Home Blog Page 467

Munaasabadda Maalinta Caalimiga ah ee  keymaha ee 21 maarso oo sanadkan si ballaaran looga xusay guud ahaan dalka

0

Munaasabadda Maalinta Caalimiga ah ee KEYMAHA ee 21-KA MAARSO oo sanadkan si ballaaran looga xusay guud ahaan dalka ayaa waxaa kaalin muhiim ah oo mugg weyn ka qaatay Ololaha dhirbeerista dhammaan Dowladd Goboleedyada Xubnaha Ka ah DFS.

Dowlaha PUNTLAND, JUBBALAND, GALMUDUG, KOONFUR-GALBEED & HIRSHABELE ayaa dhammaantood si buuxda uga qeybgalay Ololahan dhirbeerista ee bug-dhiga u ah Hal-kudhiga QARAN ee SOMAALIYA CAGAARAN, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS oo hoggaamineysa Ololahan ayaa suuragalisay in Dowladd Goboleedkasta lagu beero in ka badan 1000 GEED, kuwaas oo udub dhexaad u ah qurxinta Deegaanka iyo Illaalinta Caafimaadka Bulshada, Waxaana Hoggaanka Wasaaradda ay uga Mahadceliyeen dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS doorkoodii Muhiimka ahaa oo ay ka qaateyn Ololahan.

#SomaaliyaCagaaran
#IntlForestDay
#greensomalia

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga

0

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho.

Mareykanka oo Sheegay in dambiyo dagaal ay ka dhaceen Itoobiya

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in milateriga Itoobiya, Ciidamada Eriteria, kuwa xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu ay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Itoobiya.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay Warbaahinta in xubno ka mida ciidanka milateriga Itoobiya, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu ay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadannimada sida dilal, kufsi, iyo xadgudubyo kale.

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu ay ku kaceen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ka mid yihiin, masaafurin iyo isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Dowladda Fedaraalka Itoobiya iyo Jabhadda xoraynta Tigray ee TPLF, ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed bishii November ee sanadkii tagay, taasoo soo afjartay colaad ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena ay soo waajaheen gaajo iyo barakaca.

 

Maalinta Keymaha Adduunka oo laga xusay Muqdisho

21-ka Maarso oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Keymaha ayaa maanta laga xusay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabado kala duwan lagu qabtay dunida oo dhan.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS oo ka tarjumeyso ahmiyadda maalintan ay u leedahay Umadda Soomaaliyeed iyo Hal-kudhigga Qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Ee SOOMAALIYA CAGAARAN ayaa waxay 1,500 geed ku beereysaa maanta goobo badan oo muhiim u ah Dalka.

Goobaha loo asteeyay in geedahan lagu beero ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka, Isbitaallo, Iskuullo, Jaamacado, Xarumaha Ciidamada Qaranka iyo waddooyinka Caasimadda.

Haddaba Muwaadin adiga oo ka qeyb qaadanaya Ololahaan Muhiimka ah ee SOOMAALIYA CAGAARAN fadlan ku tallaal geed gurigaaga iyo goobtaada ganacsi, si aan u gaarno hadafkeenna Qaran iyo bulsho oo ah helidda deegaan dhireysan oo Caafimaad leh, kana caaggan waxyeellada Isbadalka Cimillada.

 

Ciidanka XDS oo 30 khawaarij ah ku dilay Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa fashiliyay isku day weerar oo Khawaarijta Al-shabaab ay saakay kusoo qaadday deegaanka Daaru-naciim ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyey in Ciidanka ay  khawaarijta ka dileen in ka badan 30 malleeyshiyaad ah iyo Horjoogayaal, waxaana halkaasi loogu furtay hub fara badan.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa SONNA u sheegay in khawaarijtu ay ka carareen meydad badan, welina lagu raad joogo firxadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Doorashada soo socota waxa ay noqon doontaa qof iyo cod”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada soo socota ay Soomaaliya noqon doonto mid qof iyo cod ah oo xisbiyeysan.

“Soomaaliya ilaah idinkiis doorashada soo socoto waa qof iyo cod xisbiyeysan”

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad uu ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka ayaa xubnaha guddoonka iyo guddiyada labada Aqal ee halkaasi ku sugnaa ka codsaday in ay qabyo tiraan dastuurka.

Mudane, Xasan Sheekh ayaa qabyo tirka dastuurka ku tilmaamay mid horseedi karta in laga gudbo habka Baarlamaaniga ah ee ay haatan ku dhacaan doorashooyinka dalka, wuxuuna intaa ku daray inaysan xildhibaannada iyo hoggaanka maamul goboleedyaduba diyaar u ahayn in mar kale ay dalka ka dhacdo doorasho dadban.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasaddu aysan ahayn tiro badnaan iyo laandheeranimo, balse ay tahay abaabulnaan iyo feker jira oo lagu wada qancay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn sheegay in ay dowladdiisu dejineyso qorshe shan sanaale ah kaas oo diiradda lagu saarayo hiigsiga mustaqbalka fog iyo wejiga ay Soomaaliya yeelan doonto 2060-ka.

Qorshahan ayaa gogol xaar u noqonayo jiilasha dambe iyo in Soomaaliya ay shantii sanaba ku tallaabsato guulo waaweyn iyo horumarro ballaaran.

 

43,000 qof oo sanadkii tagay abaar darteed ugu dhimatay dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay Munaasabad lagu soo bandhigayay natiijada cilmi baaris laga sameeyay Soomaaliya sanadkii tagey ee 2022-ka taas oo lagu sheegay in 43,000 oo qof ay u dhinteen abaaro ka jira dalka.

Bandhigga warbixintan oo lagu qabtay Muqdisho Maarso 20, 2023. ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii ugu dambeeyay ee cilmi baaris iyo aragtiyo laga helay daraasadda lagu baarayey dhimashada dadka ay haleeshey Abaarta, iyadoo ay warbixinta iska kaashadeen LSHTM, Jaamacadda SIMAD, iyo Khuburo Soomaaliyeed, waxaana soo bandhigey Hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Daraasaddu waxay kaloo muujineysey dhimashada sanadkaas in ay kabadan tahay tii dhacdey Sanadihii 2017 ilaa 2018-kii, waxayna aheyd Cilmi baaris laga heley xogo badan iyadoona fududeyn doonta xoojinta iyo dedaalada looga hortagayo wax ka qabashada saamaynta Abaaraha inta aysan isku badalin Macluul.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay laba jibaari doontaa dadaallada lagu bedbaadinayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed markasta gaar ahaan xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka saameeya Bulsho waynta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Japan oo maanta booqasho ku tagaya Ukraine

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida, ayaa maanta oo Talaado ah booqasho ku tagi doona magaalada Kiev ee Caasimadda Ukraine, inta uu Fumio Kishida ku guda jiro booqashadiisa ayaa la sheegayaa inuu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Wasaaradda arrimaha dibadda Japan ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Kishida, uu halkaasi u tagaya si uu u muujiyo taageerada joogtada ah ee Japan ay la garab taagantahay Ukraine.

Kishida, ayaa ahaa Hoggaamiyaha kaliya ee ka mid ah hoggaamiyayaasha G7 ee aan booqan Ukraine tan iyo markii uu qarxay dagaalka kala dhaxeeya Ruushka bishii Febraayo 2022.

Booqashada Kishida ee Kiev ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqasho ku tagay Moscow, halkaasoo uu kula kulmaya dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Fumio Kishida, ayaa noqonayaa Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Japan oo booqda goob dagaal tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani’aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo u mahad celiyay intii kasoo shaqaysay meel marinta Hindise sharciyeedyadii uu meel mariyay labada gole ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada meel marinta iyo saxiixa hindise sharciyeedyada ay soo gudbisay Xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sheegay in howshani ay soo martay geeddi dheer iyo shaqa badan oo ku timid towfiiqda rabbi ka sokoow iskaashi, wada shaqayn ,isu laab furnaan, saaxiibtinimo iyo dareen mas’uuliyadeed, taas oo uu ku bogaadinayo intii kasoo shaqaysay.

Mudane, Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabaddii uu Madaxweynaha Qaranka ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo dhowra xalay ayaa intaa ku daray in shuruucdani ay kaabayaal u yihiin sugidda amniga, deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in haduusan jirin dedaal wada jir ah aysan suurto gal noqoteen in muddo kooban lagu ansixiyo 11 sharci oo qaarkood ay Baarlamaanka Soomaaliya yaalleen muddo ka badan 9 sano.