Home Blog Page 467

Shil baabuur oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Uganda

0

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, kadib markii bas rakaab ah uu jiiray gaari xamuul ah, subaxnimadii Jimcaha wadada weyn ee Uganda ee isku xirta caasimadda Kampala, iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Gulu.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo sugan Dalka Kuwait ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas

0

Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa oo ku sugan Dalka Kuwait ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwiet, waxaana uu la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi  Danjire Cabdullaahi Odawaa iyo diplomats-ka kale ee ka howl-gala Safaaradda.

 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Wakiilka Midowga Afrika oo dhiirri galiyay Dagaalka Khawaarijta.{Sawirro}

0

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshidiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Awqaafta mudane Mukhtaar Roobow, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Jaamac Maxamed Khaliif, Wasiiru dawlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa maanta salaadii Jimcaha waxaa ay ku tukadeen masjid ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Khadiibka Jimcaha ayaa khudbadiisa mawduuc uga dhigay dawlad iyo shacabba in loo midoobo dagaalka xaqqa ah ee lagula Jiro kooxda Khawaarijta.

Kaqeybgalka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohamed El-Amine Souef ee salaadda Jimcaha ayaa farriin cad u ah haddallada beenta ah ee ay ku celceliyaan kooxda Khawaarijta oo ah in ay gaalo la diririyaan.

Madaxweyne Guudlaawe oo Tacsi u diray ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab

0
Madaxweynaha Dowladd Gobleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood.

Ukraine oo diiday xabbad joojin uu Ruushku soo jeediyey

Xabbad joojin ku meel gaar ah oo ay Ruushku soo jeediyeen ayaa ka dhaqan galeysa haaatan furimaha hore ee Ukraine.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka Al-shabaab,Xaalada Laascaanood iyo Qodobo kale

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

XFS oo shaacisay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay weeraradii qaraxyada ahaa oo ay khaawarijta Arxanka daran ee  Al-Shabaab ka gaysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Cabdullaahi Maxamed Salaad

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Maxamed Salaad Ducaale (Suldaan Cabdullaahi feef).

Sacuudiga oo yeeshay gabadhii ugu horreeyay ee garsoore caalami ah

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa Khamiistii magacaabay gabadhii ugu horreysay ee Sacuudiyaan ah ee noqota garsoore caalami ah, wax ka yar hal sano kadib markii xulka haweenka qaranka ay ciyaareen kulankoodii ugu horreeyay.

Khawaarij oo jab xoogleh lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay Hilowle gaab.

0

Kooxaha Khawaarijta ah ayaa saaka Weerar ku soo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan cadowga laga xoreeyay waxaana ka dhashay dagaalkaas Khasaare kala duwan.

Qaraxyo ayay Khawaarijtu subaxnimadii ku qadeen magaalada ka dibna waxaa ay is farasaareen xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka oo la socday dhagarta Khawaarijta halkaas oo cashar loogu dhigay waxaana lagaga dilay dagaalka maleyshiyaad aad u badan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow {Axmed Daaci} oo ku sugan deegaanka ayaa u waramay Warbaahinta Qaranka isaga oo sheegay in Khasaare xooggan cadowga lagu gaarsiiyay dagaalka hadana la sii baacsanayo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Khawaarij aan laga hari doonin inta laga saarayo dhulka howdka ah ee weerarka ay ka soo qaadeen si mar kale aysan u dhicin in dagaal ay ku qaadaan deegaanada nabadda ah ee laga xoreeyay.