Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Naftii halige katirsan Argagixisada arxanka daran ee shabaab oo isku qarxiyey Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan Ex Xero Nacnac.
Kenya oo faah faahisay sababta ay ciidammo ugu direyso Kongo
In ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahooda ka cararay halka tobanaan qofna la dilay ka dib markii uu dib u qafrxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Kongo iyo fallaagada M23. Waa dagaalkii ugu muddada dheeraa sidoo kalana ugu dhimashada badnaa.
Ciidamo uu horkacaayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose oo la wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Khawarijta Al-shabaab
Howlgal uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax laguna baacsanayay Maleeshiyadda Shabaab ayaa laga sameeyay tuulooyinka Balow,Murugey, Siigoole,Moora guusha ,Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare,Culo biyoole,Gabaherig, Goobaale.oo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyadda Shabaab ayaa iskaga cararay deegaanada uu howlgalka ka dhacay ,Ciidamada Xooga dalka, Daraawishta koonfurgalbeed ayaa howlgalka ka gacan siiyay Maamulka Gobolka.
Sidoo kale masuuliyiinta ayaa kormeer ku tagay deegaanno dhawaan ay ka dhacen dirir u dhaxeysay beelo walala ah iyagoo odayaasha dhaqanka aan boorinay dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Nabada.
Maamulka Degmada Wanlaweyn,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska KGS ayaa howlgalka qeyb ka ahaa.

[DAAWO] Shirka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo weli ka socda Magaaladda Garoowe
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay shirka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka socda magalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland.
Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay albaabka hore ee Xerada nacnaca.
Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob
Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug.
Madaxweyne Guudlaawe oo baaq u diray dadkii ka barakacay degaanka Masaajidka Cali Gaduud
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab laga xureeyay deegaanka cali gaduud ay dhibaato badan ay ku hayeen bulshada ku dhaqan degmadaan isagoo xusay in dadkaan ay ka qaadan jireen xoolo baad ah.
Madaxweynaha ayaan tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha umaddw Soomaaliyeed, dhowaana laga ciribtiri doono deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Masaajid Cali Gaduud ina ay dib ugu soo laabtaan Magaalada, howlgaladuna la sii wadayo inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab Masaajid ku yaalla degaanka ay dhigeen dukaamo lagu ganacsado, sidoo kale dadka shacabka ay ka qaadi jireen xoolo fara badan.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in ciidanka Ammaanka aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka Shabaab.

Sirdoonka Soomaliya iyo Itoobiya oo Heshiis ka Gaaray Ladagaalanka Khawaarijta.
Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo argagixisada.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Mudane Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi iyo is dhaafsiga xogaha ah.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah leesaga kaashado.
Mahad Maxamed Salaad Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho.
Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal eek u aadan ka hor taga qataraha Argagixisada.
Khawaarijka oo lagala Wareegay Deegaano Cusub. (SAWIRO).
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dhowaan khawaarijta alshabaab ka xureeyay Deegaanka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha guud deegaanka ayaa booqday saldhiga degmada oo khawaarijta alshabaab ay ka qoteen godad waaweyn oo gabaad ay kaga dhiganayeen weerara Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa kacdoonka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Saldhiga kusoo arkay raadadka falal anshax xumo ah oo khawaarijta kula kici jireen dadka masaafurka ah ee ku socdaala wadada gaar ahaan haweenka oo ay kufsi kula kici jireen.
Madaxweynaha ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa kacdoonka waxa uun bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin ciribtirka argagixisada cadowga ah, Isagoo dul tagay goobtii lagu fashiliyay gaari damacsanaa inuu isku qarxiyo fariisin ciidamadu ku lahaayeen banaanka hore ee Magaalada waxa uuna abaalmarin gudoon siiyay Ciidamadii fashiliyay weerarkaasi.
Soomaali lagu Xiray Dalka Hindiya oo Xabsiyada Laga Sii Daayay.
Magaaladda Hyderabad ee dalka Hindiya waxaa hawlo shaqo u jooga Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Ku-simaha Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.
Ka dib hawlgallo guud oo ay Ciidanka Booliiska dalka Hindiya ay sameeyeen kuna soo qabteen dadka sharci-darrada ku jooga dalkaas ayaa waxaa lagu soo xiray dad badan oo aajaanib ah kuna jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.
Danjire C/fitaax ayaa kulamo kala duwan la qaatay hey’adaha Amniga gaar ahaan Booliiska waxaana lagu guuleestay in dib xabsiga looga sii daayo Muwaadiniin Soomaaliyeed , sidoo kale waxaa lagu guuleystay in qaar kale oo ay booliiska ka qaateen baasabooradooda in ay Safaaradda dib ugu celisay gacanta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hyderabad ayaa isugu jira kuwa u jooga arrimo Caafimaad iyo Arday wax ka barata halkaasi.





















