MUQDISHO-31-7-2022-:Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Ee maamulka jubbland oo shalay ku geriyooday dalka jarmalka Marxuum Gen: Maxamed Warsame darwiish oo meydkiisa dhawaan dalka la keeni doono.
Laamaha Amniga Muqdisho oo degmada kaaran ku qabtay dad lagu eedeeyey inay dhac geysanayeen
Muqdisho-31-7-2022-:Maamulka Degmada Kaaraan oo gacan ka helaya Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir Ayaa xalay Howlgal balaaran oo amniga lagu xaqiijinaayo ka sameeyey Guud ahaan Degmada Kaaraan waxaana Howlgalka lagu soo qabtay Qamri calaq xashiish oo lagu iibinaaye Degmada kaaraan.
Galmudug iyo Dowladd deegaanka Soomaali Galbeed oo iska kaashanaya dagaalka Al-Shabaab
Muqdisho-30-7-2022:-Kulan u dhaxeyay Maamulka Galmudug iyo dowladd degeenka Soomali Galbeed ayaa manta ka qabsomay Duleedka deeganka Kaxan dhaale .
Madaxweyne Ahmed madoobe oo ka tacsiyeedeyey geeridii ku timid wasiirkii arimaha gudaha Jubbaland
Muqdisho, 30, Luulyo, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka jarmalka oo wakhtiyadii lasoo dhaafay uu arimo caafimaad u joogay.
Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal oo Burburiyey Khamri iyo Xashiish tiro badan oo Maxkamadda Garowe horay u xukuntay
MUQDISHO-30-7-2022-:Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal iyo Gudomiyaha gobolka oo ay weheliyaan xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal iyo Culima’udiinka Magaladda ayaa meel Maanta goob fagaaro ah ku burburiyay khamriga gaaraya 100 dhaloo oo DRY GIN iyo Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee Calaqda loo yaqaano iyo Xashiish tiro badan oo ay ciidamadu qabteen.
Kenya oo Facebook ugu hanjabtay inay dalkeeda ka mamnuuceyso
Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.
Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyinka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoose ee 9-ka Agoosto.
Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.
Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha.
“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayuu yiri Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.
“SHirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.
“Waxaan leenahay kooxo u heellan dadka ku hadla Sawaaxiliga iyo tignoolajiyad ogaaneysa si ay nooga caawiyaan in si deg deg oo ballaaran looga saaro waxyaabaha waxyeelada leh,” ayuu yiri afhayeenku.
Taageerayaasha musharixiinta caanka ah ee madaxweynaha, hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, ayaa baraha bulshada u isticmaalaya in ay ku ammaanaan musharraxiintooda, kana dhaadhiciyaan dadka kale inay ku soo biiraan, ama ay ku eedeeyeen dhinacyada ka soo horjeeda dambiyo kala duwan.

Ciidanka Xooga Dalka oo deegaano hoosataga Degmada Bardaale ku dilay xubno katirsan Argagixisada Al-shabaab
MUQDISHO-30-7-2022-;Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka KGS ayaa Howlgalo ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab kaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada ka sameeyeen deegaanada hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
[DHAGEYSO]Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay dil iyo dhaawac ugu geystay Magaalada dhabad shaqaale ka tirsan Hay’adda Miina baarista ee Hallo trust
MUQDISHO-30-7-2022-:Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhabad ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad Hubaysan ay Xalay xilli danbe Weerar ay ku qaadeen Shaqaale ka tirsan Hay’adda Miina barista ee Hallo trust kana Howl Gasho Magaalada dhabad ee Gobalka Galgaduud.
[DAAWO]Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaalada amni ee magaalada muqdisho
MUQDISHO-30-7-2022-:Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha amniga magaalada Muqdisho ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan sharcigana garab siiyaan.
Reysul Wasaaraha Qaranka oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wasiirkii Cadaaladdka KGS.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee maanta lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Mudane Xamse waxa uu sheegay in falalka argagixiso aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.
