Home Blog Page 549

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Golaha Shacabka uga mahadceliyey muddo-siinta Dhismaha Golaha Xukuumadda

0

Muqdisho, Luuliyo 25, 2022; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” Ayuu ku xusay Ra’iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo-siinta dhismaha Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

 

DEGDEG: Golaha shacabka Soomaaliya oo u ogalaaday Ra’isulwasaare Hamse Abdi Bare in muddo 10 cisho ah loogu daro soo dhisidda xukuumadiisa

Muqdisho,25-7-2022-:Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ogolaaday codsi uu ra’isulwasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha kaasoo uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa wasiirada,waxaana haa ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo baadbiyay badda dalka Talyaaniga

Muqdisho. 25, 2022:Ku dhawaad 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Faah-Faahin ka bixiyey Howlgal ay xalay ciidamadu ka sameeyeen degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

0

Muqdisho. 25, 2022:Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada  Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay kusoo bateen falalka Amni darro.

Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo kulamo kawada magaalada Qaahira ee caasimada Wadanka Masar

Muqdisho. 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

[SAWIRO]Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahir

Muqdisho, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Maxkamadeynta Askari loo heysto dilka Sarkaal iyo Walaashiis oo bilaabatay degmada cabudwaaq

0

Muqdisho, Luulyo 24. 2022;Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 21aad ayaa Maanta waxaa ay u farsiisatay kiiska Askari katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaas oo ku eedeysan in uu dhawaan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galaduud kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka NISA ee Gobolka Galgaduud & Walaashiis.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo Booqasho rasmi ah ugu Amba-baxay Dalka Masar

Muqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Guddoomiye sheikh Aadan madoobe oo la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa

0

Muqdisho Luulyo 24,2022,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa waxaa uu la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddiga ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbxin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen waxa ayna baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Aqalka sare loo gudbiyo si loo meelmariyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyay shaqada guddigan islamarkaana sheegay in lagu gacan siin doono sidii shaqadooda ay u qabsan la haayeen.

 

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare oo la kulmay masuuliyiin ka socday UNDP

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Jocleyn Mason oo ah Madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay xafiiska hay’adda UNDP Soomaaliya .