Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Xildhibaanno kormeeray xaafadaha degmada Galcad ee G/Galgaduud. {SAWIRRO}
Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan deegaannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa kormeeray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.
Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Xildhibaan Xusul oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha Magaalada Galcad, halkaas oo ay xog wareysi kula yeesheen Shacabka Magaalada oo in muddo ah dhibbane u ahaa Khawaarijta arxanka daran.
Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaa xildhibaannada iyo saraakiisha u sheegay inay dil, dhac, boob, afduub iyo cabburinba ku hayeen kooxda khawaarijta ah, haatanna ay dareemayaan neecow gobannimo.
Dadka halkaasi ku dhaqan ayaa dowladda ka codsaday in ay deegaannadooda ka hirgeliso adeegyadii bulshada iyo goobihii cibaadada oo ay cagta mariyeen argagixisadu, taas oo ay horay u ballan qaadday XFS.

Howlgaladii ugu dambeeyay iyo deegaano cusub oo Khawaarijta laga saaray {SAWIRRO}
Ciidanka xooga dalka ayaa cagta mariyay ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud 48 saacadood ee la soo dhaafay.
Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay
Taliye Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Khawaarijta ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soonqaad, isagoo farriin culus u diray khawaarijta firxadka ah.
“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”
Wajiga 2aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa si rasmi ah u billowday, waxaana illaa iyo hadda lagu xoreeyay dhul farabadan, halka dhowaanna deegaanno hor leh laga xoreeyn doono haraadiga Khawaarijta.

Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro.
Daadadka webiyada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya Soomaaliya waxay keeni karaan soo ifbaxa iyo in ay dillaacaan cudurrro halis ah oo ka dhallan kara biyaha ,sidaasi waxaa digniin ku bixiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in roobabkaan ay ku soo aadeen xilli ay jireen cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka oo laga soo sheegay maamul goboleedyada Jubaland, Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.
OCHA, oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay daacuunka iyo 17 dhimasho oo xidhiidh la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii Jannaayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.
Waxa ay intaa ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 1,75,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya tan iyo bilowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii March, kuwaas oo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.
“Haddii roobab mahiigaan ah ay ka da’aan Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan ilaa 1.6 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay ku barakici karaan,” OCHA ayaa sidaa ku digtay.
Waxa ay sheegtay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.
OCHA ayaa sheegtay in in ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, kadib roobab xooggan oo da’ay 21-kii ilaa 24-kii bishii March.
Roobabkaan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.
Wasiirka Amniga oo dalka Serbia tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Qaranka. {SAWIRRO}

C/raxmaan C/shakuur oo ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada {SAWIRRO}

RW Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey
Muqdisho, Abriil 13, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo ku dhawaad 1,000 Qoys oo danyar ah maanta gargaar ugu qeybisay Deegaanka garasbaaleey
Waxaa maantay deegaanka garasbaaleey ee Gobolka Banaadir gargaar loogu qeybiyey 900 oo qoys oo barakacyaal ah taas oo kamid ah Mashruuca Gurmadka Degdega ah ee lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen waxaana si wada jir ah u fulinaya Hay’adda maareynta Masuuboyinka Qaranka iyo Hay’adda Boqor Salmaan.
Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.
Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.
Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, ee ka dhexeeya labada Dal.

