Home Blog Page 468

[SAWIRRO] Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo shir gudoomiyay kulanka Isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada

0
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug oo maanta ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

[DAAWO] Ra’iisul wasaaraha XFS oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta xarigana ka jaray dhismaha cusub ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed {SONNA}

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed {SONNA} oo dib u dhis lagu sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo golaha wasiirada faray in la joojiyo shirarka muhiimka ah ee dibadda lagu qabto.

0
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyey shirka golaha Wasiirada ayaa faray golaha in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto intii laga maarmi karo isla markaana lagu qabto gudaha dalka, isagoo ku booriyey in Sanadkaan uu yahay sanadkii dib u xorreynta iyo waxqabadka.
Madaxweyne Xasan ayaa golaha faray in la hubiyo Mashaariicda hormarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.
Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyo hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Isbitaalka Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Imaaraatka Carabta ku booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ugu cuslaa ee Qaraxii Zoobe 2

0
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo wafdigiisa ayaa booqday Isbitaalka Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Imaaraatka Carabta, halkaas oo lagu dabiibayo qaar kamid ah dhaawacyadii ugu cuslaa ee Qaraxii Zoobe 2.

[SAWIRO]Madaxweynaha Jubbaland Iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya oo kawada hadlay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada

0
Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa Maanta  kulan la qaatay Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry André.
Madaxweynaha iyo Safirka ayaa kawada hadlay  howlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Shir guddoominaya Shirka Golaha wasiirada XFS

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Shir guddoominaya Shirka Golaha wasiirada XFS.
Shirkaan  oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Qaranka ayaa  looga hadlayo xaaladdaha  guud ee dalka,Howgalada dalka looga saarayo khawaarijta Al-shabaab,iyo Qodobo kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo kulan la qaatay madaxda Ururada Bulshada Rayidka

0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta bulshada la qaatay madaxda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray xuska Aasaaska Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta ku beegan

0

-Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray xuska Sanadguuradii 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA,oo ku beegan maanta.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeey bahda wasaaradda warfaafinta oo uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,wasiir ku-xigeenka,Agaasimaha guud,Agaasimaha Wakaaladda SONNA iyo guud ahaan shaqaalaha ka hawlgala Wakaaladda SONNA,isagoo faray in ay sii laba jibaaraan hawsha baaxadda weyn ee nafhurnimadda leh oo u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Wakaaladda SONNA, ayaa la aasaasay 5-tii Janaayo sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah,balse wakaaladda ayaa door weyn ka qaadatay in ay bulshadda iyo mida caalamkaba la wadaagto fariimo ay fahmi karaan iyadoo gobolada iyo degmooyinka dalku ay sugi jireen wararka SONNA iyadoo lagu xasuusto beri samaadkii Heestii odhan jirtay.

Wagareey ka waasacan
Wax la yaab leh weeyaan
Sida wariye SONNA ah
Wiilkan soo hadlaayoow
Ma wadaagno sheekee
Colka waraf ma lagu dayay.

Wakaaladda Wararka SONNA waxay u xilsaaran tahay gudbinta Fariinta Dowladda iyo dagaalka ka dhanka khawaariijta,waxayna wada shaqayn toos ah la leedahay Wakaaladdaha waaweyn ee caalamka oo si joogto ah u xigta wararka iyo xogaha ay baahiso SONNA.

Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldageysa sanadguurada 59-aad

0

Wakaaladaha wararka waa hey’addo u xilsaaran ,uruurinta iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Xildhibaannada UK oo ammaankooda u cabsaday kadib markii ay kordheen weerarada tooreyda

Xildhibaannada UK oo ammaankooda u cabsaday kadib markii ay kordheen weerarada tooreyda.