Home Blog Page 466

Ciidamada Amniga Beledwayne oo qabtay dhagar qabe aasayay Walxaha-qarxaha

0

Hay’addaha Ammaanka Beledweyne ayaa maanta gacanta ku soo dhigay,  dhagar qabe waxyabaha Qarxa ku asayay wadad xiririsa magaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Amniga ayaa ku guulleystay in gacanta lagu soo dhigo ninka oo qalabka qarxa galinayay wadada marta deegaanka Bacda ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan.

Dhagar qabaha ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Taliska Booliiska magaalada Beledwayne, halkaasi oo uu ku wajahayo baaritaano dheeri ah.

Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga ficilada guracan ee Khawaarijta oo lagu jabiyay dagaalka, lagana qabsaday deegaanno badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lata-liyaha la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Cabdullaahi ayaa soo noqday Wasiirka Amniga XFS sanadkii 2021 xillligaas oo ay shaqeyneysa Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mali oo xabsiga ka sii daysay tiro kamid ah ciidamada Ivory Coast.

Madaxa maamulka ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay 49 Askari oo u dhashay Ivory Coast, kuwaas oo la xiray sannadkii hore.

Ciidamadan ayaa lagu xukumay xabsi, ka dib markii lagu helay eedaymo ay ka mid ahayeen shirqoollo ka dhan ah Dawladda Mali iyo inay khatar ku yihiin ammaanka dalkaas.

Askartan ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Bamako bishii July ee sanadkii tagay, golaha Milateriga Mali, ayaa Askartan ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal, halka Ivory Coast ay sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Maamulka Mali ayaa Askartan ku xukumay 20 sano oo xarig ah 30-kii December 2022-kii, kadib markii lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay wax u dhimaan ammaanka dalka Mali.

Ugu danbeyntii Madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay oo gabi ahaanba baabi’iyay xukunkii lagu riday Askartan u dhalatay Ivory Coast, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Dawladda Mali.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Jamhuuriga oo ku guuleystay Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka

Hoggaamiyaha AqlabiyaddaXisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Koongareeska Kevin McCarthy, ayaa maanta oo Sabti ah, ku guuleystay madaxtinimada Aqalka Koongareeska Mareykanka, wareegii 15-aad ee cod bixinta.

Kevin McCarthy ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inuu helo codadkii lagama maarmaanka u ahaa in loo doorto Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Sida ku cad warbixinnada, McCarthy, oo hadda 57 sano jir ah ayaa ku guuleystay codad gaaraya 216.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Koongareeska Mareykanka, Kevin McCarthy, ayaa galay tartan adag, kaasi wareggii 15-aad ka guleeystay xubnahii uu la tartamay

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Booqasho uga bilaabatay dalka Sacuudiga.

0

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada Mudane Eng. Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Lataliye Sare Mudane Maxamed Kheyrow Aadan ayaa gaaray magaalada Jedeh ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo halkaas ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa mudo todobaad ah.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jideh kusoo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Qunsuliyada Soomaaliya ee Jideh Boqortooyada Sacuudi Carabiya Qunsul Macruuf iyo saraakiil sar sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiirka iyo Wafdigiisa inta ay joogaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al- Rabiicah, iyagoo kawada hadli doona howlaha la xiriira gudashada acmaasha Xajka sanadka 1444H/2023.

Raisulwasaraha JFS Mudane Hamse Abdi Barre oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay howlgalada ka socda dalka.

Raisulwasaraha JFS Mudane Hamse Abdi Barre oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay howlgalada ka socda dalka,Arimaha amniga iyo sida ay xukuumadiisa uga go’antahay la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo rabshadaha laascanood.

Raisulwasare Hamse ayaa sheegay in dagalka khawarijta alshabaab dalka looga sarayo uu marayo meel wanaagsan isaga oo sheegay in tan iyo markii uu howlgalka bilowday khawaarijta laga saaray deegaano badan isaga oona xusay in degmooyinka iyo deeganada ay ka jogaan galmudug si deg deg ah khawarijta looga saarayo.

sidoo kale Raisulwasaraha JFS Mudane Hamse Abdi Barre ayaa sheegay in haatan uu socdo u diyaar garobow khawaarijta looga saarayo deegnada jubbaland iyo KGS.

Dhinaca kale Ra’iisulwasaare Xamse oo ka hadlay xaaladda Laascaanood” ayaa sheegay in Dadka ayaga oo mudaharaadaya oo dhagaxyada wata xabadda lagu dilay ma ahan wax aan aqbali-karno,Somaliland waxaan leeyahay dadka hala hadasho oo ha waydiiso waxay rabaan si nabad ah.

Wasiirka Ganacsiga Oo Guddoomiyay Kulanka Waxqabadka Sanadka Cusub

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hon. Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud Mudane maxamed Saney Dalmar , ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda oo looga hadlay dar-dar-gelinta howlaha shaqo iyo weliba sidoo kale daba-galka ballan-qaadkii wax-qabadka 2023 ee Wasaaradda.

Wasiir Jabriil oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, ayaa looga hadlay Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga Soomaaliya, diyaarinta siyaasadda iyo sharciga Wax-wada-lahaanshiyaha Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah iyo weliba sidoo kale warbixino la xiriira shirar hore u qabsoomay oo ku saabsan horumarinta Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe.

Shirka, ayaa sidoo kale looga hadlay warbixino ku saabsan isla-xisaabtanka shaqaalaha Wasaaradda oo maalmahii ugu dambeeyey lagu sameynaayey kor joogtayn la xiriirta joogitaanka iyo ku negaanshiyaha shaqada ee shaqaalaha maadaama Ra’iisal Wasaaraha dalku uu ku dhawaaqay in isla-xisaabtan dhab ah lagu sameeyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala hay’adaha dawladda.

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka oo gargaar ugu qeybisay degmada Diinsoor dad barakacyaal ah

0

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa ku dhawaad 300 oo qoys oo ah dad danyar ah waxay gargaar ugu qeybisay gudaha degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo go’doon ku jirta.

Gargaarkaan ayaa horay dowladda Imaaraadka Carabta waxay ugu deeqday dadka abaaruhu sameynta ku yesheen, wuxuuna iskugu jiraa qeybaha kala duwan ee raahinka.

Dadka Gargaarkaan ka faa’iideystay ayaa wajahayey maalmihii danbe xaalado adag oo dhanka nolasha ah, iyadoo intaas waxaa u dheer in degmada Diinsoor ay tahay mid go’doon ah.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗼𝗾𝗱𝗮𝘆 𝘅𝗲𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗝𝗲𝗻𝗲𝗿𝗮𝗮𝗹 𝗚𝗼𝗼𝗿𝗱𝗮𝗻

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in cadawga Khawaariijta muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha  kooban ee ay kaga hareen ay dalka, isla markaana uu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaarijta, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oomaanta daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 2022/2026.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Munaasabadaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada ee XFS, Xildhibaano ka tirsan Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Marti Sharaf kale.

Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur ayaa ka warbixiyay Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee Sanadaha soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada iyo hey’addaha deeq bixiyaasha ah in ay maamulka Gobolka ku garab istaagaan horumarinta Waxbarashada.