Home Blog Page 454

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO MAANTA LA CIIDAY CARUURTA AGOONTA BOLIISKA. {SAWIRRO}

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Beerta Nabadda ku la Ciiday Caruurta Boliiska maalintii 2-aad ee Shawal (Ciidul-fidri) H 1444, 2023.
Caruurta oo waalidiintood ku shahiideen u qidmaynta qaranka, ayaa waxaa nolashooda ka faalaqaaday Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyada oo indhahooda laga dheehanayo farxada iyo rayn-taynta ka muuqata.
Taliyaha, ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay Guddoomiyaha Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska ee S/Guuto Maxamed Abshir Muuse. S/Guuto, Cali Xirsi Barre.

Ciidamada dowladda oo qarka u saaran iney la wareegaan deegaanka Booco

Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo Khawaarijta ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50 KM koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggamineysa howlgalkaas. Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay Khawaarijta uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax,  Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, waxayna ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buuloburde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka sameeyay deegaano dhaca Buulo-Barde

Ciidanka xooga dalka iyo ciidanka  deegaanka Macwiisley ayaa howlgallo qorsheysan  waxa ay ka sameyen dagmada Buuloburte ilaa inta u dhaxeyso deegaanka Halgan iyo dhanka Jiinka Webiga.

Howlgalka waxaa hogaminaya Taliye Xuseen Xasan Hoorow qeybna uu ka ahay Kornel Cabdinasir Cali Cabdi waxaana ay ciidamada cagta soo mariyen dagana dhowr ah oo ay kamid yihin Berayabaal iyo Jicibow oo ay khawarijta Alshabab si dhumaleysi ah ku imaanayeen.

Ciidanka ayaana  soo burburiyay fariisimo ay Khawarijta Al-shabab ka sameeyeen  Jicibow iyadoon Khawaarijta  ay firxadeen   markii ay maqlen iney kusoo wajan yihiin ciidanka xoogga dalka.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda dalka Sudan

Maalintii labaad dagaallo xoogan oo u dhaxeeya laba garab oo ka kala socda ciidamada Dalka Suudaan ayaa ka socda Magaalada Khartuum iyo deegaanno kale oo duleedka ah.

Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan.

Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in tobaneeyo askari ay soo gaareen dhaawacyo, ugu yaraan 595 qofna ay ku dhaawacmeen guud ahaan dalka.

kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF),  waxa ay sheegtay in ay gacanta ku hayso goobta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ,halka ciidamada ay beeniyeen sheegashadaasi.

Mareykanka,Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, saddexda waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi inay shuruud la’aan joojiyaan colaadda.

Dagaalka Suudaan ayaa bilaawday xilli muddo  bilo ah ay jireenxiisado  u dhaxeeyay taliyaha milatariga, General Abdel Fattah al-Burhan, iyo madaxa RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo, kaas oo ku saabsanaa in  kooxda gurmadka degdegga ah ay ku  biiraan ciidanka.

Muqdisho-Somalia

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay+Sawirro

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saaka Khawaarijta ka xoreeyay Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Siraaji Sheekh Isaaq oo la socda Ciidamada ayaa soo sheegaya in deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo cadowga laga dulqaaday saaka walina lagu sii baacsanayo dhulka howdka ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta sid bulshada looga dulqaado dhibaatada ay ku hayeen muddada dheer.

 

Muqdisho-Somalia

[DAAWO] Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo ku bogaadiyay ciidamada qalabkasida sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin Sugida Amniga Magaalada

0

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa  xalay  kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

1,200 oo Qoys oo danyar ah oo maanta gargaar loogu qeybiyey Deegaanka Gubadleey

0

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salmaan ayaa Saakay 1,200 oo Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degaanka Gubadleey Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deeganadoodii abaaro iyo colaado uga soo barakacay.

Dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta aoo saaka Mooto Bajaaj ay qarax ku wadeen kula qaraxday degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir

0
Dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta ayaa saaka Mooto Bajaaj ay qarax ku wadeen kula qaraxday degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Qoysas dan yar oo la gaarsiiyay deeq raashiin ah

Qoysas gaaraya 1000-Qoys ayaa ka faa-iideystey deeq Raashiin ah oo Dawladda Cumaan ay gaarsiisey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Deeqdan raashiinka ah oo qeyb ka ah raashiin maalmihi ugu dambeeyey saldanada Cumaan ay ka qeybineysey qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka faa-iideystey ilaa kun Qoys oo kamid ah kuwa sida aadka ah ay u saameeyeen abaaraha ku soo noqnoqdey gobollada Dalka

Boqortooyada Cumaan ayaa bil kasta oo soon qaad ah waxaa qaar kamid ah goballada Dalkeenna ay ku qeybiyaan raashiin, kaas oo ay ka faa’ideystaan dadka danta yer ee abaaraha iyo colaadaha Khawaarijta ay Hurinayaan ay saameeyeen.

 

Muqdisho-Somalia

Dagaal khasaare xoog leh uu ka dhashay oo Maleeshiyaad Khawaarijta ku dhexmaray gobollada Jubbooyinka

Dagaal u dhaxeeyo Khawaarijta ka wada tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddexdii cisho ee ugu dambeeyay waxa uu ka socday dhulka howdka ah ee gobollada Jubbooyinka.

Dagaalkan ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Yaaq Shabeel oo u dhaxeeya deegaannada Kaam-jaroon iyo Beerxaani, wuxuuna dagaalka oo geystay Khasaaro culus oo dhinacyada dagaallamayay soo gaaray u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka wada tirsan Khaawarijta.

Sida xogta aan ku helnay, dagaalka ayaa ka bilowday ka dib, horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo lagu magacaabo Ismaaciil Boorow uu ka gadooday,islamarkaana ka soo baxsaday kooxda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, xilli uu howdka u sii socday oo argagixisadu dhexda u galeen, halkaas oo uu dagaal kulul ku dhexmaray.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaalka saddexda cisho ee la soo dhaafay soconayay, sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 20-dhagar qabe, kuwaas oo daryeel caafimaaddaro ku haysato dhulka howdka ah.

10-ka ruux ee geeriyooday oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa la kala saftay horjoogahan lagu magacaabo Ismaaciil Boorow iyo horjooge kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Horjooge Ismaaciil Boorow oo abtirsi ahaan ka soo jeedo degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa la aamisan yahay inuu hasto maleeshiyaad xooggan oo u badan kuwo ku heyb ah iyo kuwo fikir ahaan isaga taageersan ,islamarkaana doonaya in ay kooxda Al-shabaab ka soo baxaan noloshooda ay u beddelaan.

Al-shabaab oo diidan ayaa doonaya in ay cadaadiyaan horjooge Ismaaciil Boorow iyo maleeshiyaad kale ee la socda. Wararku waxay sheegayaan in horjoogahan uu la baxsaday maleeshiyaad kuwaa soo hadda joogo deegaanka Kaam-jaroon, halkaas oo ay ku dhuumaleysanayaan, halka maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijta oo doonaya in ay khaarijiyaan horjoogahan ay ka soo baxeen dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Maleeshiyaadkan ka soo baxay degmada Jilib waxay si gaar ah fikir ahaan u hoostagaan horjooge Mahad Karataay. Culeyska dagaal ee Al-shabaab ka soo fuulay Dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa ku qasbaya in ay kala firxadaan oo ay ku dagaallamaan dhulalka howdka ay ku dhuumaaleysanayaan.

Muqdisho-Somalia