Home Blog Page 441

Xog’hayyaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Axmed ayaa booqday Degmooyinka Kaxda iyo Wadajir.

0

Xog’hayyaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Axmed ayaa booqday Degmooyinka Kaxda  amniga iyo bilicda Caasimadda la xariira la qaatay Maamulada Degmooyinka Kaxda iyo Wadajir.

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbixina kala duwan oo xaalada Degmooyinkaasi quseeya ka dhageestay Maamulka Degmada Kaxda iyo Maamulka Degmada Wadajir, kuwaas oo la xariiray horumarka Amni ee kajira Degmooyinka qeybta galbeed, iyo sida loogu guuleystay ka hortaga qataraha ay geysan jireen Argagixisada, Burcadka iyo ciyaal weerada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa  maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan  shir  ah

0

Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashaandhiga ee Xukuumaddq Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howlgalada dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta iyo sidoo kale horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka Khawaariijta laga saaray.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga ciribtiro khawaariijta,waxayna kula dardaarmeen in ay dadaalkooda laba jibbaaraan

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada oo bogaadisay howlgallada ka dhanka ah hubka sharci darrada

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Lataliyaha ayaa Sidoo kale soo dhaweysay howlgalka ciidamada hay’adda Nabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka ka shaqeynayo dhibateenta Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri u soo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.

Muqdisho-Somalia

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK ee Soomaaliya 

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Stephen Nithavrianakis.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta wadahadalllada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, Safiirka ayaana soo dhaweeyay dedaalada uu wado xafiiska Ergaygu.

Ergayga gaar ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariim Guuleed ayaa uga mahadceliyay dowladda UK taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Sharma Shiikh uga qeybgalay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Bariga Afrika

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.

Muqdisho-Somalia

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo gaaray magaalada Kismaayo

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaanyo.

Wasiirka iyo Wefdigiisa ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey wasiirka Caddaalada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, Wasiir kuxigeedkiisa, Odoyaasha Dhaqanka, Culimada iyo waxgaradka magaalada Kismaayo.

Wefdigan ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir weynenaha wadatashi oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka kaasoo lagu wado in goordhow uu ka furmo magaalada Kismaanyo.

Wasiirka Caddaalada XFS oo furay kulan farsamo oo looga hadlayo howlgalinta hannaanka caddaaladda iyo Asluubta

-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka furay magaaladda Muqdisho kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka Caddaaladda iyo Asluubta ee ay dhawaan Golaha wadashiga qaran hashiis ka gaareen.

Kulanka oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa waxa ka soo qayb-galay xeeldheerayaal dhinaca sharciga ah kuwaas oo ka kala socda Xafiiska ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha cadaaladda ee Dowlada xubnaha ka Dowlada Fadaraalka, Gobolka banaadir, bahda Garsoorka, Xeer ilaalinta, Garyaqaan guud , ururka qareenada, Hay’ado kale  iyo howlwadeenada wasaaradda caddaaladda Fadaraalka ah.

Ujeedka kulanka loo qabtay ayaa ah in laga doodo sida ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo hannaanka caddaaladda iyo Asluubta kaas oo la jaan qaadi kara hannaanka Fadaraalka ee uu dalku u guuray maadama uu hannaankii hore ee caddaaladda iyo Asluubta uu aha mid hal meel laga maamulo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya,waxana ka qeyb galayaan 19 Maayir oo ka kala socda gobolada dalka ayaa lagu soo badhigi doonaa horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale.

Madasha Maayarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socoda ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyey Guddoomiyayasha  degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyaga oo soo bandhigay dooda la xariira horumarka iyo caqbadaha jira iyo sida loo xalin karo.

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda

Muqdisho oo muddo badan maaro u la’ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa wixii maalmo hore tegay soo maray. Ka dib markii ay maanta u kaceen madax iyo ciidamo qaranku u gaar yeelay magaaladan si loo xaqiijiyo amnigeeda.

” Xukuumaddu qaraar waxay gaartay Baladka hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni-darada aragtida ka mid ah, qofka inta uu arkaayo baabuur Dhashiiko ah oo toban wiil saaran tahay oo qoriga Dhashiikaha ku dhegan oo waddada Maka Al-mukarama dhex cararaayo,qofna laguma qancin karo magaaladan ammaan waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ciidamada amniga oo fulinaya amarka madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo hubka waa-weyn ee magaalada dhex yaaci jiray ka hor amarkaas, waxayna ciidamada xasillinta ee loo gaar yeelay magaaladan si joogta ah u hubiyaan dhaqan galka  go’aankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa wax weyn ku tilmaamay meel marinta sharciga xakameynta hubka, isagoo uga mahadceliyay madaxweynaha JFS iyo golaha wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay mid xal loogu helay sugida amniga Muqdisho.

” Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka iyo golaha xukuumadda oo runtii xakameynta hubka meel mariyay uu madaxweynuhuna ku dhawaaqay naguna garabsiiyay, mushkilo ma jirin ilaa hub ayay ahayd, kantaroolada waa lagu marayay, shacabka Soomaaliyeed waddo gaari lagu furanayay lagu dilayay,  hubkaas in la soo saaro oo sharcigaas la meel mariyo wax weyn ayay inoo ahayd,”.

” Waxaa reeban in la qaato qoriga ama la isticmaalo gaadiidka uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha iyo qoryaha ka sii waa weyn, waxaa reeban in la isticmaalo qoryaha Baasuukaha dheh ama RBJ-ga in magaalada lagula dhex socdo oo lagula dhex laaf-yoodo oo madaxaa lagu ilaalinaa la dhaho ayaa reeban,waxaa kale oo reeban qoryaha daran-dooriga u dhaco oo BKM-ka ka mid yahay iyo wixii lanmid ah ayaa reeban,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Col. Shuute.

Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay xeerka xakameynta hubka iyo sida looga dareemay amniga caasimadda, wuxuuna si gaar ah u ammaanay ciidanka gaarkanah ee juhdiga ku bixiyay in caasimadda laga tir-tiro falalkii argagixisadu ka geysan jirtay iyo kooxihii kale ee qaswadayaasha ahaa.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay neecowda nabadda,iyagoo ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka sida hagar la’aanta ah ee mas’uuliyad isaga saareen sugida amniga.

Muqdisho-Somalia