Ciidanaka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Alshabaab ku jabiyay, dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud, ka dib markii Argagixisada nafla caariga ah ee dalka laga sifaynayo ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka xooga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku lahaayihiin Qaayib, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khawaarijta Al-shabaab.
Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo Xaflad soodhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Garoowe
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan qaar kamida wafdigiisa ayaa ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ah ay u sameeyeen wafdiga Guddoomiyaha ayaa odayaasha dhaqanka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka ku nool magaalada Garoowe ee ka soo jeeda deegaannadda Koonfur Galbeed.
Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania
Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.
Taliyaha booliska ayaa BBC-da u xaqiijiyay diyaaradda dhacday, wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo loogu gurmanayo dadkii rakaabka ahaa.
Diyaaraddan ayaa saaka ku burburtay magaalada Bukoba.
Kooxaha dab damiska iyo booliska ayaa gaaray goobta si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka ah.
Ilaa iyo hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay diyaaraddan burburtay
Mareykanka oo war kasoo saaray gantaalka ay tijaabisay Iran
Mareykanka ayaa sheegay in tallaabada ay ku tijaabisay gantaal cusub oo siday dayax gacmeed sabtidii uu ahaa mid walaac xoogan dhalin kara.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo Gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga Galmudug oo booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug
Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Galmudug ee dhawaan xilkasi uu u magacaabay Madaxweyne Qoor-Qoor Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa maanta booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka Degmada Wisil.
Saraakiisha Ciidanka iyo Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo Ceelbarde kula hadlay bulshada deegaankaasi kuna bogaadiyay in howlgalka ay ka qaataan kaalin weyn.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool, Saraakiisha Ciidamada XD iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo lahadlay ciidamada abaabulan ee loogu talagalay hogaaminta howgalka ka dhanka ah khawaariijta ee ku sugan duleedka degmada ceelberde u jeediyey in alle ka cabsadaan shacabka ay naftooda u hurayaana ay siwanaagsan ula dhaqmaan xilliyada howgalada lagu hudajiro.
[DAAWO] Kulan loogu duceynayay dadkii ku shahiiday Qaraxyadii argagixisadda ay ka geysteen Soobe oo lagu qabtay wadanka Sweden
Ra’iisal wasaarahii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay meel iska dhigaan kala fikir duwanaanshiyaha xilli isaga iyo masuuliyiin kale ay dalka Sweden uga qeybgaleen Kulan loogu duceynayay dadkii ku shahiiday Qaraxyadii argagixisadda ay ka geysteen Soobe.
