Home Blog Page 436

Ciidanka xoogga oo howlgalka dhameystirka wajiga koowaad kawada degaanno katirsan Galmudug

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug halkaas oo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan.

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan,kuwaas oo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug

Dhawaan ayay ahayd markii deegaano ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga,kuwaas oo booqaday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug,iyagoo u sheegay in ay u diyaar garowaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray qaar kamid ah Xerooyinka lagu tababaro ciidanka xoogga

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer shaqo  ku tagay  Xerooyinka  General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka   Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku kula dar Daarmay inay gacan adag kula dagaallamaan khawaarijta.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka.

Wasiirka difaaca XFS oo faahfaahiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka bariga Afrika

0

Wasiirka Gaashandhigga XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkan.

 

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

 

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna aqalka hoose ee baarlamaanka ka codsaday in ay meel marinaan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

 

Ciidanka heeganka bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.

Muqdisho-Somalia

Masuuliyiin ka socday hay’adda duulista reyidka oo gaaray magaalada Afbarwaaqo

0

Masuuliyiin ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliya ayaa gaaray magaaladda Afbarwaaqo ee gobalka Mudug halkaas oo ay ka socoto dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo ay Bulshada baahi weyn u qabtay.

Waa markii u horeeysay oo ay injineero ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliyeed kormeer ku tageen garoonkaa waxaana socdaalka injineerada qeyb ka ahaa la taliyaha dhanka arimaha bulshada madaxweynaha Galmudug Axmed Shire Falagle iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Masuuliyiintii ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalka ay kusoo gaareen Afbarwaaqo iyo Hanaanka uu u socda dhismaha garoonka in uu yahay mid waafaqsan sharciga dhismaha garoomada.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu bur-buriyay Saldhig ay ku sugnaayeen Khawaarijta

0

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa maanta lagu dilay tiro badan oo khawaarij ah oo ku sugnaa sohdinta u dhaxeysa gobalada Shabeellha Dhexe iyo Gaalgaduud .

Ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa la bur-buriyay,kadib howlgal qorsheysan oo u dhacay si kutalagal ah.

Sidoo kale saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la burburiyay waxaana halkaasi khawaarijta ku gaaray jab kale.

Waxaa socda tirakoob iyo uruurin ku saabsan khasaaraha gaaray kooxaha khawaarinta ee manta la beegsaday

Goor dhow la soco faahfaahinta jabka Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan.

Muqdisho-Somalia

Howlgal culus oo lagu sifeynayo Khawaarijta ayaa ka socda Bariga gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa saaka howlgal culus oo lagu sifeynayo Khawaarijta ka wada Bariga gobolka Galgaduud halkaas oo Wariyaasha Warbaahinta Qaranku ay soo sheegayaan in howlgalka oo saacado socda cadowga khasaare lagu gaarsiiyey.
Wasiirka Difaaca XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Goordhow sheegay in howlgal sifeyn ah uu ka socdo deegaanada u dhexeeya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud si gaar ah aagga Daaru-nimca.
La soco faah faahinta howgalka socda

Xuska Maalinta Adduunka oo lagu Qabtay Madaxtooyada Qaranka. {Sawirro}

Munaasabad lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga ayaa ka qabsoomtay Isbitaalka Madaxtooyada Qadanka.

Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo howl-wadeennada isbitaalka ayaa lagu soo bandhigay khatarta uu leeyahay xanuunkan dilaaga ah iyo dhabbaha ugu wanaagsan ee looga hortegi karo, si ay uga foojignaadaan halistiisa shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Isbitaalka Madaxtooyada JFS Dr Xuseen Maxamuud ayaa ka warbixiyey qataraha cudurka oo dadka badankood sahalsada madaama cagaarshowga dhaqaatirta u yaqanan dilaaga qarsoon (silent killer).

Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo hadallada ka jeediyey munaasabadda ayaa Maamulka isbitaalka ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta wacgelinta bulshada si ay uga taxadiraan badqabka caafimaadkooda.

Waxa kalo hadale boogin din leh ka jeediyey xildhibanada labada gole isugu jiro ayagoo ku boogaadiyey dadaalada isbitaalka uu wado

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .

Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale
meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Agaasimaha xiriirka dibada iyo hay’addaha Caalamiga ayaa dowlda hoose turkiga kula kulmey duqa magaalada Konya Mudane Ercan Uslu.

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’adaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Agaasime Kuxigeenka Waaxda Dhulka iyo Xiriiriyaha D.hoose ee Muqdisho iyo Dawladaha hoose ee Turkiga ayaa la kulmay Kuxigeenka Duqa Magaalada Konya Mudane Ercan Uslu.

Kulanka ayaa ugu horeyn loogu mahadceliyay Dowladda Hoose ee Konyo fulinta qeybo ka mid ah heshiisyadii ay horey u gareen labada Magaalo oo ay ugu horeesay in Tababarayaal ka socday Magaalada Konya ay Muqdisho ku tababareen 60 kamid ah shaqaalaha Dabdamiska Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoon la isla gartay in dhawaan wejiga labaad ee Tababarkaasi lagu qabto Magaalada Konya ee Dalka Turkiga.

Dhinaca kale kulanka ayaa loogu hadlay dar-dargelinta iyo ka dhabeynta Heshiisyada Mataaneen ee labada Magaalo, waxaana la isla gartay in Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo diro Injineero ka socdo Xafiiska Bullaacadaha Magaalada Konya, kuwaas oo warbixin ka diyaarin doonna xal u helidda bullaacadaha Muqdisho, waxa ayna Dowladda Hoose ee Konyo ballan qaadeen dhismaha kanaalada bulaacadaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Muqdisho loo ballan qaaday in laga taageeri doonno helida qalabka biyaha lagu soo saaro iyo Riigaga Ceelasha Biyaha lagu qodo si bulshada ay u helaan adeegga biyaha, iyadoona loo tababari doonno Shaqaalo xirfad iyo aqoon u leh maareynta Biyaha.

Wafdiga ayaa kormeeray Waaxyaha Dhulka, Bulaacadaha, Ilaalinta Deegaanka iyo Arrimaha Dibadda, iyadoona ay waaxyahaasi dhawaan tababari doonaan shaqaalaha Waaxda Dhulka, Ciidnka Ilalaada Deegaanka Xamar iyo Waaxda Qorsheynta Magaalada ee Dowladda Hoose Muqdisho.

Ra’iisal wasaare hamsa oo madaxweynaha Kenya kala hadlay fududeynta dal-ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Daaresaalaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.