Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa  maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan  shir  ah

Date:

Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashaandhiga ee Xukuumaddq Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howlgalada dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta iyo sidoo kale horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka Khawaariijta laga saaray.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga ciribtiro khawaariijta,waxayna kula dardaarmeen in ay dadaalkooda laba jibbaaraan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....