Home Blog Page 492

Madaxweyne xasan Sheekh oo ku guulaystay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.

[DAAWO] Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay Go’aanno dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aanno dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaano katirsan Gobolka Mudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa kala wareegay khawaarijta Al-shabaab Deegaanada Qeycad ,Laas-gacameey iyo tuulooyin kale

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo horumarinta Dagmada Hobyo oo Galkacyo lagu qabtay maanta 

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo horumarinta Dagmada Hobyo oo Galkacyo lagu qabtay maanta

Kulankaan oo ay soo agaasimeen odayaasha dhaqanka oo uu hogaaminayay suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed isla markaana ahaa mid lagu sagootinyay Gudoomiyaha Cusub ee dagmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdille ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Galkacyo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.

[DAAWO] Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay Ololaha hal Dollar ku difaaco dalkaaga. (Warbixin)

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay Ololaha hal Dollar ku difaaco dalkaaga. (Warbixin).

 

 

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kordhisay mudada ay socaneyso is-diiwaan gelinta macalimiinta ay qaadaneyso

0

Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa kordhisay mudada ay socaneyso is-diiwaan gelinta macalimiinta ay qaadaneyso, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane  Faarax Sheekh.

 

Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane  Faarax Sheekh Cabdulqaadir  ayaa sheegay in markii ay soo gaartay cabasho ka timid dadwaynaha qaarkii, gaar ahaan kuwa gobollada fog fog oo ay ku adkaatay adeegga isgaarsiinta iyo tas-hiilaadka la xiriira, waxaa ay Wasaaraddu go’ aansatay in dalabka qaadashada macallimiinta iyo tababarayaasha lagu daro muddo 3 maalmood ah, kana bilaabanaysa 14ka Febaraayo”

 

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Axmed Cusmaan Ibraahim ayaa lahadlay warbaahinta Qaranka waxana uu faah-faahin ka bixiyey warka  Wasiirka Waxbarashada XFS.

 

 

Guddoomiyaha Hey’dda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Olalaha iyo Baraarujinta Dhismaha Wadada Hobyo

0

Guddoomiyaha Hey’dda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka – SoDMA  Mudane  Maxamuud Macallin Cabdulle Ayaa maanta xarunta dhexe ee hey’adda kula kulmay guddiga GOB ee uu hogaamiyo Guddoomiyaha Guddiga Olalaha iyo Baraarujinta Dhismaha Wadada Hobyo, Prof. Shirwac ee ku howlan dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Agaasimaha xiriirka Dibadda ee Dowladda Hoose Xamar oo la kulmay agaasimaha xiriirka Dibadda ee Dawladda hoose ee Helisinki

0

Agaasimaha xiriirka Dibadda ee Dowladda Hoose Xamar Mudane Maxamed Xasan ayaa Magaalada Helsinki ee Caasimadda Dalka Finland kulan kula qaatay agaasimaha xiriirka Dibadda ee Dawladda hoose ee Helisinki Laura Uuttu-Deschryvere isagoo kala hadlay horumarinta Muqdisho.