Muqdisho, Oktoobar 22, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
[SAWIRRO]Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo gaaray magaaladda Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hogaaminaya xildhibaano heer federaal iyo kuwa dowlad goboleed iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray magaaladda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
[TOOS U DAAWO] Xuska munaasabadda lagu xasuusanaayo labo halyeey oo qoriga u qaatay la dagaalanka kooxda Argagixisada oo Muqdisho ka socta
Guddiga baaraya weerarkii 6-dii January lagu qaaday xarunta Congress-ka oo u yeeray Donald Trump
Guddida Congress-ka ee baadhaya weerarkii lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ayaa go’aan yeedhmo ah oo rasmi ah (subpoena) u diray madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyaga oo ka dalbanaya inuu ka markhaati furo arrimo badan oo la xidhiidha dhacdadii lagu weeraray golaha baarlamaanka si loo afgembiyo natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ku fulisay dil toogasho ah askarigii dilay Wasiir Cabaas Siraaji
Waxaa goor hore oo saaka ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.
Madaxweyne Dani oo xalay Magaalada Garoowe kulan soodhaweyn ah ugu sameeyey Madaxweyanaha degaanka soomaalida
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay galinkii danbe booqasho ku tagay magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Qaranka Oo Daahfuray qorshaha Soomaali Cagaar ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.
“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.
madaxa hey’adda qaxootiga adduunka(UNHCR) oo soo Gaaray Muqdisho.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka(UNHCR) Filippo Grandi.
Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliy, waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.
Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.
Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim
Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.


DFS oo Wax ka badal ku Samaysay Heshiiska Shidaalka Soomaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.
“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Munaasabadda toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration.
Madaxweyne Xasan oo Lakulmay Wasiirada Waxbarashada Maamulada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.
“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.






























