Home Blog Page 522

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah furay Shirweynaha Banbaxa gobolka Banaadir {Sawirro}

0
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahla Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maaşta si rasmi ah u daahfuray Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir Ivo Dowladda Hoose ee Xamar oo socon doono mudda 3-Cisho ah.
Ujeedada Banbaxa Gobolka Banaadir waxuu ku salaysanyahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan Maamulka sare, Agaasimayaasha iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka ee Magaalada Muqdisho, si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo in Gobolku yeesho aragti wadareed iyo Qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa Adeegyadda Bulshada ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay in la helo Qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee Gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in Banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeed si cad loo aqoonsan karo, sida xilalka, waajibaadka masuuliyadaha shaqaalaha iyo in si qoto dheer ah loo eego Xeerka Gobolka Banaadir isla markaana la waafajiyo shuruucda kale ee heer Federaal isla markaana la hindiso xeer-hoosaadyo Gobolku ku howl galo kuwii horena dib u qaabayn lagu sameeyo.
Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha Guud ee Maamulka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa si wadajir ah u xusay in shir weynahaan Banbaxa oo noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta Caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee Gobolka iyo islaxisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka Shaqo.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan daahfuray ayaa fariin dardaaran ah u diray madaxdii shirkan ka qeyb gashay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada, islamarkana aan la aqbali doonin Musuq-Maasuq iyo wax dabamarin.

Shirka Banbaxa Gobolka Benaadir oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho

0

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho shirka Banbaxa Gobolka Benaadir oo ujeeddadiisu tahay isbarasho iyo in la isku keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka magaalada Muqdiso si loo hormariyo, dib-u- habayna loogu sameeyo qaab dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Benaadir.

[DAAWO] Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray farriisimaha Ciidanka ee degmada Dhoobley

0

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa Maanta kormeeray farriisimaha Ciidanka ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Dalka oo laga shiray

0

Wasiirka Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamd Xassan Maxamed Bulaale ayaa kulan laqaatay tiirka Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay hogaamineyso Gudoomiye Xilibaan Nadra Salaad Cabdi.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray halbeegyada waaweyn ee qorhseysan Wasaaradda ee

ku aadan horumarinta Adeega Cafimaadka dalka iyo dedegjinta howlaha sida gaarka ah mudmnaanta u leh sida Sharicga Dawaada, Howlaha Caafimaad eek u aadan Qorshaha Xasilinta Goobaha Dib looga xoreeya Al-Shabaab iyo Guud ahaan higsiga Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxda kasocotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay sida wanaagsan uu wasaaraddu u waddo shaqadda ay u idmanthay Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo sheegay in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ay mudnaan dheeri ah sinayaan howlaha horutabint weyn u leh Wasaaradda Caafimaadka.

 

 

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝘀𝗮𝗿 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗠𝗼𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Qaranka iyo xooggaga deegaanka oo gaaray Degaano katirsan Mudug

0
Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Qaranka ee Danab,Gorgor iyo xooggaga deegaanka ayaa gaku wajahan Bacaadweyn,Camaaro Shabeelow oo Khawaarijtu ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen Maalmihii la soo dhaafay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta XFS oo booqasho ku tegay Xarunta Qunsuliyadda ee Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Jidda

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha XFS, Mudane Cabadirashid Jire oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa maanta booqasho ku tegay Xarunta Qunsuliyadda ee Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Jidda ee dalka Sacuudi Arabia.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka degay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Khawaarijtii ugu badneed oo Al-shabaab oo ah oo lagu dilay Shabeelada Dhexe

MOGADISHU, 09 January 2023: Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

[SAWIRRO]Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

0

Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya. Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka.