
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir lagu joojinayo Jeexida Laamiyada iyo Marshibiyeedyada Gobolka Banaadi

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ku soo dhaweeyay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay usoo magacaabatay dalkeena Marwo Catriona Laing oo maanta dalka soo gaartay.
Soo dhaweynta waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale, kulan soo dhaweyn ayuu wasiirku kula qaatay qeybta VIP ee Garoonka.

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada
Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta XFS Cabdiraxmaan Beenebeene.
Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka socda Beesha Caalamka.
Shirkaan waxa lagu faaqidayaa
Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.
Ciidamada ammaanka ayaa Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kusoo bandhigay 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta
Maleeshiyaadka isi soo dhiibay ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha ay ku sheegaan, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneed ee hal mar iska soo dhiiba kooxda, iyadoo dhawaanahaanba ay aad usii kordhayeen Maleshiyaadka iyo horjoogeyaasha ka soo baxaya garabka cadowga.
Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Khawaarijta ka soo goostay, waxaana ay sheegeen in ay ka faaideysanayaan Cafiska Madaxweynaha Qaranka.

Madaxweynaha Galmudug oo amray Xukuumadiisa inay ka qayb qaataan Wajiga labaad ee Dagaalka Khawaarijta
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudugu mudane Cali Daahir Ciid la qaatay wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Caddaaladda.
Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka arrimaha gudaha Dowladda goboleedka Galmudug, wasiirka amniga, hay’adda, saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka iyo guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka Dowladda Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka argagaxisada, amniga iyo garsoorka, sidoo kale waxaa kulanka aad loogu lafaguray arrimaha doorashaooyinka ee kusoo fool leh deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.
Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo xalay gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Muqdisho-Somalia
Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka oo maalintii labaad galay
Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka iyo Saameynta Bulshada ay ku leeyihiin oo Galay Maalinkii labaad.
Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre,iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameen lahaa wararka Been Abuurka oo sameeyn Taban ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa waxa ka qeyb galayo mas’uliyeen ka socda,wasaaradda,wariyayaal ka socda warbaahinta Madax banaan iyo khuburo dhanka Saxaafadda oo dooda adag ka yeelanayo sid ugu fudud ee loo xakameen karo wararka Been Abuurka iyo Buunbuunintooda.
waxaa maanta lagu wadaa in shirkaa looga doodo arrimo ay kamid yihiin Saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka
Shirka ayaan lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,oo war murtiyeed laga soo saaro
Muqdisho-Somalia
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Erdogan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.
Muqdisho-Somalia
Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenka erygeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Qarammada Midoobe ee Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in kaddib dadaal dheer oo ay Dowladdu bixisay maanta ay tahay maalin u wanaagsan dhammaan reer Galmudug.

