Home Blog Page 516

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa weerar jahooyin badan ah ku qaaday goobo ay isku abaabulayeen Khawaarijta Al-Shabaab

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa weerar jahooyin badan ah ku qaaday goobo ay isku abaabulayeen Khawaarijta Al-Shabaab oo dhaca duleedka koonfureed ee degaanka Qeycad ee Gobolka Mudug.

Dagaal xoog leh ayaa hadda ka socda goobihii la weeraray, iyadoo wararka hordhaca ah oo aan ka heleyno dagaalkaas ay sheegayaan in ciidanku la wareegay saldhiggii iyo godadkii ay Khawaarijtu uga sugnaayeen degaanka Qeycad.

Xasan Hurry Ugaas ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay Hop#203

0

Xasan Hurry Ugaas ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay Hop#203 oo saaka ka qabsoontay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamayay Musharrixiinta kala ah Cabdullaahi Maxamed Cabdi iyo Xasan Hurre Ugaas waxaana ka tanaasulay tartanka Cabdullaahi Maxamed Cabdi iyadoo uu cod gacan taag ah ku soo baxay Xasan Hurre Ugaas oo  helay 88 cod.

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay  Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan,

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay  Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, weerarka waxaa qaaday ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, kadib markii ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga Shabeelle

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta, isla markaana la fashiliyey qorshihii ay uga gudbayeen deegaankaas.

Maxamed-deeq Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

0

Maxamed-deeq Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii ay ciidanku kordhiyeen howlgallada, ninkaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee maleeshiyaadka Khawaarijta ay wajahayaan.

Sawir hadlaya “Kaalay aan ku tusee”

0

Halkaan waa Gobalka Mudug, ninka dharka Shacabka ah wata waa oday Deegaanka ah, waxaa daba socda Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Daraawiishta Galmudug.

Odaygu waa mujaahid Dhul yaqaan ah oo Khawaarijtu ciriiri galiyeen noloshiisa ka dibna wuxuu goostay in uu la dagaalamo Khawaarijta.

Hadda garab ayuu helay wuxuuna Ciidamada ku hugaaminayaa Dhulkii uu ku dhashay ee Khawaarijtu ka saartay.

Wuxuu isku hayaa labo shaqo, mar waa dhul bixiyeen Ciidamada kala tusaya meelaha ay Khawaarijtu ku dhuumanayso, marka labaadna wuxuu dhiniciisa ka galayaa Dagaalka oo qorigiisa ayuu garwaaxeedsanyahay.

Tani waa tilmaanta iskaaashi ee ka dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qaranka waana sababta ugu wayn ee jabisay Khawaarijta aqbalka alle ka sakoow.

Fursadda aan haysano Maanta waa  wadajirkeenna waana Wadka Khawaarijta.

Waa qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Abdirahman Yusuf Al-adala

[DAAWO] Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay Madaxii qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Mudug

0
Madixii qaraxyada iyo caafimaadka Khawaarijta gobolka Mudug Salmaan Daadir ayaa saaka lagu qabtay Aagga Camaara isagoo maleegayay dhagar uu ku dhibaateyn lahaa Shacabka.

Madaxweyne xasan Sheekh oo ku guulaystay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.

[DAAWO] Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay Go’aanno dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aanno dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaano katirsan Gobolka Mudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa kala wareegay khawaarijta Al-shabaab Deegaanada Qeycad ,Laas-gacameey iyo tuulooyin kale