Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo xalay gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...