan ay iska kaashadeen talisyada ciidamada booliiska dagmooyinka Galkacyo iyo Guriceel isagoo uga mahad celiyay Taliyaha saldhiga booliiska Dagmada Guriceel

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka galmudug Dr Mahad caabi ciise ayaa sheegay in agabkaan lagu wareejiyay ay keentay hay’adda Unicef qeybinteeedana ay wakiil uga ahaayeen ururka Newway isagooo dhanka kalana ka warbixiyay cidda loogu talagalay agabkaan samafalaka Ah oo xusay in loogu talagalay dadka danyartaa ee ku nool Galmudug intii ay gaari karto

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Alshabaabka Muqdisho oo la Xukumay.

November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.
Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, OOkiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.
Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.
Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriy, waxa uuna ka bartay Computer Science.
Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha Qaranka Oo ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Degmada Marka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku shahiiday qarax kooxda arxan-laawayaasha ah ee Alshabaab ay maanta ka geysteen magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxan, waxa uuna sheegay in falkan iyo kuwii ka horreeyayba ay muujinayaan arxandarrada iyo cadaawadda kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada argagaxisada ee caadaystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda…

Madaxweynaha iyo Reyasul Wasaaraha Qaranka oo Wadatashi ka Yeeshay Dhismaha Xukuumadd.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa warbixin ka siiyo Madaxweyne Xasan Sheekh kalana hadlay howsha socota ee lagu soo dhisayo Golaha Wasiiro oo lagu kalsoonaan karo oo u adeegi kara Shacabka Soomaaliyeed isla markaana gaarsiin kara mudnaanta horumarineed Dad iyo Dalka .

24kii Bishaan Rw Hamse ayaa Baarlamaanka Horgeeyay Codsi Ku Saabsan In Baarlamaanka Ogolaasho u Siiyo 10 Cesho oo Dheeraad ah si Uu Usii Balaariyo Latashida Xukuumadda Uu Doonaayo inuu Dhiso.

Gudoomiyihii Degmada Marka Oo Qarax Lagu Dilay.

0

Qof naftiisa haliga ah ayaa  isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta degmada.

Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.

Mid ka Mid ah Dadkii Ka Badbaaday Qaraxa Ayaa Inoo Xaqiijiyay In Qaraxu uu Ka Dhacay Afaafka Hore Xarunta Degmada Marks Oo Shir uu Ugu So dhamaaday Gudoomiyaha Oo as wehliyiin Wax Garadka Degmada.