Home Blog Page 462

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda {Sawirro}

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo maanta guddoomiyey shirkii Wasaaradda, ayaa waxa looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu warbixino ka dhageystay sii hayaha xilka Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha iyo la-taliyeyaasha hay’adda.

Sii hayaha Maareeyaha Hay’adaha Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan, ayaa halkaas ku soo bandhigtay qorsheyaasha hor-tebinta u leh hay’adda ee sanadkan 2023, waxyaabahii u qabsoomay sanadkii hore iyo caqabadaha jira inta ba iyada oo xustay in sanadkan uu qorshahooda ugu weyn yahay siddii loo dar-dar-gelin lahaa wax ka qabashada badeecadaha tayadoodu hoosayso ee loo soo dhoofiyo dalka, iyo weli ba sidoo kale kuwa dhacay ee lagu isticmaalo wadanka gudahiisa.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa mas’uuliyiinta hay’adda kula dar-daarmay xoojinta wada-shaqeynta, dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee horyaala iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda gaar ahaan siddii loo ilaalin lahaa badeecadaha tayadoodu hoosayso ee loo soo dhoofiyo dalka kuwaas oo khatar caafimaad ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Dubai uga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta. {Sawirro}

0
Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.
Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bishan Jannaayo ayaa looga hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna Taliyaha Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kula kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed isagoo kala hadlay sugidda Ammaanka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin guud ka siiyay xaalada amniga ee deegaanka. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Guddiga Amniga Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada baaxada leh ee looga baahan yahay, waxaana kulanka looga hadlay amniga isla-markaana lagu faray sugida amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda lagana fogaado wax kastoo keeni kara xasarad iyo khilaaf. Sidoo kale goobta shirka waxaa amnigeeda sugaya Ciidamada ATMIS iyo qaar kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoona xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saraan tahay mas’uuliyad gaar ah.

15-xubnood oo Khawaarij ah oo lagu dilay duleedka deegaanka Xawaadlay.

0
15-xubnood oo Khawaarij ah oo ay ku jiraan Labo horjooge ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Xawaadlay.
Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadlay waxay ku dileen ilaa iyo 15 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan kaasi oo Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Xawaadlay, Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen “Garweyne” horjoogihii deegaanka Jameeco iyo horjoogayaal kale.
Howlgalkaan ayaa daba socday howlgal shalay ka dhacay isla deegaankaan oo lagu dilay 61 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab sidoo kalana lagu burburiyay Gaadiid Qaraxyo lagu soo xiray, waxaana tani ay ka dhigaysaa khasaaraha Khawaarijta gaaray labo maalmood gudahood 76.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamuladda Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Ayaa kulan ku yeeshay. Xarrunta Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Waxaana shir guddoominaayay Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (nuur Afeey) waxaana goobjoog ahaa xubnaha gudiga.

Ajendaha kulanku wuxuu ahaa Is-xogwareysi ku saabsan Amniga dalka iyo guud ahaan hawlaha kala duwan oo uu gudiga ugu xilsaaranyahay BJFS.

Ugudanbeen Waxaa kulanka Diirada lagu saaray dardar-gelinta howlaha hor-tabinta, u ah Guddiga.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo lagu soo dhaweeyay Machadka Cilmibaarista Caafimaadka Xoolaha ee dalka Masar. {Sawirro}

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa saaka lagu soo dhaweeyay Machadka Cilmibaarista Caafimaadka Xoolaha ee dalka Masar.
Iyada oo laga duulayo xaqiijinta hiigsiga isku filnaansho dhaqaale ee Xukuumadda #DanQaran ayaa Ra’iisul Wasaaruhu booqday Machadkan isaga oo dhiirigelinaya inay iskaashi la yeeshaan hey’adaha u igman faya-dhawrka caafimaadka xoolaha ee dalkeena.
Machadkan (AHRI) oo la aasaasay sanadkii 1904 ayaa waxa uu heer caalami ah kaga jiraa adeegyada iyo daraasaadka la xiriira faya-dhawrka xoolaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS ayaa Kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada AMISOM.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.
Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah furay Shirweynaha Banbaxa gobolka Banaadir {Sawirro}

0
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahla Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maaşta si rasmi ah u daahfuray Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir Ivo Dowladda Hoose ee Xamar oo socon doono mudda 3-Cisho ah.
Ujeedada Banbaxa Gobolka Banaadir waxuu ku salaysanyahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan Maamulka sare, Agaasimayaasha iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka ee Magaalada Muqdisho, si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo in Gobolku yeesho aragti wadareed iyo Qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa Adeegyadda Bulshada ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay in la helo Qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee Gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in Banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeed si cad loo aqoonsan karo, sida xilalka, waajibaadka masuuliyadaha shaqaalaha iyo in si qoto dheer ah loo eego Xeerka Gobolka Banaadir isla markaana la waafajiyo shuruucda kale ee heer Federaal isla markaana la hindiso xeer-hoosaadyo Gobolku ku howl galo kuwii horena dib u qaabayn lagu sameeyo.
Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha Guud ee Maamulka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa si wadajir ah u xusay in shir weynahaan Banbaxa oo noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta Caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee Gobolka iyo islaxisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka Shaqo.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan daahfuray ayaa fariin dardaaran ah u diray madaxdii shirkan ka qeyb gashay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada, islamarkana aan la aqbali doonin Musuq-Maasuq iyo wax dabamarin.

Shirka Banbaxa Gobolka Benaadir oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho

0

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho shirka Banbaxa Gobolka Benaadir oo ujeeddadiisu tahay isbarasho iyo in la isku keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka magaalada Muqdiso si loo hormariyo, dib-u- habayna loogu sameeyo qaab dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Benaadir.

[DAAWO] Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray farriisimaha Ciidanka ee degmada Dhoobley

0

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa Maanta kormeeray farriisimaha Ciidanka ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.