Home Blog Page 455

Ciidamada Isra’iil oo toogasho ku dilay dhalinyaro falastiiniyiin ah

 

Ciidamada Isra’iil ayaa subaxnimadii hore ee maanta, labo dhalinyaro Falastiini ah ku dilay magaalada Jeniin ee waqooyiga daanta galbeed.

Wariyasha ka howlgala daanta galbeed ayaa sheegaya in labada wiil oo dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabi jiray Ciza-Diin Xamaamra  oo 24 sano jir ahaa iyo Amjad Khaliili oo isagana 23 sano jir ahaa, la dilay ka dib markii Gaari ay wateen ay Rasaas ku  fureen Ciidamada Isra’iil, xilli ay marayeen tuulada Jaba, ee koonfurta Jenin.

Dilka dhalinyaradan ayaa qey ka ah dilal isdaba jog ah oo Ciidamada Isra’iil ay beryahii danbe u geeysanayeen muwaadiniinta reer Falastiin.

Dhanka kale, Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamas, ayaa Jimcihii shalay Marinka Qaza,  ka abaabulay howlgallo lagu taageerayo kooxaha wax iska caabinta si loo difaaco Masjidka Al-Aqsa.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug

0

 

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa la wareegay gacan ku haynta degaanka Ceelhuur oo hoos taga degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada gacanta ku dhigay degaanka Ceelhuur ayaa ka soo ruqaansaday degmada Hobyo, waxayna hadda ku daba jiraan firxadka Khawaarijta ka carartay deegaankaas.

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijtu, shacabka deegaannada la xorreeyay ayaa hadda ku nool nabad iyo horumar, iyadoo dowladdana ay dadaal xooggan gelisay sidii dadkaas ku heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

 

 

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya.

Muqdisho,  14-01-2023 : – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)  oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay  madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga  u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna  kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga  Midowga Yurub.

Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka ,  dib u heshiisiinta , kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii  kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah  madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka,  Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed  la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirkeenna Brussels.


Digniin dhanka Hawada ah oo looga dhawaaqay koonfurta Ukraine

Digniin dhanka hawada ah ayaa looga dhawaaqay gobollada kala ah Kherson, Zaporizhia, Mykolaiv iyo Odessa ee dhaca koonfurta dalkaasi Ukraine.

Wararka la xariira digniintan ayaa soo baxay goor dhaw,  kadib markii sida la sheegay la helay warar xaqiijinaya in duqeyma xooggan ay ka dhacayaan gobollada Kherson, Zaporizhia, Mykolaiv iyo Odessa oo dhamaantood dhaca koonfurta Ukraine.

Maamulka Kharkiv ee Ukraine  ayaa ku dhawaaqay duqeeymo loo adeegsanayo Gantaalaha S-300 ay ka dhacayaan aagga warshadaha  ee koonfurta Ukraine.

Iiraan oo dil toogasho ah ku Xukuntay Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhiga

Garsoorka Iiraan, ayaa Maanta oo Sabti ah, ku dhawaaqay fulinta xukunka dilka ah oo lagu riday Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Iiraan, Cali Reza Akbari, kaasoo lagu helay inuu  la shaqeynayay basaasiin u dhashay Britain.

Maxkamadda sare ee Iiraan ayaa horey Garsoorka ugu taageertay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Akbari, kadib markii lagu helay dambi ah inuu Gacan saar la lahaa sirdoonka Britain.

Cali Reza Akbari, ayaa la xiray intii u dhaxeysay sanadahii 2019-2020, waxaana la sheegay in uu heystay dhalashada Britain.

Cali Reza Akbari, waxa uu xilka Wasaaradda Difaaca qabtay intii u dhaxeysay 1999-2005, xilligaasi oo uu dalka xukumayay Madaxweyne Maxamed Khatami.

Mareegta Mizan Online, ayaa Arbacadii hore sheegtay, in Akbari, lagu xukumay dil toogasha ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu waxyeello u geeystay amniga gudaha iyo dibadda ee dalka, isaga oo sidokale u gudbiyay macluumaadka sirta ah Boqortooyada Ingiriiska.

Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta lasoo gabagabeeynayo

Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta qorshuhu yahay in la soo gaba-gabeeyo, Shirka ayaa looga hadlay qodobo  saldhig u ah howlaha hortabinta u leh shanta sano ee soo socota.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in war murtiyeed laga soo saari doono

Ciidamada Booliska oo fuliyay howlgallo ay dad ku soo qab-qabteen

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ka howlgalo Saldhigga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay labo Nin oo hubaysan oo loo heysto inay dhac u geysteen dadka deggan xaafadaha kala duwan ee degmada Howlwadaag, Ciidanka ayaa labadaan Nin ka qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhanka kale, Ciidanka Booliiska Saldhigga degaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa xalay soo qabtay labo ka mid ah koox ka Ganacsata waxyaabaha maanka-dooriya, kuwaas oo xilliga la soo qabtay ku iibinayay goob ay ku lahaayeen degaanka Ceelasha Biyaha.

DF oo tallaabo hormar leh u qaaday ku biirista Ururka EAC.

0

Muqdisho.(sntv):- Ergayga madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay halka ay marayaan dadaallada ku biirista  Ururkaas.

Ergayga ayaa sheegay in tallaabo hormar leh ay tahay ku biirista Ururkan {EAC}, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay ka go’an tahay ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan oo ka kooban 7-dal.

Wuxuu sheegay in wafdi ka socda Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} oo gaaraya 30 ilaa 40-xubnood ay imaanayaan magaalada Muqdisho 22-ka bishan ilaa iyo 3-da bisha dambe, kuwaas oo u kuurgalaya xaaladda dalka iyo sida ay u shaqeyso dowladda gaar ahaan xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo xagga wax soo saarka.

Sidoo kale, Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa tilmaamay in xilligan meel wanaagsan uu marayo hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso Ururka {EAC}, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dadaal xooggan geliyay dadaallada ku biirista  Ururkan.

“ Waxaa soo nooleeyay, eeg Soomaaliya labo labo jeer ayay codsi u dirsatay ururka {EAC}, wax daba raac ah ma jirin oo inta ay Soomaaliya u tagtay ururka isbaheysiga Afrikada Bari lama diidin Soomaaliya wali, laakiin waxaa muhiim ah iminka oo ay ka duwan tahay sidii hore, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la hadlay madaxda 7-dal oo yiri waxaan rabnaa inaan ku biirno,” ayuu yiri Mr. Hadliye.

Dowladda Federaalka oo xoojineysa hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Dowladda Ruushka oo sheegtay in uu la wareegay magaalada Soledar ee Uraine

Dowladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.

Dowladda Shiinaha oo adduunka soo dhaweynaya kadib xayiraadihii Covid-19

Dowladda Shiinaha ayaa sheegay in adduunka u sheegay in uu u furan yahay kadib dhibaatada Covid ee ku habsatay dalka in kasta oo ay ka codsadeen macluumaad dheeri ah Ururka Caafimaadka Adduunka.